Dadaallo loogu gurmanayo dadka ay abaartu saameysay oo ka socoto dalka Mareykanka

Date:

Gobolka Minnesota oo ah Gobolka ugu badan oo ay Soomaalida Maraykanka degan tahay ayaa weli waxaa ka socda dadaallada loogu gurmanayo abaaraha baahsan ee laga soo sheegayo dalka Soomaaliya, hadaba kulan ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen Hey’adaha Hilaac Foundation, Minnesota Community of Africa People with Disablities, Feed my Starving children iyo Hey’adda Matter  ayaa waxa ay kusoo bandhigeen ilaa shan kunteenar oo ay ku jiraan Cunto Nafaqo leh oo loogu tala galay in la gaarsiiyo Abaaraha Soomaaliya.

Luul Cali Cismaan oo ah madaxa hey’ada Hilaac Foundation ayaa sheegtay in deeqdani ay si toos ah u gaarsiin doono dadka abaaraha ay samaysay isla markaana ay balan qaaday in ay soo gudbin doonto cadeynta iyo meelaha ay ka qeybineyso  Raashiinkani.

Sheekh Xasan Jaamici oo ka mid ah culimada ugu caansan Maraykanka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay iyaga laga doonayo in ay iscaawiyaan, isagoo ka codsaday dadkii ka soo qeyb galay munaasabadani in ay la baxaan sadaqada oo ay u gurmadaan abaaraha ka jira Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee waxaa sii kordhaya dadaallada Caalamiga ah ee la doonayo in loogu gurmado dadka ay abaaruhu aafeeyeen, waxaana ilaa iyo inta aan ka warqabno dalkani Maraykanka laga diray lacag ku dhaw hal milyan iyo bar doolar

Liban Hussein

Warbahinta Qaranka Minneapolis

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...