Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray amarkii u horeeyay ee ku socda Heyโaddaha dowladda, gaar ahaan Wasaaraddaha Xukuumaddiisa.
Amarkan ayaa faraya in Heyโaddaha dowladda inay qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro luqada Af-Soomaaliga ah, iyadoo Raโiisul Wasaaruhu si rasmi ah qalinka ugu duugay.
Raโiisul Wasaaraha ayaa tallaabada ku tilmaamay mid lagu xoojinayo af-Soomaaliga oo muddooyinkii u dambeeyay hoos u dhac ku imaanayay.
Inta badan Wasaaraddaha dowladda ayaa laga adeegsadaa luqado ajnabi, sida luqada Ingiriiska, oo inta badan qoraalada la isugu diro.
Sanadkii 2015 ayay aheyd markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu soo saaray amar lagu farayo hyeโadaha dowladda in qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro Af-Soomaaliga, inkastoo aanu arrintaas wax badan ka dhaqan gelin.
Dadka suugaan-yahanka ah ayaa sheegaya in sababaha uu Af-Soomaaliga u sii bur burayo ay tahay, iyadoo xafiisyada dowladda aan laga adeegsan, taasna ay ugu wacan tahay xubnaha dowladda u shaqeeya, sida Wasiirada inay yihiin dad qurba-joog ah oo hadba adeegsada luqadaha looga hadlo dalalka ay dhalashooda heystaan.