Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo la kulmay taliska booliiska Abu Dhabi

Date:

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dalka Imaaraadka Carabta kula kulmay ย Taliska Ciidanka Boliiska Abu Dhabi.

Jeneraal Xaamud ayaa muddadii uu joogay Magaalada Abu Dhabi oo ahayn 28-31 Maarso waxaa isaga iyo wafdigiisa si diiran loogu soo dhoweeyey halkaasi.

Taliska Ciidanka Boliiska Abu Dhabi S/Gaas. Maktoum Al Shariifi, Abbaanduulaha Ciidanka Boliiska, oo kulan la qaatay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka laba dal, gaar ahaan labada Ciidan, waxaana shirarkaasi goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Danjire Cabdulqaadir Shiikhey Al Xaatimi iyo wafdigii Taliyaha la socday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...