R/wasaare Kheyre “Dowladda FS waxa ay xoogga saareysaa dib u habeynta Hay’adaha Dowliga ah”

Date:

R/Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo guddoomiyay Shirka Madasha Wadatashiga Soomaaliya & Beesha Caalamka oo maalintii 2-aad ka soconaya Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso dib u habeynta hay’adaha dowliga isagoo wafuudda iyo madaxda caalamiga ah uga mahadceliyay kasoo qeybgalkooda shirka.

Illaa 50 wafuud oo isagu jirta madaxda ururada iyo wakiilo ka kala socda dalalka adduunweynaha iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa ka qeybgalaya madasha shirkan oo markii ugu horeysay lagu qabtay dalka.

Dooda shirka maanta ayaa ku bilaabatay dib u habeynta hay’adaha dowliga ah, dhaqaalaha tallaabooyinka loo qaaday si loo horumariyo hanaanka maamulka maaliyadda ee dalka.

Wasiirka maaliyadda XFS Dr.C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlay shirka ayaa ka warbixiyay wixii ka qabsoomay dib u habeynta maamulka maaliyadda iyo halka uu marayo wadahadalka deyn cafinta isagoo muujiyay in ay jiraan rajooyin iyo guullo la taaban karo oo ku aadan in hanaanka deyn cafinta uu ugu dambeyntii ay kasoo baxdo natiijo lagu farxo.

Waxaa goob joog ah shirkaan qaar kamid ah madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka sida Madaxweynayaasha maamul gobolleedyada sida Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...