Roobab lagu diirsadey oo ka da’ay deegaanno hoos yimaada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Date:

Muqdisho(SONNA)-Roobabkan ayaa shalay ilaa xalay  ka da’ay deegaanka koongo oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kaas oo saameeyay  qoysaska dantayar ee deegaankaas iyo deegaannada kale ee ku dhow ku nool.

Sahro Xuseen oo ka mid ah dadka Tuulada koongo oo la hadashaywarbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in Roobabku ay saameeyeen dadka ku nool Guryaha ka sameysan Bacaha iyo xooshadaha  isla markaana  roobku uu watay  dabeylo  xooggan.

“ Roobkii shalay iyo xalay noo da’ay waxa uu saameeyay qoysaskeenna, guryaheennii waxaa ka biibay jiinkadihii saarnaa  kaddib dabeylo xoogga uu watay roobka oo saameeyay, banaanka ayaan hadda jiifnaa waxaan u baahannahay  caawimaad” ayay tiri Sahro oo ka mid ah dadka tuulada gongo.

Inkastoo muddo la sugayay roobabkaan uuna ku soo aaday xilli abaaro xooggan ay kajirtu dalka ayaa hadana waxa uu saameeyay dadka Danta yar ee ku nool Guryaha aanan awoodin in ay iska Celiyaan Dabeylaha uu roobku wato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Waraaqaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirka Guddiga Qaranka ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...