Qarax sababay dhaawac afar qof oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Afar qof ayaa ku dhaawacantay kadib qarax qabsaday mid ka mid ah gaadiidka ay adeegsadaan Ilaalada UN-ka, kaasi oo ku qarxay goob baabuurta lagu xareeyo.

Talihaha qeybta guud ee booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen afar qof oo ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Qaramada Midoobay, kuwaasi oo saarnaa gaari nuuca Hilux loo yaqaan.

Ciidamada ayaa iminka ku guda jira baaritaan lagu sameynayo gaariga qarxay, in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray iyo in kale. isla markaaana ay goor dhaw Warbaahinta u soo gudbin doonaan xogta rasmi ah ee qaraxa sababay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...