Ra’iisul wasaare Kheyre oo amray in hey’adaha dowladda qoraalladooda rasmiga ah uu noqda Af-Soomaaliga

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo saaray amarkii u horeeyay ee ku socda Hey’addaha dowladda, gaar ahaan Wasaaraddaha Xukuumaddiisa.

Amarkan ayaa faraya in Hey’addaha dowladda inay qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro luqada Af-Soomaaliga ah, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu si rasmi ah qalinka ugu duugay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tallaabada ku tilmaamay mid lagu xoojinayo af-Soomaaliga oo muddooyinkii u dambeeyay hoos u dhac ku imaanayay.

Inta badan Wasaaraddaha dowladda ayaa laga adeegsadaa luqado ajnabi, sida luqada Ingiriiska, oo inta badan qoraalada la isugu diro.

Sanadkii 2015 ayay aheyd markii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu soo saaray amar lagu farayo hye’adaha dowladda in qoraaladooda rasmiga ah lagu qoro Af-Soomaaliga, inkastoo aanu arrintaas wax badan ka dhaqan gelin.

Dadka suugaan-yahanka ah ayaa sheegaya in sababaha uu Af-Soomaaliga u sii bur burayo ay tahay, iyadoo xafiisyada dowladda aan laga adeegsan, taasna ay ugu wacan tahay xubnaha dowladda u shaqeeya, sida Wasiirada inay yihiin dad qurba-joog ah oo hadba adeegsada luqadaha looga hadlo dalalka ay dhalashooda heystaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska CXD oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii saakay ee magaalada Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) waxa uu bulshada...

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyay Saddexdii Xubnood ee Ka Dhimanaa Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey liiska saddexda (3) xubnood...

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Ruushka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Soomaaliya oo Taageero U Muujisay Kuwait Kadib Weeraradii Gantaalka Iyo Diyaaradaha Drones-ka

War-Saxaafadeed. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa garab istaag buuxa oo...