Shir looga hadlayay amniga oo lagu qabtay xarunta Degmada Heliwaa

Date:

Wasiirka Amniga Gudaha, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, saraakiisha ciidanka booliska, Nabad sugidda iyo guddoomiyeyaasha 17-ka Degmo ee gobolka ayaa ka qeyb galay kulan lagu qabtay xarunta degmada Heliwaa, kaasi oo looga hadlayay amniga caasimadda iyo sidii Bulshada Soomaaliyeed loogu wacyi gelin lahaa ka qeyb qaadashada Amniga Caasimadda.

Shirka oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir la qaatan Guddomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa waxaa kaloo diiradda lagu saaray dar dargelinta howlaha la xiriira dib u soo celinta bilicdii ay caasimaddu lahayd.

Guddoomiyaha degmada Heliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in xarunta degmada Heliwaa lagu qabto shirkii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Guddoomiyaha cusub ee gobolka iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxaana uu xusay in tani ay muujineyso horumarka amni ee ka jirta degmada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Heliwaa ku bogaadiyay waxyaabihii uu degmada ka qabtay muddada yareyd ee uu joogay, waxaana uu balan qaaday in uu la shaqeyn doono maamulka degmada.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in ciidamada amniga looga baahanyahay inay xoojiyaan Nabad gelyada,  isla markaana ay ka hortagaan cidkasta oo dhibaateyneysa shacabka, waxaana uu intaa raaciyay inay xoogga saari doonaan degmooyinka daafaha ku yaala si amniga caasimadda loo xajiijiyo.

Shirkaan ayaa ujeedkiisa uu ahaa isbarasho iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee degmada Heliwaa, waxaana shirka kaddib Guddoomiyaha Degmada Heliwaa, Guddoomiyaha Gobolka, Wasiirka Amniga iyo wafdigii la socday ay kormeer ku tageen dhoor goobood oo ka tirsan Degmada sida Isgoyska Ex-Koontarool Balcad iyo meelo kale oo aad ufarabadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...