Ciidamada Xoogga oo toogtay nin dhawaan dil u geystay askari ka tirsan AMISOM

Date:

Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta howlgallo ay ka sameyeen duleedka Bari ee magaalada Buulo burde ee gobolka Hiiraan, waxa ay toogasho ku dileen nin dhawaan dil u geystay askari ka tirsanaa ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan ciidamada Jabuuti.

Ninka ay ciidamada toogteen ayaa isku dayay in uu iska caabiyo ciidamada oo doonayay inay nolosha ku soo qabtaan, waxaana ciidamada u suurta gashay inay goobta ku toogtaan, kaasi oo meydkiisa la keenay magaalada Buulo burde iyo qorigii uu ka dishay askarii ka tirsanaa AMISOM.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta 21aad Maxamed Cabdiqaadir Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada ay ku guuleystaan inay toogtaan ninkii ka dambeeyay falka dilka ah, waxana uu intaa ku daray in maalinta beri ah ay Maxkamadda soo taagi doonaan mid kale oo falkaasi lagu tuhmayo.

“Falka dilka ah ee Askariga AMISOM waxaa la geystay Arbacadii, waxaana jirtay in magaalada ay soo gaareen wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi kale oo dhanka Beledweyne ka socday, runtii Maxkamadda ayaa go’aamisay in la soo qabto saddex nin oo kiiska loo heysto, labo ka mid ah waa ay baxsadeen, halka mid kale la qabtay, labada baxsatay mid ka mid ah ayay ciidamada ka daba tageen oo ay toogteen markii uu diiday in uu isu dhiibo, meydkiisa magaalada ayaa la keenay iyo qorigii uu ka dishay Askariga Jabuutiyaanka ah” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Qeybta 21aad.

Ninka ay ciidamada toogteen ayaa ka mid ahaa ciidamada balse si hoose ula shaqeynayay argagixisada Al-Shabaab, taasi oo keentay in uu geysto falkaasi dilka ah, balse ciidamada xoogga ayaa soo afjaray arrintaasi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...