Cabdixakiin Cumar Cabdulle oo loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Hiliwaa

Date:

Wareegto ka soo ka baxday Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Hiliwaa Maxamed Axmed Xaashi “Qoslaaye” iyadoo xilka Guddoomiyaha Degmada Hiliwaa loo magacaabay Mudane Cabdixakiin Cumar Cabdulle Axmed.

Wareegtada ayaa u qorneyd sida tan:

Ujeeddo: Magacaabis Guddoomiyaha degmada Heliwaa

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka,

Markuu arkay : Dastuurka KMG Qodobkiisa 102aad

Markuu arkay: Sharci Lr, 19, Qodobka 6aad ee soo baxay 14/08/1963 maamulka Gobolada iyo degmooyinka Dalka.

Markuu arkay: Sharci lr, 116, ee soo baxay, 24/07/2013 Maamulka Gobolada iyo degmooyinka Dalka

Markuu arkay: Warqadda Lr, DH/MG/GGDM/1/381/16 ee baxday 28/12/2016 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, oo ku saabsaneyd soo jeedinta Magacaabista Guddomiyaha degmada Hiliwaa iyo xil ka qaadista Guddoomiyihii hore ee degmada.

Wuxuu xeeriyay,

Qodobka 1aad

In laga bilaabi maanta oo ay taariikhdu tahay 29/12/2016 loo magacaabay xilka Guddoomiyaha degmada Hiliwaa C/xakiin Cumar Cabdulle, isla markaana xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyaha hadda xilka haya, Maxamed Axmed Xaashi.

Qodobka 2aad

Xeerkan waxa uu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA,  ayaa horyaalla howlo adag oo xagga shaqada ah.

Halkan ka akhriso Wareegtada magacaabista

Wareegto

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...