Ururka Shaqaalaha Caafimaadka oo deeq gaarsiiyey barakacayaasha ku sugan duleedka Magaalada Muqdisho

Date:

Deeqdaan ayaa waxaa ugu deeqay  Barakacayaasha ku nool dhismihii hore ee Baar Xaraf ee KM13 Ururka Shaqaalaha Caafimaadka waxaana ay ka koobneyd Mesego,Sisin,Qamadi iyo lowska iyagoo ugu talagalay Caruurta Barakacayaasha.

Ku-xigeenada Gudoomiyaha Ururka Shaqaalaha Caafimaadka Samsan Maxamed Aadan iyo C/kariin Xuseen Cali oo si wadajir ah uga hadlay goobta ayaa sheegay in tani ay tahay mid yar oo faa,iido badan.

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir C/llaahi Xuseen Maxamed Nuune oo ka mid ah Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay qorshaha Barakacayaasha ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Xiriirka Guud Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji ayaa baaq gaar ah u diray Uruada ku mideysan Xirirkan in ay qayb ka qaataan Gurmadka.

Gudoomiyaha Deegaanka  Garas baaley C/raxmaan Axmed Cali Garyare ayaa ugu horeyn u mahadceliyey Uuruka Shaqaalaha Caafimadka waxaana uu dhamaan Dadka wax haystaa ugu baaqay in ay u soo gurmadaan Dadka ay Abaaraha ay wax yeeleysey.

Deeqdan la gaarsiiyey Barakacayaasha ku nool Bar Xaraf ayaa noqoney mid mudan  ku dayasho waayo waa raashin ka baxa gudaha Dalka

.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...