Soomaalida Ku dhaqan Mareykanka oo ku guuleystay Dhameystirka lacag lagu lahaa Masjid ay dhisanayeen

Date:

Gobolka Minnesota waxaa ku nool Soomaalida ugu badan dalka Maraykanka waxyaabihii ugu horeeysay oo Soomaalida ay xooga saareen ayaa waxaa ka mid ahaa goobo lagu cibaadeysto iyo madarasooyin lagu barto Quraanka Kariimka, hadaba Masjidka Umatul Islaam ee ku yaala magaalada Minneapolis ayaa todobaadkani ay Soomaalida si toos ah ula wareegeen iyagoo bixiyey dhamaan lacagihii lagu lahaa dhulka iyo dhismaha masjidka.

Kulan si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen madaxda gobolka iyo dowlada hoose ee Minneapolis iyo culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay isla masjidka waxana sidoo kale ka soo qeyb galay jameecada masjidka, Ardayda Dugsiga Umatul Islaam iyo guud ahaa qeybaha kala duwan ee Jaaliyada oo ay horkacayeen odoyaal dhaqameedyo Soomaaliyeed.

Sheekh Axmed Taajir waa imaamka masjidka Umatul islaam wuxuu ugu horeyn soo dhaweeyey madaxdii iyo dadkii ka soo qeyb galay xaflada dhamaystirka arimaha masjidka wuxuuna sheekha ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray masjidka isagoo dhalinyarada si gaar ah ula dardaarmay kuna dhiira geliyey in ay ku fara adeegaan diintooda iyo sidii ay masaajidada u camiri lahaayeen.

Cabdi waaxid qalinle waa Garyaqaan Soomaaliyeed isla markaana ka mid ah masuuliyiinta masjidka Umatul Islaam ayaa muujiyey dareenkiisa ku aadan in masjidka la bixiyey dhamaan lacagaha lagu lahaa waxaa sidoo kale madasha ka hadlay inta badan culumadii ka soo qeyb gashay munaasabadani iyagoo dhamaantood muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin dhamaystirka masjidka.

Dhanka kale waxaa goobta ka hadashay Duqa magaalada Minneapolis Betsy Hodges iyadoo soo daboolatay timaha isla markaana ixtiraam u heysa Muslimiinta ayey sheegtay in ay ku faraxsan tahay hormarka Soomaalida Minneapolis, waxayna ka mahad celisay casuumada loo fidiyey.

Si kastaba ha ahaateen Soomaalida degan Gobolka Minnesota ayaa hada u muuqato in ay guulo ka gaareen dhanka Masaajidada iyo madarasooyinka lagu barto quraanka kariimka waxana meel walba ku arkaysaa Masjid waxana mahadaasi isla leh Culumadii ka soo hayaamay dalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (...

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda 3-da May

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...