Maraykanka oo mar kale muwaaddiniintiisa uga digay Dalka Kenya

Date:

USA-(SONNA) Dowladda Maraykanka ayaa muwaaddiniinteeda ku sugan Dalka Kenya iyo kuwa u safrayaba uga digtay rabshado laga yaabo iney halkaasi ka dhacaan Bisha Augost oo ah xilliga loo madlan yahayay doorashooyinka Dalkaasi.

Hadalkan oo ka soo baxay Xafiiska arrimaha dibedda Dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay dhici karaan dibed baxyo nabadeed iyo mudaharaadyo,kuwaasoo isu beddeli kara rabshado ay wax kasoo gaaraan Dad u dhashay Maraykanka.

Waxaa sidoo kale digniintan lagu sheegay in sida aalaaba dhacda ay fursad u noqon karto canaasiirta dambiilayaasha ah ama argagixisada,kuwaasoo laga yaabo iney beegsadaan ka qaybgalayaasha iyo martida kale ee doorashooyinka.

Dowladda Maraykanka ayaa dhowr goor oo hore soo saartay digniino caynkan oo kale ah, iyadoo muwaadiniinteeda jooga Kenya ku war gelineysa inay ka feejignaadaan degaannada ay rabshadaha ka dhacaan.

Daily Nation

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...