R/wasaare Kheyre “Dowladda FS waxa ay xoogga saareysaa dib u habeynta Hay’adaha Dowliga ah”

Date:

R/Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo guddoomiyay Shirka Madasha Wadatashiga Soomaaliya & Beesha Caalamka oo maalintii 2-aad ka soconaya Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso dib u habeynta hay’adaha dowliga isagoo wafuudda iyo madaxda caalamiga ah uga mahadceliyay kasoo qeybgalkooda shirka.

Illaa 50 wafuud oo isagu jirta madaxda ururada iyo wakiilo ka kala socda dalalka adduunweynaha iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa ka qeybgalaya madasha shirkan oo markii ugu horeysay lagu qabtay dalka.

Dooda shirka maanta ayaa ku bilaabatay dib u habeynta hay’adaha dowliga ah, dhaqaalaha tallaabooyinka loo qaaday si loo horumariyo hanaanka maamulka maaliyadda ee dalka.

Wasiirka maaliyadda XFS Dr.C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay shirka ayaa ka warbixiyay wixii ka qabsoomay dib u habeynta maamulka maaliyadda iyo halka uu marayo wadahadalka deyn cafinta isagoo muujiyay in ay jiraan rajooyin iyo guullo la taaban karo oo ku aadan in hanaanka deyn cafinta uu ugu dambeyntii ay kasoo baxdo natiijo lagu farxo.

Waxaa goob joog ah shirkaan qaar kamid ah madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka sida Madaxweynayaasha maamul gobolleedyada sida Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...