Madaxweynaha Soomaaliya oo shacabka ugu baaqay in Alle loo laabto maadaama dambiyo kala duwan la galay

Date:

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay salaadii Jimcaha Masjidka Shuhadaa ee ku yaala Xarunta Madaxtooyada ayaa shacabka ugu baaqay in ay Alle u laabtaan oo ay dambi dhaaf weydiistaan.

Khudbadda salaadda Jimcaha ayaa waxay ku saabsanayd ahmiyadda Garsoorka iyo Cadaalladda, waxaana akhrinayay khudbadda Jimcaha Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in cadaalladdu ay tahay mid Wanaagsan maalinta qayaamahana la is waydiinayo loona baahan in Madaxda iyo Shacabkaba ay ku dadaalaan sidii cadaallad looga shaqayn lahaa .

“Waxaa loo baahan yahay in arrimaha maxkamadaha lagu dadaallo sidii loo hubin lahaa, cadaallada waa shayga ugu muhiinsan adduunyada oo maalinta Aaqirana lays waydiinayo” ayuu yiri Sheekha

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya  Avv, Ibraahin Iidle Suleebaan  ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan cadaalladda, wuxuuna madaxda iyo shacabka u soo jeediyay inay u duceeyaan  garsoorka.

“Khudbadda maanta waxay ku saabsanayd cadaaladda, waxaana loo baahan yahay in lagu dadaalo garsoorka si dalkeena Soomaaliya uu uga baxo bur burka xagga garsoorka” ayuu yiri Ibraahim.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay masjidka Shuhadaa ee xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in Alle u laabtaaan oo ay dambi dhaaf weydiistaan.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo dowladda Soomaaliya si dalka uu horay ugu socdo lana ilaaliyo amaanada ,cadaalladda iyo dadka danyarta ah.

“Dalkan aniga iyo dhowr iyo toban Wasiir kaliya wax kama qaban karno, waxaa loo baahan yahay in dowladda lala shaqeeyo si bur burka looga baxo, waxaa jira kooxo ka shaqeeya had iyo jeer bur burka dalka oo habeen iyo maalin u soo jeeda sidii dalka loo bur burin lahaa” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...