Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo deegano kala Wareegay Al-shabaab

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxa ay kala wareegeen Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ilaa Afar Tuulo oo hoos tagto Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Korneyl Daahir Maxamed Faarax (Kumaandoos) oo u waramayey Radio Muqdisho ayaa sheegay in tuulooyinka ay gacanta ku dhigeen ay ka mid yihiin Kibile , waagaale iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ayaa xusay in ay weli ku daba jiraan Maleeshiyaadkii ay ka ceyriyeen deegaanadaasi asaga oo  xusay in ay jiraan dagaalo yar yar oo kaga imaanayo dhanka Maleeshiyaadka Al-shabaab balse waxa uu sheegay in dhamaan xoog ku jiiri Doonaan.

Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa u muuqdo in ay durbaba bilaabeen ka jawaab celinta Dalabkii Wasiirka gaashaandhiga ee ahaa in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya looga Fadhiyo in ay Furaan dhamaan Wadooyinka ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab si dadka abaaraha Saameeyeen Gargaar loo gaarsiiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee Shiinaha oo la kulantay howlwadeeno ka tirsan DF

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo Qaabishay Saraakiil Dowladeed ayaa...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas...

Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabisay Jaamacadda Turkiye ee Ostim Teknik

U qeybsanaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee...

Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)

Qormadaani waxa aan si qoto dheer ah ugu hadli...