Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ku fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay”

Date:

Muqdisho, April 1, 2017——Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasoo xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Maxamed Aadan Fargeeti.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa munaasabadan ka hadlay ayaa u mahadceliyay madaxdii hore ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna ammaanay dadaalkoodii iyo heeka ay soo gaarsiiyeen Wasaaradda Maaliyadda oo suurtageliyay in dhismaheedii ay dib ugu shaqo bilowdo burburkii kadib.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dardaaran adag u jeediyay Wasiirka cusub Dr. Beyle iyo kuxigeenadiisa, waxa uuna kula dardaarmay inay ka fogaadaan nooc kasta oo musuq maasuq la xiriira, isaga oo xusay in nidaam cusub oo isla xisaabtan uu bilowday, loona baahan yahay in laga dhabeeyo.

“Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ku fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay, shaqaalaha Wasaaraddana waxaan ka codsanayaa inay ku garabsiiyaan madaxda cusub sidii ay u dhaqangelin lahaayeen nidaamkan cusub ee isla xisaabtanka dhabta ah” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

“Ma aqbali doono aniga iyo Madaxweynahaba in la qiymaameeyo shillin ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waana ku jihaadeynaa, qof kasta oo naga mid ahna waa inuu ku jihaado sidii loo cirib tiri lahaa musuq maasuqa dalkan la haray” ayuu si adag u yiri mar kale.

“Meel uu musuq ka jiro Amni kama jiro, meel uu musuq ka jiro horumar kama jiro, waxaana la idiinkaga baahan yahay in hogaanka Wasaaraddu uu Astaan u noqdo aaminaad iyo illaalinta hantida shacabka”.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in la illaaliyo ammaanada shacabka, si buu yiri loo helo kalsoonida shacabka iyo beesha caalamkaba.

“Waa ceeb inaan bixin weyno Mushaaraadka ciidamadeena iyo shaqaalaheena, waana in qof kasta oo shaqaale dowladeed ah uu helaa xaquuqdiisa, qof kasta oo dowladda u shaqeeyana waa in dowladdu ka heshaa wax qabad, howlkarnimo iyo daacadnimo, si dalku horumar ugu talaabsado” ayuu yiri ugu dambeyn Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka hadlayay munaasabada xil wareejinta Wasaaradda Maaliyadda.

—-DHAMMAAD—-

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo deeq raashin ah kala wareegtay Hay’adda bisha Cas Turkiga

-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta shixnad gargaar ah...

Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada ah oo soo dhaweeysay Cunaqabteynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xakameynta Qulqulka Hubka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah-furay Shirka hannaanka wadashaqeynta waaxaha Dowladda Hoose ee Xamar

:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadirahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen...

Maxay uga dhigan tahay qaadista Cuneqabateynta Hubka Soomaaliya? (WARBIXIN)

Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa...