Roobab lagu diirsadey oo ka da’ay deegaanno hoos yimaada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Date:

Muqdisho(SONNA)-Roobabkan ayaa shalay ilaa xalay  ka da’ay deegaanka koongo oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kaas oo saameeyay  qoysaska dantayar ee deegaankaas iyo deegaannada kale ee ku dhow ku nool.

Sahro Xuseen oo ka mid ah dadka Tuulada koongo oo la hadashaywarbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in Roobabku ay saameeyeen dadka ku nool Guryaha ka sameysan Bacaha iyo xooshadaha  isla markaana  roobku uu watay  dabeylo  xooggan.

“ Roobkii shalay iyo xalay noo da’ay waxa uu saameeyay qoysaskeenna, guryaheennii waxaa ka biibay jiinkadihii saarnaa  kaddib dabeylo xoogga uu watay roobka oo saameeyay, banaanka ayaan hadda jiifnaa waxaan u baahannahay  caawimaad” ayay tiri Sahro oo ka mid ah dadka tuulada gongo.

Inkastoo muddo la sugayay roobabkaan uuna ku soo aaday xilli abaaro xooggan ay kajirtu dalka ayaa hadana waxa uu saameeyay dadka Danta yar ee ku nool Guryaha aanan awoodin in ay iska Celiyaan Dabeylaha uu roobku wato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari...

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku...