Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka oo qaabilay kuxigeenka Madaxa USAID

Date:

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan la qaatay kuxigeenka madaxa USAID Mr. Gregory Gottlieb kaasoo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo.

Kulanka Ra’iisal Wasaar kuxigeenka iyo kuxigeenka madaxa USAID ayaa looga hadlay arrimo khuseeya Abaaraha iyo mashaariicda horumarineed ee ay bixiso hay’addaasi.

“Booqashadaadu waa mid ka tarjumeysa sida USAID ay uga go’antahay inay joogteyso taageerada ay u hayaan Dowlada Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, weliba imaatinkaaga waqtigan xasaasiga ah ee Abaaraha ba’an ee heysta shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri kuxigeenka Ra’iisal Wasaaraha.

“Xukuumadayadu waxey siisay ahmiyad gaar ah siisay in shacabka Soomaaliyeed loo fidiyo gar-gaar dhan walba ah si dalka looga illaaliyo inay macluul ka dilaacdo. waxaana sameysnay Wasaarada Gar-gaarka & Maareynta Masiibooyinka si ay kaalin hormuud uga qaadato isku-duwida iyo la shaqeynta dhammaan hay’adaha kala duwan ee dalka ka teegeera arrimaha gar-gaarka” ayuu mar kale yiri R.wasaare kuxigeenka.

Ku-xigeenka madaxa USAID Mr. Gregory Gottlieb oo goobta ka hadlay ayaa ku ammaanay sida dowladda federaalka ay uga go’antahay taageerada shacabkooda, ayna wasaarad gaar ah ugu sameeyeen gargaarka iyo musiibooyinka.

“USAID waa saaxiibka ugu dhow ee dowladda iyo shacabka, waxaana ballan qaadayaa inaan mar kasta la garab istaagno taakuladeena” ayuu yiri Mr. Gottlieb oo hoosta ka xariiqay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay inay kordhiso mashaariicda horumarineed ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaana kuwa gargaarka, dhismaha hay’addaha nabadgalyada, iyo mashaariicda kale ee dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray qalabkii doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho...

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska goobaha codbixinta doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu...

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...