R/Wasaare Ku xigeenka XFS oo xilka kala wareegay R/Wasaare ku-xigeenkii Hore.

Date:

Muqdisho, April 08, 2017—–Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka ah ee Soomaaliya Mudane Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xilkii kala wareegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore Mudane Maxamed Cumar Carteh Qaalib, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada.

Mudane Carteh ayaa u mahadceliyey dhammaan madaxdii dawladdii hore iyo Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wuxuna sidoo kale tilmaamay in mudadii labada sano ahayd ee shaqada uu qaranka u hayay qabsoomeen howlo aad u badan isla markaana loo baahan yahay in horey loo sii ambaqaado.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ayaa Intaa Kadib ku wareejiyey Ra’iisal wasaare ku xigeenka cusub Xilkii isagoona u rajeeyey inuu ku guulaysan doono howlaha horyaala maadaama uu yahay nin khibrad iyo aqoon dheeraad ah u leh arimaha Soomaaliya ka Jira.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Cusub Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xil wareejinta kadib, u mahadceliyey masuulkii xilka uga horeeyey, wuxuna kula dar-daarmay shacabka Soomaaliya iyo guud ahaan hay’addaha dawladdu in gacan buuxda lagu siiyo sidii uu waajibaadkiisa shaqo u gudan lahaa.

” Anigoo kalsooni buuxda ku qaba Mudane Maxamed Cumar waan ku faraxsanahay in wixii la soo qabtay wax ka fiican uu Ilaahay ka rajaynayo inuu dalka ka qabto iyadoo taasna noo suurta galin doono waqtiga anagoo kaashanayna Dawladeena iyo shacabka Soomaaliyee” Abukate Mahdi”

—-DHAMMAAD—

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...