Al-Shabaab oo sii daayay qaar ka mid ah Dhaqaatiir ay Afduub u haysteen

Date:

Baladweyne-(SONNA)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya iney xorriyaddoodii dib u heleen qaar ka mid ah Dhaqaatiir ay Shalay Afduubteen Al-Shabaab.

Afar ka mid ah Dadkii la qafaashay ayaa Xalay lasoo sii daayay, iyadoo uu weli Gacanta ugu jiro Al-Shabaab Dr: Xasan Madoobe oo hoggaaminayay Dhaqaatiirtii la Afduubtay.

Howlwadeennadan xagga Caafimaadka ah oo ka koobnaa Afar xubnood iyo Darawal u waday Gaariga ayaa laga Afduubtay Tuulada Caloola-Cad oo  ku dhow Baladweyne.

Dhaqaatiirtan ayaa indhowaalaba howlo tallaalka Xoolaha ah ka waday degaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan,waxaana haatan socda dedaallo lagu soo badbaadinayo Dr; Xasan Madoobe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...