Faahfaahino Kasoo Baxaayo Qarixii ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho

Date:

Ugu yaraan 6 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay qarax gaari oo barqonimadii maanta lala beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in ilaa hadda la hubo in qaraxan ay ku dhinteen 6 qof.

“Dhimashada aan xaqiijinnay waa 6 qof, dhaawacuna waa ilaa 10 qof, sidoo kale waaa jira burbur xooggan oo soo gaaray maqaayadda la weeraray, guri ku dhegganaa iyo gaadiid goobta ka dhowaa” ayuu yiri wasiir Yariisow.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay ciidammada ammaanka gurmadkii ay u fidiyeen dadkii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxan argagixiso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...