Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil oo xilka la wareegay(Sawirro)

Date:

Muqdisho, Apriil 3.2017—–Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta la wareegay xilka Wasaaraddaasi, waxaana munaasabadaan goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Wasiirkii hore ee Wasaarada Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen iyo wasiir kuxigeenkiisii Xuseen Jimcaale oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo Avv. C/raxmaan Xoosh oo ahaa Wasiirkii abuuray Dastuurkan maanta ee looga baxay Kumeel gaarnimada, waxa uuna xusay inuu ku kalsoon yahay inuu dhameystiro Dastuurka, una diyaariyo dalka sidii loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahadceliyay hogaankii hore ee Wasaaradda Dastuurka, isaga oo ku ammaanay howsha baaxada leh ee ay soo qabteen mudadii labada sano ee ay xilka hayeen.

“Wasaaradda Dastuurka waa Wasaarad muhiimad gaar ah u leh qorshe howleedka xukuumada, waxaana xooga saari doonaa la tashiga habka ugu haboon ee dhameystirka Dastuurka” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Dastuurka Avv. Xoosh.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Wasaaradiisu ay tixgelin doonto talooyinka muwaadinka, khubarada Soomaaliyeed, ayna gaarsiin doonaan tuulo, degmo iyo gobol kasta oo dalka ka mid ah aragti uruurinta, si loo helo Dastuur loo wada dhan yahay oo ku dhisan talo Qaran.

Gabagabadii Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo munaasabada soo xiray ayaa aad ugu dheeraaday muhiimada Wasaarada Dastuurka, isaga oo carabka ku adkeeyey in madaxda dalka howsha ugu weyn ee hortaala ay tahay dhameystirka Dastuurka iyo hirgelintiisa.

“Dastuurku waa sharciga ugu sareeya dalka, laga weyn maayo dal daloolo, balse waa in howl u baahan Samir, dulqaad, adkeysi iyo shaqo joogto ah, waxaana leeyahay xukuumadu wey idin garab taagan yahay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare kuxigeenka oo intaasi ku daray in loo baahan yahay in lagu barbar wado sugida nabadgalyada iyo xasilinta si loo helo goob xasiloon oo ku haboon doorasho dadweyne.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...