Ardayda iyo Maamulka Dugsiga Benaadir Zone oo deeq raashin ah u qeybiyay qoysas barakacayaal ah

Date:

Deeqdan oo ka kooban raashinka nuucyadiisa kala duwa iyo dhar oo ay iska soo uruuriyeen ardayda macalimiinta iyo maamulka Dugsiga Benaadir Zone ayaa waxaa ka faa;’iideystay in ka badan boqol qoys oo ka soo barakacay deegaanno hoostaga Gobolka Baay, kuwaasi oo daadsanaa inta u dhexeyso Afgooye iyo Muqdisho.

Axmednuur Dhaaleey oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Mu’sasada Benaadir Zone ayaa sheegay in kaalmadan ay tahay mid ay iska soo dhex aruuriyeen ardayda iyo maamulka, ayna u adkeysan waayeen dhibta iyo diifta ka muuqata qoysaskan.

“Deeqdan aad u jeedaan waa kaalmo ay iska soo uruuriyeen ardayda, macaliminta iyo Maamulka Mu’asasada Banaadir Zone, kaddib marki ay soo sameeyeen qiimeyn ku aadan u kuurugelidda xaaladaha Nololeed ee heysato qoysaska ka soo barakacay gobollada dalka” ayuu yiri Axmednuur Dhaaleey.

Qaar ka mid ah dadkii ka faa;iideysta deeqdan oo u mahadceliyay intii soo gaarsiiyay ayaa sheegay inay ka soo barakaceen baadiyaha magaalooyinka Baydhabo iyo Buur Hakaba oo ka wada tirsan gobolka Baay.

Ustaad Cabdalla oo ka mid ah macalimiinta Dugsiga Benaadir Zone ayaa sheegay in kaamamka ay ku noolyihiin qoysaska barakacayaasha ay ka hirgelin doonaan xarumo waxbarasho oo lacag la’aan ah, maadaama aysan awoodin inay soo aadaan xarumaha waxbarasho ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Talaabadan ay sameeyeen ardayda, macalimiinta iyo maamulka Benaadir Zone ayaa ah mid ku dayasho mudan, kadib markii ay u dulqadan waayeen dhibaatada heysata qoysaska ay abaartu saameysay eek u soo baracakay duleedyada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...