Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Date:

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee ay qaaddo Wasaarada Waxbarashada Dowladda Koonfur Galbeed, kuwaas oo ka socda degmooyinka kala duwan ee Koonfur Galbeed.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, maamulka Wasaaradda Waxbarashada, macallimiin iyo marti sharaf kale, iyadoo lagu bogaadiyey dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo fidinta adeegyada waxbarasho ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ardayda u fariisanaysa imtixaanaadka ku dhiirrigeliyey inay muujiyaan dadaalkooda iyo aqoontii ay soo barteen muddadii waxbarashada, isaga oo u rajeeyey guul iyo natiijooyin wanaagsan.

Hoggaamiye Shekh Aadan ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Waxbarashada, maamulka dugsiyada, macallimiinta iyo waalidiinta doorka ay ka qaateen diyaarinta iyo hirgelinta imtixaanaadka, isagoo xusay in waxbarashadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumarka bulshada iyo dhismaha mustaqbalka jiilka soo koraya.

Dowladda Koonfur Galbeed ayaa xaqiijisay inay sii xoojin doonto dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, korna loogu qaadayo tayada adeegyada waxbarasho si loo helo jiil aqoon leh oo ka qayb qaata horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Munaasabada daahfurka imtixaanadka fasalka 8-aad Hogaamiye Shekh Aadan waxaa ku wehlinayey mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, goliyaasha kala duwan dowladda Koonfur Galbeed oo ay ugu horeyso Wasiirka Waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...