La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS oo faah faahin ka bixiyay Dagaalka uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo

Date:

Mudane Xuseen Macalin oo ah La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa fasiraad ka bixiyey iclaamintii dagaalka ee 6-dii April 2017.

 

Xuseen oo mar su’aal laga weydiiyey arrinta Xaalad Dagaal ayaa sheegay inaysan haba yaraatee micnahu aheyd Xaalad Deg-deg ah, hase yeeshee uu ku micneeyey inay tahay xaalad lagu xoojinayo ama lagu dar-dargelinayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab. Xuseen ayaa sheegay in tallaabadan ay ku timid ka dib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uu horey u ballanqaaday inuu mudnaan gaar ah siin doono arrimaha amniga, isla markaasna ay suurtogashay in dib u habeyn lagu sameeyo Taliyeyaasha Ciidamada Dalka.

 

Xuseen oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in Xaalad Dagaal ay micnaheedu tahay diyaar garow dhanka ciidamada ah si ay howlgal ballaaran u qaadaan iyo diyaar garow dhanka shacabka ah oo laga doonayo inay taageeraan oo garab-istaagaan ciidamada xilliga ay dagaalka ku jiraan.

 

Xuseen ayaa ugu danbeyntii sheegay in micnaha Xaalad Dagaal aysan marnaba la mid aheyn Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency), sababtuna waxey tahay Xaalad Deg-deg ah waa marka khatar weyn  ay soo wajahdo dalka, taas oo u baahan in dhammaan hay’adaha Dowliga ah inay ka wada tashtaan oo waxaa jira nidaam loo maro oo ugu danbeyntana Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay hay’ada soo saari karta Xaalada Deg-dega ah si uu Madaxweynahu dekreeto ugu soo saaro.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...