Home Blog Page 998

Munaasabadda 59-guuradii ka soo wareegatay aas-aaska CXD oo Muqdisho ka socoto

Muqdisho (SNTV):-Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socoto Munaasabadda 59-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka ee 12-ka April oo ku beegan maalinta berri oo Jimco aheyd, iyadoo maanta oo Khamiis ah la soo hormariyay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirka Difaaca XFS ,Saraakiisha Ciidamada qalabka sida, Taliyeyaasha Ciidamada iyo marti sharaf kale.

Ciidamada xoogga dalka ayaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku soo bandhigay dhoolatus iyo gaarda ka ciyaar,iyagoo Salaan sharaf siiyay Madaxda Qaranka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ciidamada Xoogga dalka ugu Hambalyeeyay Sanadguurada 59Aad

0

Muqdisho (SNTV) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Hambalyo u diray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo maanta u dabaal dagaya sanadguurada 59 Aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

“Ugu horreyntii Anigoo ku hadlaya Magaca Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  waxaan HAMBALYO, HAMBALYO, leeyahay  dhammaan ciidanka XDS iyo qoysaskooda, waxaan idin kugu hambalyeynayaa Sanadguurada 59aad ee aas-aaskii ciidanka XDS. XDS waxuu leeyahay taariikh soo jireen ah oo ummadda Soomaaliyeed ay ku faani karaan”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay tahay maalin qaali ah oo dalkeennu yeeshay ciidan difaaca jiritaankiisa iyo qaranimadiisa,

Munaasabada oo ku beegnayd 12 April ayaa loo soo horumariyay maanta oo khamiis ah 11-April 2019 sababta oo lagu sheegay in ay ku aaday Maalin Jimca ah ,sidaasi darteedna maanta ay ka socoto muqdisho xafladda lagu xusay Sanad-guurada aas-aaska Ciidanka xoogga Dalka taas oo ay ka qeyb-galayaan Madaxda ugu sareysa Dalka.

Ra’iisul wasaare Khayre oo la kulmay madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka

0

Washington (SNTV) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee maal mahaan ku sugnaa magalaada Washinton ee dalka Mareykanka ayaa kulan balaaran la qaatay madaxa hay’adda lacagta adduunka Cristine Lagarde.

Labada dhinac ayaa kulan kooda iskula soo qaaday horumarrada ay Soomaaliya ka sameysay dhanka hagaajinta nidaamka maaliyadda iyo xaqiijinta himilooyinka lagu gaari karo in soomaliya ay hesho fursadda deyn cafinta.

Wafdiga r/wasaarah oo ay ka mid yihiin Wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta, Gudoomiyaha Bangiga dhexe,Hanti dhowrka Qaran iyo xubno kale ayaa sidoo kale kulamo isdaba joog ah la yeelanaya hay’addaha maaliyadda dunida ee ku kulansan shir sanadeedka Guga oo ah mid ay si wada jir ah u qabtaan Bangiga aduunka iyo hay’adda lacagta aduunka ee IMF.

Wasiirka Qorsheyta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalka  ee Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan oo  ka warramay kulamadda ay galeen Iyo waxyaabihii kasoo baxay ayaa sheegay in dhamaan shirarkii ay yeesheen laga gaaray isfahan ku saleysan in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudihii laga rabay in ay hesho deyn cafin,dhawaana la filayo in go,aano laga soo Saaro.

Kulamada uu ra’isul Wasaaraha iyo wefdigiisu la yeelanayo madaxda ka qeyb galaysa shirkan ayaa sii socon doona maalmaha soo socda, waxaana rajo weyn laga qabaa in guulo wax ku ool ah laga gaaro dadaalada socda.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Hassan Cali Qeyre ayaa Aqalka cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka kula kulmay la taliyaha amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton. Bolton ayaa u hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya horumaradda ay ka gaartay hagaajinta maaliyada isagoo sheegay in ay dowladda Mareykanku ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaana la dagaalanka Argagixisada iyo xasiloonida Gobolka.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay La Taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka

0

Washington (SNTV)-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Washington kulan kula qaatay la taliyaha amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo John Bolton ayaa ka wada hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneysay soo kabashada dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo sida uu Mareykanku u joogtaynayo taageerada Soomaaliya ee dhanka la dagaallanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay John Bolton soo dhaweynta diirran ee uu ugu sameeyay aqalka cad iyo wadhadallada miro dhalka ah ee ay wad yeesheen.

Askar Tababaro kusoo qaatay Turkiga oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

0

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliye Ku-xiggeenka XDS ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyay Cutub ka tirsan Ciidanka gaarka ah ee Danab, kuwaasi oo tababaro culus kusoo qaatay dalka aan walaalaha nahay ee Turkey.

Cutubkaan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab, ayaa Tababarka ay kusoo qaateen Turkiga waxuu  socday Muddo Sanad ah, waxaana muddadaasi la baray Habka dagaalka iyo Xirfadaha kala duwan ee Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo la hadlay Ciidanka Tababarada kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa u mahad celiyay Dawladda Turkiga oo uu sheegay in yihiin kuwa kaalin weyn ka qaadanaya dib u dhiska Ciidamada Difaaca.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed cali ayaa sheegay in ciidamada tababarka kusoo qaatay dalka Turkiga looga baahan yahay in door muhiim ah ay ka qaataan Xorreynta dalka.

 


Shirkii Midowga Baarlamaannada Adduunka oo lagu soo geba gebeeyey Qatar

0

Doha (SNTV)-Shirka 140-aad ee midowga Baarlamaannada Adduunka ayaa lagu soo geba gebeyeey magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar,waxaana ka qeybgalay Wafdi heer sare ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxaa shirkan la qabtaa sanadkiiba mar,waxaana inta badan diirada lagu saaraa hadba xaaladda taagan,ee wadamada ku mideysan oo ay Soomaaliya kujirto.

Shirkan ayaa geba gebadiisa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ay qeyb ka tahay wadashaqeynta baarlamaanada aduunka,iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatoyin badan oo kajira dalalka caalamka qaarkood.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sen. Cabdi Xaashi iyo Wafdigiisa ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qatar waxaa ay shir gaar ah la qaateen Guddoomiyeyaasha Guddiyada:
1. Guddiga Saaxiibtinimada Qadar iyo Afrika; iyo
2. Guddiga Saaxbtinimada Qatar iyo Dowladaha Carabta ee Golaha Shuurada Dalka Qadar.

Labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen adkaynta xiriirka saaxiibtinimo iyo wada shaqaynta labada dhinac, isla markaasna la sameeyo guddiyo saaxiibtimo oo ka kooban Labada Aqal ee BFS, kuwaas oo gacan wayn ka gaysan doonna adkaynta xiriirka saaxiibtimo iyo kan walaaltinimo ee labada Dowladood iyo waliba wada shaqayn xooggan oo dhex marta labada Gole (Golaha Shuurada Qadar iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal).

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Madaxweynaha Cusub Ee Bangiga Adduunka

0

Arbaco , April 10, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington waxa uu kulan kula qaatay madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka, David Malpass.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta uu bangiga adduunku ka geysanayo.

Kulanka ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo madaxda bangiga adduunka, hay’adda lacagta dunida ee IMF iyo hay’adaha maaliyadda adduunka ee Washington ku kulansan Gugan.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta hay’adaha maaliyadda dalka sida Guddoomiyaha cusub ee bangiga dhexe, Hanti-dhowraha Qaranka iyo Wasiirrada maaliyada iyo qorsheynta.

Madaxweynaha JFS oo Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomiyey Safiirada cusub ee Dalalka Koonfurta Kuuriya iyo Serbia.

0

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ka guddoomay Safiirada Dalalka Koonfurta Kuuriya iyo Serbia ee lagu kala magacaabo Choi Yeonghan iyo Dragan Zupanjevac, kuwaasi oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Danjire Choi Yeonghan oo ka socday Dawladda Koofurta Kuuriya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Koofurta Kuuriya, isaggoo sheegay in Dawladdiisa ay kaalin ku yeelan doonto Maalgashi iyo Taageero kasta oo wax u tareysa horumarinta Amniga iyo dhaqaallaha Soomaaliya.

Danjire Dragan Zupanjevac oo ka socday Dawladda Serbia ayaa isna sheegay in uu ku faraxsan yahay in mar kale Cilaaqaad wanaagsan uu dhex maro Somalia iyo Serbia, waxaana uu xusay in dhinacyo badan ay Soomaaliya ka taageeri doonaan oo ay kamid yihiin Waxbarashada, Dhaqaallaha iyo Amniga.

Danjireyaasha Wadamada Caalamka ay usoo dirayaan Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey ahaa kuwa aad usoo kordhayey, iyaddoo Dawladda Soomaaliyana ay qaadatay Siyaasad furfuran oo ku dhisan Saaxiibtinimmo iyo Dan-wadaag.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku baaqay in wadahadal lagala yeesho Ethiopia wabiga Shabeelle

0

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay dowlada federalka Soomaaliya inay soo farogeliso arrimaha biyo la’aanta wabiga Shabeelle ee xilliyada deyrtii.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay abuurka bariis cusub oo ay shirkad la magac baxday Danwadaag ku soo bandhigtey magaalada Jowhar ayaa ka hadlay biyo la’aanta ka jirta biyaha wabiga Shabelle oo mara gobolada Hiiraan, Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in si loo gaaro qorshaha la doonayo in lagu horumariyo tacabka bariiska oo biyo joogta ah u baahan in dowlada federalka ay soo farogeliso biyaha wabiga Shabelle.

“Waxaan ugu baaqayaa Dowlada Federalka inay wadahadal rasmi ah oo wax ku ool ah kala yeelato dowlada Itoobiya maareynta biyaha wabiga Shabeelle sida sharciga caalamiga ah uu qabo si Dowlada iyo beeralayda Soomaaliyeed ay u helaan qeybta ay xaqa ugu leeyihiin.”

Wabiga Shabeelle ayaa dhowrkii sano ugu dambeysay waxaa ka jirey biyo la’aan xilliga jiilaalka iyadoo beeralay badan ay qasaare ka soo gaarto biyo la’aanta wabiga.


Golaha Aqalka sare oo Akhrinta Koowaad Marsiiyey Hindise Sharciyeedka mihnadleyaasha caafimaadka “Sawirro”

0

Muqdisho (SNTV)-Senatarada golaha aqalka sare BFS ayaa maanta yeeshay kalfadhigii 5aad Kulankiisa 2aad, waxaana shir guddoominayay guddoomiye ku-xiggeenka 1aad golaha aqalka sare baarlamaanka soomaaliya Mudane Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari”.

Ajandaha ayaa ahaa Akhrinta 1aad ee hindise sharciyeedka mihnadleyaasha caafimaadka, Wasiirka Caafimaadka XFS iyo xubno ka mid ah howl wadeenada wasaarada ayaa xarunta golaha ku sugnaa.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka XFS Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa faah faahin ka bixisay hindise sharciyeedka mihnadleyaasha caafimaad iyo faa’iidada uu u leeyahay Soomaaliya.

Qaar ka mid ah senatarada golaha aqalka sare ayaa su’aalo ka weydiiyay Wasiirka Caafimaadka hindise sharciyeedka mihnadleyaasha caafimaad, Waxaana iyaddoo wasiirka ka jawaabaysay su’aalaha qaar ay sheegtay in wax badan laga faa’iidayo oo xaga la Xisaabinta dhaqaatiirta Ajnabiga ah iyo Oggaanshaha ganacsiga dawada dalka la keeno iyo tayadooda.

kulanka ayaa waxaa soo xeray guddoomiye ku-xiggeenka 1aad ee golaha aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Abshir Maxamed Axmed, wuxuuna sheegay in guddiga uu quseeyo sharcigaan lagu wareejinayo, senataradana ay soo akhrisanayaan si looga doodo kulamada danbe.