Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil oo xilka la wareegay(Sawirro)

Date:

Muqdisho, Apriil 3.2017—–Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta la wareegay xilka Wasaaraddaasi, waxaana munaasabadaan goob joog ka ahaa Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Wasiirkii hore ee Wasaarada Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen iyo wasiir kuxigeenkiisii Xuseen Jimcaale oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo Avv. C/raxmaan Xoosh oo ahaa Wasiirkii abuuray Dastuurkan maanta ee looga baxay Kumeel gaarnimada, waxa uuna xusay inuu ku kalsoon yahay inuu dhameystiro Dastuurka, una diyaariyo dalka sidii loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahadceliyay hogaankii hore ee Wasaaradda Dastuurka, isaga oo ku ammaanay howsha baaxada leh ee ay soo qabteen mudadii labada sano ee ay xilka hayeen.

“Wasaaradda Dastuurka waa Wasaarad muhiimad gaar ah u leh qorshe howleedka xukuumada, waxaana xooga saari doonaa la tashiga habka ugu haboon ee dhameystirka Dastuurka” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Dastuurka Avv. Xoosh.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Wasaaradiisu ay tixgelin doonto talooyinka muwaadinka, khubarada Soomaaliyeed, ayna gaarsiin doonaan tuulo, degmo iyo gobol kasta oo dalka ka mid ah aragti uruurinta, si loo helo Dastuur loo wada dhan yahay oo ku dhisan talo Qaran.

Gabagabadii Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo munaasabada soo xiray ayaa aad ugu dheeraaday muhiimada Wasaarada Dastuurka, isaga oo carabka ku adkeeyey in madaxda dalka howsha ugu weyn ee hortaala ay tahay dhameystirka Dastuurka iyo hirgelintiisa.

“Dastuurku waa sharciga ugu sareeya dalka, laga weyn maayo dal daloolo, balse waa in howl u baahan Samir, dulqaad, adkeysi iyo shaqo joogto ah, waxaana leeyahay xukuumadu wey idin garab taagan yahay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare kuxigeenka oo intaasi ku daray in loo baahan yahay in lagu barbar wado sugida nabadgalyada iyo xasilinta si loo helo goob xasiloon oo ku haboon doorasho dadweyne.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo hadda ka furmay Magaalada Muqdisho

Shir ballaaran oo u dhaxeeya Ururrada Siyaasadda ee diiwaangashan...

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo furay Shirka Wadajirka Bulshada iyo Ka Hortagga Colaadaha Soo Noqnoqda

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta...

Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo booqday Xarunta Safaaradda JFS ee dalka Tanzania

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...