Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Cadaaladda oo Xilkii kala wareegay Mudane Cabdulaahi Ilkajiir

Date:

Xaflada xil wareejinta ah oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Cadaaladda ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay mas,uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda oo ay ka mid yihiin Ra,iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda , Xeer ilaaliyaha iyo Garyaqaanka guud e qaranka Xildhibaano iyo Mas,uuliyiin kale iyadoo halkaas ay xilka ku kala wareegeen wasiirka cusub ee wasaaradaas loo magacaabay iyo wasiirkii hore .

Wasiirkii hore ee wasaaradda cadaaladda Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir oo hadal kooban ka jeediyay halkaa ayaa sheegay in wax badan ay qabteen mudadii uu xafiiska joogay wax badana ay usuura gali waayeen duruufaha jira awgood waxaana uu la dar daarmay wasiirka cusub ee xilka kala wareegay .

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka cusub ee wasaaradda cadaaladda dalka ayaa sheegay in uu xoogga saari doono isagoo kaashanaya howl wadeenada wasaaradda sidii loo hor marin lahaa hanaanka cadaaladda dalka.

Ra,iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Axmed Guuleed oo goob joog ka ahaa xaflada xil wareejinta ayaa ku dheeraaday muhiimada cadaaladu u leedahay in dalkani hagaago waxana uu u balan qaaday mas,uuliyiinta cusub ee wasaaradda in xukuumadda ra,iisul wasaare Kheyre ay muhiimad weyn sii doonto hormarinta garsoorka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...