La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS oo faah faahin ka bixiyay Dagaalka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo

Date:

Mudane Xuseen Macalin oo ah La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa fasiraad ka bixiyey iclaamintii dagaalka ee 6-dii April 2017.

 

Xuseen oo mar su’aal laga weydiiyey arrinta Xaalad Dagaal ayaa sheegay inaysan haba yaraatee micnahu aheyd Xaalad Deg-deg ah, hase yeeshee uu ku micneeyey inay tahay xaalad lagu xoojinayo ama lagu dar-dargelinayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab. Xuseen ayaa sheegay in tallaabadan ay ku timid ka dib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu horey u ballanqaaday inuu mudnaan gaar ah siin doono arrimaha amniga, isla markaasna ay suurtogashay in dib u habeyn lagu sameeyo Taliyeyaasha Ciidamada Dalka.

 

Xuseen oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in Xaalad Dagaal ay micnaheedu tahay diyaar garow dhanka ciidamada ah si ay howlgal ballaaran u qaadaan iyo diyaar garow dhanka shacabka ah oo laga doonayo inay taageeraan oo garab-istaagaan ciidamada xilliga ay dagaalka ku jiraan.

 

Xuseen ayaa ugu danbeyntii sheegay in micnaha Xaalad Dagaal aysan marnaba la mid aheyn Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency), sababtuna waxey tahay Xaalad Deg-deg ah waa marka khatar weyn  ay soo wajahdo dalka, taas oo u baahan in dhammaan hay’adaha Dowliga ah inay ka wada tashtaan oo waxaa jira nidaam loo maro oo ugu danbeyntana Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay hay’ada soo saari karta Xaalada Deg-dega ah si uu Madaxweynahu dekreeto ugu soo saaro.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...