Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan Al-Shabaab

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dowladdiisa ay cafis u fidineyso dhallinyarada ay marin habaabiyeen Kooxda AL-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku labisan dharka ciidanka Xoogga, ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxa uu ka hadlay isbadelka lagu sameeyey taliyeyaasha Xoogga, Boliiska iyo Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda in ay ka dambeyso sidii loo soo gabogabeyn lahaa nabad-diidka, isla markaana loo istaajin lahaa xasiloonida caasimadda iyo guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya.

“waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan taliyeyaasha cusub ee la magcaabay, waxaana farayaa dhammaan ciidammada Qalabka Sida in ay heegan buuxa galaan, si uga jawaabaan ficillada cadowga ugana saaraan dalka oo dhan, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaya ayaa sheegay in dowladdiisa ay cafis u fidineyso dhallinyarada la khaldey ee Al-shabaab ka tirsan, fursadna ay u heystaan muddo 60, maalmood ah si ay u helaan daryeel, waxbarasho iyo in ay dib mustaqbalkooda u dhistaan, iyagoo ka qeyb-qaadanaya dhismaha dalkooda.

ugu dambeyn madaxweyne Farmaajo, ayaa ka codsaday shacabka mar kale in ay dowladda kala shaqeeyaan arrimaha gargaarka, ka hortagga Faqriga iyo horumarinta dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...