Qarax sababay dhaawac afar qof oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Afar qof ayaa ku dhaawacantay kadib qarax qabsaday mid ka mid ah gaadiidka ay adeegsadaan Ilaalada UN-ka, kaasi oo ku qarxay goob baabuurta lagu xareeyo.

Talihaha qeybta guud ee booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen afar qof oo ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Qaramada Midoobay, kuwaasi oo saarnaa gaari nuuca Hilux loo yaqaan.

Ciidamada ayaa iminka ku guda jira baaritaan lagu sameynayo gaariga qarxay, in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray iyo in kale. isla markaaana ay goor dhaw Warbaahinta u soo gudbin doonaan xogta rasmi ah ee qaraxa sababay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalka

Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sameeyay sare-u-kaca ugu weyn...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS Sheekh Mukhtaar...

Ururadii ka qeyb galay Doorashadii K/Galbeed oo isbaheysi siyaasadeed sameystay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...