Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha bulshada oo xilka Wasaaaradda si rasmi ah ula wareegay

Date:

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, haatanna ah Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Soomaaliya Xildhibaan C/weli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa Xilkii Wasaaradaas ku wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac waxaana ka soo qaybgalay Ra’iisulwasare ku xigeenka Xumuumadda Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka kala socotay Qaybaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Guddiga Shaqaalaha Rayidka, uruarada Shaqaalaha gaarka ah.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdinaasir Saalax Armaan iyo Wasiirka kuxigeenkii hore Cusmaan Libaax Ibraahim oo munaasbada ka hadlay ayaa mid waliba tilmaamay qiimaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay u leedahay dowladda.

Mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo xilal kale duduwan ka soo qabtay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa sheegay in maamulkii hore ay wax badan qabteen kan cusubna looga fadhiyo in uu dar dargeliyo howlaha horyaalla.

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha shacabka Soomaaliya oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan C/weli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi Mudane Saalax.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in uu halkiisa ka sii wadi doono, isla markaana ka codsaday howlwadeenada Wasaaradda inay gacan ku siiyaan howlaha loo idmaday.

Ra’iisulwasare ku xigeenka Xumuumada Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed ayaa tilmaamay waxa laga sugaayo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hogaanka Cusub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...