Wasiirka wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta oo xilka la wareegay

Date:

Xafladan uu xilka kula wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka cusub ee wasaaradda, wasiirkii hore iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Xildhibaan Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) oo ka hadlay xafladda ayaa ku dheeraaday  ka hadalak wax qabadka mudadii uu xafiiska joogay isaga iyo xubnihii  kale, waxaana uu u rajeeyay madaxda cusub in horumar ay ka sameyn doonaan howlaha wasaaradda, shaqaalaha ayuuna ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xildhibaan Iimaan Cabdulaahi Cali, oo xilka wasaaradda la wareegay ayaa sheegay in uu la imaan doono waxqabad isaga oo kaashanaya madaxda kale ee wasaaradda iyo shaqaalaha.

Ra,iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Axmed Guuleed (Khadar)  oo ka geba gabadii ka hadlay xafladda ayaa waxaa uu u mahad celiyay mas’uuliyiintii hore ee wasaaradda howshii ay ka qabteen, waxaana uu hogaanka cusub kula dar daarmay in ay ka soo dhalaalaan howshan loo igmaday.

     

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...