Muqdisho, 01, April, 2017โฆ.Wasriika cusub W. Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle, ayaa saaka xilka kala wareegay wasiirkii hore maaliyadda Mudane Maxamed Adan Ibraahim Ferkeeti, Waxaana xaflada goobjoog ka ahaa Raโiisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Raโiisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro ka tirsan xukuumadii hore, madax ka socota Hayโadaha kala duwan ee Dowladda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Ugu horaynti Raโiisul Wasaaraha Xukuumaddaย Xasan Cali Kheyre oo xaflada furitaankeeda ka hadlay ayaa sheegay in ay Soomaaliya maantaย u bilaabatay isla xisaabtan, iyo sidii xididada loogu siibi lahaa musuq maasuqa.
โIn xil lagu wareejiyo si nabad ah waxay astaan u tahay horumarka dalka, anagoo kuligeen makhraati ka ah, waana xafladii ugu horaysay ee xukuumadda cusub ay xil kula wareegto, waxaana u imid maanta inaan idinla qaybsado islamarkaana idin dareensiiyo hadafka Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaruhu inuu ku salaysan yaahy inaan hogaamino nidaam cusub oo ku taagan isla xisaabtan. Waxaa laydinku aaminay canshuur loo soo dhididay iyo iftiimkii dowladda Soomaaliya. Shaqaalaha Wasaaradda waxaan u sheegayaa in maanta la soo gaaray xiligii isla xisaabtan-ka dhabta ah, amaanada yar oo laydiin dhiibayna inaad u ilaalisaan sida ugu haboon, shaqada laga sugayo wasiirada cusub maahan in ayย ilaaliyaan amaanada kaliya, ee waa iney kor u qaadaan dakhligaโ ayuu yiri RW khayre,
Wasiirkii hore ee Maaliyadda ayaa dhankiisa sheegay in mudadii uu xilka hayey la gaaray horumar baaxad leh, taasna ay makhraati ka tahay in xil wareejintu ka dhacaday maanta wasaaradii rasmiga ahayd ee Maaliyadda.
โWaxaa farxad ii ah inaan maanta xilka wareejinayo mudo laba sano ah anigoo wax badan ku soo kordhiyey wasaaradda Maaliyadda, waxaana maanta xilka lagula kala wareegay dhismihii Wasaarada, waxaa kale oo hada dhisme ku socdaa wasaaradii hore ee lacagta oo aan ka fogayn wasaaradda. Waxaa intaas dheer nidaamka cusub ee lagu ilaalinayo dakhliga dalka inuu noo saamaxay maanta laga soo bilaabo 09, April, 2015 ilaa hada wixii dakhli soo galay dowladda iyo meeshii ay ku baxday intaba laga heli karo nidaamkaan loo yaqanao โFMISโ ayuu yiri Wasiir Farkeeti
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dr. Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo Wasiiradii la shaqayn jiray shaqada wacan ee ay soo qabteen, wuxuuna balan qaaday inuu isagu ugu horayn doono isla xisaabtanka.
โSharaf weyn ayeey ii tahay in xilkaan nalagu aamino aniga iyo shaqaalaha wasaarada, Raโiisul Wasaaraha ayaa na siiyey daardaaran shaamil ah oo dhinacyo badan taabanaya, waxaana ku soconayanaa wadadii uu madaxweynuhu noo jeexay ee ahayd abuurida โnabad iyo nololโ ka soo qayb galka Raโiisul Wasaaruhu waxay na tusaysaa misaanka ay leedahay wasaaradda maaliyaddu. Aniga iyo shaqaalaha wasaaradu oo iskaashanayna waxaan u shaqaynaynaa si wadajir ah, waxaa xusid mudan inaan Mudadii 30-ka sano ahayd ee aan u shaqynayey Bangiga Horumarinta Africa, aan la lahaa wada shaqayn joogta ah Wasaaradda Maaliyadda, hadii aan inagu wax qabsanana waxaa hubaal ah in cid walba na taageeraysoโ ayuu yiri Wasiir Bayle.
Ugu danbayntii Waxaa labada Wasiir kala saxiixdeen qoraalkii xil wareejinta, waxaana goobjoog ka ahaa Raโiisul Wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed.