Maraykanka Oo Weli Wada Dib Usoo Celinta Soomaalida Ku Nool Dalkaas

Date:

Muqdisho(SONNA)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka maraykanka Axmed Ciise Cawad  ayaa sheegay in dowladda maraykanka  ay waddo qorshe dalkeeda ay uga musaafuriyo Soomaali gaaraysa 4’000″ afar boqol oo kun oo ruux”.

Safiirka ayaa sheegay  in Dowladda Maraykanka ay waddo qorshayaal dalkeeda ay uga soo celineyso dadka Soomaaliyeed ee mudda ku noolaa dalkaas.

“Waxaa jira dad hadda ku sugan goobaha laga diiwaan geliyo dadka la musaafurinayo oo gaaraya 300 oo soomaali ah kuwaas oo sugaya in dalkooda dib loogu soo celiyo waxaa kaloo jira howlgalkii ugu dambeeyay ee hay’adaha  Socdaalka in lagu soo qabtay dad gaarayay 80 ruux oo uu ku jiro nin Soomaali ah” Ayuu yiri  Safiir Axmed Ciise Cawad .

Dowladda Maraykanka ayaa horay u diiday in dalkeeda ay ku noolaadaan dad ka soo jeeda 6 wadan oo soomaaliya Qayb ka ahayd waxaana xilligaas wixii ka dambeeyay dalka dib loogu soo celiayay soomaali muddo ku nooleyd maraykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...