Wasiirka Amniga oo Kormeeray Qeybo Ka mid ah Xarumaha Ciidamada ee Magaalada Muqdisho

Date:

Kormeerkan oo uu Wasiirka Amniga Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ku kala Bixiyey Qaarka Mid Saldhigyadda Dagmooyinka Gobolka Banaadir iyo Kontarooladda Ha’yaddaha Amnigu ay ku leeyihiin Wadooyinka Xamar laga soo galo ee Xeradda Maslax oo lagu baaro gaadiidka kuso safra waddada dheer ee isku xirta Gobolka Banaadir iyo Shabeeladda dhexe iyo kontoroolka Ceelasha Biyaha oo asna lagu kontaroolo gadiidka ka yimaada Gobolka shabeeladda hoose sidoo kalana wasiirku waxa uu kormeerkan ku tagey Xaafadda Daaru’salaam oo Muqdisho dhanka koonfureed uga beegan 10-km

Socdaalkan oo uu wasirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ku ogaanayey sidda Ciidamaddu Amniga Magaaladda Muqdisho Gaarka uga hayaan ayaa kontarooladii uu socdaalka ku tagey ku xog wareysanaayey Nolosha Ciidamadda iyo Sida ay u hubiyaan Dadka iyo gaadiidka  kontaroolada ay joogaan soo mara.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa intii Kormeerkiisa howleed oo uu bilaabey 1-dii saqda dhexe ee xaley uu ku guda jirey ayaa sidoo kale booqday Saldhigyadda Ciidamadda Booliska ay ku leeyihiin Degmooyinka kala Ah Yaaqshiid.Hodan.Hoolwadaag.Dherkinley.Wadajir.iyo Saldhin ku yaala Bartamaha Suuqa Bakaaraha oo ay Ciidamadu ugu kuurgalayaan Nabad-galyadda Ganacsiga Suuqaas.waxa uuna Wasiirku Talisyadda Degmooyinka uu kormeerey ka dhageysanaayey Howlaha Shacabka ay u hayaan iyo waxyaabaha ka dhiman dhameystirka shaqooyinkooda.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale  ayaa Munaasabadi Xilka uu kula wareegayey oo dhacday Maalin ka hor  ka sheegey in uu la imaanayo Qorshe cusub oo  wax looga qabanayo Amniga guud ee dalka iyo kan Magaalada  Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...