Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa la dhigay Maqaayad ku taala meel u dhow daljirka daahsoon degmada boondheere ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir ayaa SONNA u sheegay in inta la ogyahay ay dhinteen ilaa iyo Shan Ruux sidoo kalana ay dhaawacmeen Lix Ruux oo kale kuwaas oo haatan loo qaaday Isbitaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa SONNA u sheegay in maqaayada ay fadhiyeen dad u badan dhalinyaro, waxaana laga yaabaa in khasaaraha uu intaasi ka sii bato.

Wixii ku soo kordhaa goor dhow la soco.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...