Home Blog Page 997

Maxaad ka taqaanaa derbiga dunida uga dheer(The Great Wall of China) ?

Beijing (SNTV)-Abaaro 8:10 daqiiqo subaxnimadii Jimcaha oo shallay ahayd ayaan aniga iyo koox weriyeyaal ahka baxnay halka aanu ka deganahay Magaalada Caasimada ah ee Beijing, gaar ahaan bartamaha si aan u boqoona derbiga adduunka uga dheer oo caasimada dhanka woqooyi uga beegan qiyaastii 144 km, waxaana gaari bas ah ku gaarney derbiga 10-kii barqaniimo.

Gabar agaasime iyo  bare nooga ah barnamijka Barashada luuqada Shinaha oo la yiraahdo, Gao Yuan ayaa sharaxaad naga siisay derbiga, qaybaha kala duwan ee uu leeyahay, halka aan ka booqaneyno, saacada aan ku qaadaneyno, iyo barta kullanka, waxaana galnay sawir wada jir inta aan booqashada bilaaban.

“Waa maalin jimco oo aan u aragno dadka derbiga booqanayo ay ka yar yihiin maalmaha kale  sida Sabtida iyo Axada, halka aan ka booqaneyno waa Badaling Great Wall Area, waxa aan ku qaadaneynaa laba saac, 12:30 duhurnimo ayaan ka tageynaa oo qado ku leenahay meel xooga u jirta, fadlan wakhtiga dhawra”, Mrs. Yuan ayaa sidaa nagula dar-daarantay.

The Great Wall of China, April 12,2019(Mohamed Osman /SONNA

Baaritaan kadib waxaan derbiga ka fuulnay jiho kamida bar derbiga meesha aan ka fuuleyno u kala qaybiso laba, dhankiisa woqooyi bari, waxana durbadiiba kamid noqonay malaayinka ruux ee u soo dalxiis taga darbigan, waxaan raacnay dad badan oo dhalashooyin kale duwan leh balse u badan Shiinees,  jaran-jarada lagu fuulayo oo dheer awgeed, dadku way kala firir-sameen, wadada dheer ee lagu gaarayo meesha uga sareysa ee derbiga. Waxan isu jeeday anigoo mararka qaar kaligeey ah balse weli socda  ilaa uga dambeyn ka gaaro cirifka oo ah meel dadka dalxiisayaasha loo asteeyey in ay ku ekaadan oo laga sii gudbi Karin.

Inta aad jaran-jarada ku socota waxaad arkaysaa digniino dhinacyada jaran-jarada ku qoran, waxana kamida in aadan ka boodin, waxaa sidoo kale jira meelo joogsin ah oo aad ku nasan karto, ku cuni karto ama ku cabi karto sahaydii hore u soo qaadatay, dariiq aad ka degi karto, ama nooc kale oo gaadiid ku raadsan karto kaasi oo ku geeya qaybo kale oo derbiga ah lana baxdo qarash, ciidan baa jooga meel walba oo hakadyadaas kamida kuwaas oo ku caawinaya haddii aad weydiisato ka sakow shaqadooda.

The Great Wall of China, April 11,2019(Mohamed Osman, SONNA

Waxan kula kulmay dad noocyadiisa kala duwan: Carruur, haween, dhalinyaro, waayeel iyo cuur-yaan baaskiil saaran oo la wado, lamaanayaal is xambaarsan, kuwo hore derbiga u fuula raba balse daalay oo dhexda ku nasanayo, waxaase cajiib ah in dadka qaar ee carifka lugtooda ku tago oo aan ku soo noqoneynin lugtooda daal dartiis, waa haddii ay jeebkooda lacag ku jirto oo ay raacayaa gaari dhulka mareynin balse mareeg fiilo ah maraya, wuxuna ka qaadaya xarun kor ku taala oo ticket loo jaranayo, wuxuuna gaynaya xarun hoose oo dhulka ah(Exit)  sida sawirka ku arkeysid.

Goormaa derbigan la dhisay, ujeedadee loo dhisay, haddase muxuu yahay ?

Taariikh mucayim ah oo ku saabsan dhismahiisa ma jiro balse waxa jirta qiyaas iyo waxyaabo la isku raacsan yahay oo fac-weynimadiisa ah, waxaana derbiga uu jiraa ku dhowaad 3000 sano, waxaana dhisay boqorkii la dhihi jiray Qin Dynasty,waxaa sidoo kale dhisay dawladahii isaga dambeeyey talada, ujeedada waxaa ay ahayd ‘Difaac’ in uu uga noqdo quwadahii ama dalalkii dhanka woqooyi ka xigay oo colaad kala dhaxeysay si aan duulaan uga imaan.

The Great Wall of China, April 11,2019(Mohamed Osman, SONNA

The Great Wall of China, derbiga maanta waa il dhaqaale, waa goob kamida goobaha uga waaweyn ee adduunka looga dalxiis tago,(Tourist destination), waxaa la ii sheegay in malaayin qof u dalxiis tagto derbiga, ma ahan kaliya waxa la ii sheegay ee ishaydaa marqaati ka noqotay, waxaa ka socda shaqo joogta ah dhismo noocyo kale duwan, qasriyo, hotelo, suuqyo ganacsi, meela laga cunteeyo iyo carwooyin ganacsi iyo sicir macquul ah. Tusaale qof sannad ama ka hor booqday ee dib fursad kale uga hela inuu buuqdo, wuxuu kala kulmaya adeeg dheeri ah iyo dhismooyin kale oo casri ah, si loo soo jiito dalxiisayaasha imaanaya.

Derbiga dhirirkiisu waa 21,000 km sida lagu sheegay daraasad dhanka taariikhda dadka iyo dhulka ku saabsan oo la sameeyey 2012-kii, ma ahan derbi inta aad dhinac ka istaagto, dhankiisa kalena arki karto, oo ishaada ayaa la soo noqoneysaa, dhamaad ma lahan.

The Great Wall of China, April 11,2019(Mohamed Osman/ SONNA)

Derbiga wuxuu sidoo kale kamid yahay 7-da mucjiso adduunka

Derbiga dadka magaca leh ee booqday waxaa kamida Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama, wuxuuna tagay November 18, 2009 halka Ra’isul wasaarihii hore ee Ingiriiska, David Cameron uu booqday November 10, 2010, anigana ha iga reebin waxa ay ahayd inaan booqdo May 6,2018 balse iima suura-gelin balse hadda ayey ii suura-gashay inaan booqdo the Great Wall.

QalinkiiUstaad Maxamed Cismaan Cabdi “ Black Cobra”

E-mail: Cobrasonna@gmail.com

Beijing-China

Africom”Waxaan Howlgal ku dilnay xubno ka tirsan Alshabaab”

0

Mqdisho (SNTV):-Warbixin ay soo saareen Taliska ciidamada Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn xagga cirka ah oo 11-kii bishaan ay beegsaday Al-shabaab lagu dilay 2-ka tirsan maleeshyada kooxdaasi.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidanka  Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika ayaa ka dhacday deegaanka Garowle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Weearkaan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 2-ka mid ah argaggixisada,isla markaana lagu burburiyay mooto ay wateen Maleeshiyaadkaasi.

Warkaan ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax rayid ah oo wax ku noqday howlgalka dhinaca cirka ee lala beegsaday kooxda Al-shabaab.

Taliska ciidamada Africom,ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada dhinaca cirka ah ee lagu wiiqayo kooxda Al-shabaab ,waxaana warku intaa raaciyay in iyadoo gacan laga helayo ciidamada dowladda Federaalka ah la bartilmaameedsan doono meelaha ay gabaadka ka dhigtaan kooxdaasi.

Soomaaliya oo heshiis taageero farsamo la saxiixatay UPU

0

Muqdisho (SNTV):– Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa heshiis kaalmo farsamo la saxiixatay Ururka Boostada Adduunka (UPU), kaas oo dalkeena looga caawin doono qaabka ugu habboon ee dib loogu soo nooleyn karo adeegga boostada.

Heshiiskaas oo ay labada dhinac u kala saxiixeen Wasiirka Boostada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen, waxaa goobjoog ka ahaa madax ka kala socotay labada dhinac oo uu ka mid yahay wasiiru-dawlaha Wasaaradda.

Mashruucan oo la rajeynayo inuu hordhac u noqdo barnaamijyo kala duwan oo ay UPU ka fulin doonto Soomaaliya, wuxuu qiimihiisu koowaad noqon doonaa 60kun oo doolar oo loogu talo galay helitaanka khubaro ka socota UPU oo qiimeyn ku sameysa baahida jirta iyo qorshaha wax looga qaban karo, dajinta siyaasadaha lagu hagi doono adeegga boostada, tababarka kaadirkii ka shaqeyn lahaa boostada iyo helitaanka barnaamijyada teknolojiadeed ee lagu shaqeeyo si loo billaabo adeegyada aasaasiga ah ee boostada.

Danjire Bishaar oo ka hadlay munaasabadda saxiixa ayaa sheegay in mashruucan uu la mid yahay ‘dhibic ku dhacday badweyn’ marka loo eego baahida ballaaran ee ay qabto boostada Soomaaliya, hase yeeshee taageeradan ay tahay mid go’an oo la siiyo dalalka soo koraya, balse uu rajeynayo inay xigi doonaan kaalmooyin kale. Wuxuu ballanqaaday inuu u qareemi doono, kana codsan doono xubnaha UPU in Soomaaliya la garab istaago xilligan adag. Mar uu ka hadlayay fursadaha ay haysato Soomaaliya, wuxuu sheegay in dalku leeyahay mustaqbal wanaagsan marka la eego sida Soomaalidu u leeyihiin karti ay ganacsi ku hal-abuuraan.

“Maadaama aad wax walba meel eber ah ka soo billaabeysaan waxaad haysataan fursad aad ka billaabi kartaan meesha ay mareyso boostada adduunka maanta oo adeegsataan farsamada casriga ah. UPU waxay diyaar u tahay inay idinka caawiso sidii aad himiladaas u gaari lahaydeen,” ayuu yiri Bishaar oo sheegay in ka Soomaali ahaan uu dareemayo inay saaran tahay mas’uuliyad gooni ah oo ah inuu wax la qabto Soomaaliya.

Wasiir Cabdi Cashuur ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay Danjire Bishaar iyo madaxda waaxyaha kala duwan ee UPU sida degdegta leh ee ay uga jawaabeen baaqii Soomaaliya.

“Mashruucan waa tallaabo wanaagsan, laakiin anaga waxaa wax kasta nooga qiimo badan soo-dhoweyntii diirraneyd ee aan la kulannay UPU,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray. “Taageerada farsamo ee nala siiyay waxay naga caawineysaa sidii aan ku dhisi lahayn aasaaska boosto la jaan-qaadi karta meesha ay boostadu maanta mareyso,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Maamulaha USAID oo ku kulmay Washington

0

Washington (SNTV) –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, iyo maamulaha USAID, Mark Green, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa la iskula soo qaaday ballaarinta iyo dardar-gelinta dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, caaafimaadka, nafaqeynta iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa Mark Green u sheegay in Soomaaliya ay garowsan-tahay taageerada lixaaadka leh ee USAID iyo howlaha ay Soomaaliya ka waddo, isla markaasna loo baahan yahay in la sii ballaariyo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku jooga Washington ayaa kulamo joogta ah la leh deeq bixiyeyaasha caalamiga ah iyo mas’uuliyiin kale oo ka qeyb galayay shirka caalamiga ah ee Guga oo ay ku kulmaan hay’adaha maaliyadda dunida.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Xuska Sanadguuradda 59-aad ee Ciidanka Xoogga dalka

0

 Abriil 11, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda oo maalinta berri ah u dabbaal-degaya sannad guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay.

Madaxweynaha oo munaasabadda xuska maalintan kaga qayb galay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in si dardar leh ay u socdaan howlaha dib u dhiska ciidanka, tallaabooyin muuqdana loo qaaday tirakoobka, tayaynta iyo taageero u raadinta ciidanka.

“Haddii aan helno tayada iyo tirada ciidanka, haddii aan helno tirakoob sax ah, waxaan heleynaa taageerada caalamka iyo taageerada shacabka, Shabaabna hal maalin ma istaagi karaan oo waa xaqiiqo, hal saacad ma wajihi karaan Ciidamada Qalabka sida.”

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in niyad dhiska iyo garab istaagga ciidanka iyo in ay hoggaan fiican helaan ay ku xiran tahay guusha laga filan karo, wuxuuna ku ammaanay taliyeyaasha ciidamada in ay wax badan ka qabteen dib u habeynta hannaanka loo maamulo dhaqaalaha ciidanka, lana sameeyay nidaam ay si toos ah ugu heli karaan xuquuqdooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in cadowga argagixisada ah ay ka dulqaadaan dadkeenna, kana xoreeyaan dalka, arritaasna ay Dowladdu ka leedahay qorshe cad oo muddo la diyaarinayey.

“Ciidanka waxaan u tababareynaa qaabka ay u dagaallamaan, waxaana hubaa muddo yar oo kooban in aan ka adkaanayno, sidii hore ee aan ula dagaalayney Xamar markii laga bixinaayay sax bay ahayd, maxaa yeelay iyaguna dhufeysyo ayay ku jireen, innaguna dhufeysyo laakiin hadda qaab ka duwan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayay u dagaallamaan, marka waa in loo helo ciidan noocaas u tababaran.”

Madaxweynaha ayaa dul istaagay taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kaalintii ay ku lahaayeen gobonnimo doonka Qaaradda Afrika, iyaga oo door muuqda ka qaatay dhismaha ciidamada dalalkii xilligaas duruufaha adag ku jiray.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey saraakiishii soo hoggaamisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed doorkii ay ka soo qaateen tayeynta iyo kor u qaadista sumcadda uu leeyahay ciidankeennu, isagoona ku saraakiishaas, inta haatan ka joogta, ku dhiirrigeliyay dardargelinta kaalinta ay ku leeyihiin dib u dhiska ciidanka.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka.

0

Khamiis , April 11, 2019 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ee maalmahaan ku sugnaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa kulan la qaatay madaxa hay’adda lacagta adduunka (IMF), Cristine Lagarde.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Cristine Lagarde ayaa kulankooda iskula soo qaaday horumarrada ay Soomaaliya ka sameysay dhanka hagaajinta nidaamka maaliyadda iyo xaqiijinta himilooyinka lagu gaari karo in Soomaaliya deynta laga cafiyo.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Maaliyadda iyo Qorsheynta, Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Hanti dhowrka Qaranka iyo xubno kale ayaa sidoo kale kulamo isdaba joog ah la yeelanaya hay’addaha maaliyadda dunida ee ku kulansan shir sannadeedka Guga oo ah mid ay si wadajir ah u qabtaan Bangiga aduunka iyo hay’adda lacagta aduunka (IMF).

Wasiirka Qorsheyta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xassan, ayaa sheegay in dhammaan shirarkii ay yeesheen laga gaaray isfahan ku saleysan in Soomaaliya ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta, dhawaanna la filayo in go’aanno laga soo saaro.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa Washington waxa uu sidoo kale kulamo la qaatay guddoomiye ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim iyo guddoomiyaha Cusub ee Bangiga adduunka, David Malpas.

Sidoo Kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa aqalka cad kula kulmay la taliyaha difaaca ee Madaxweynaha Mareykanka, John Bolton, kaas oo ugu hambalyeeyay Ra’iisul wasaaraha horumaradda ay Soomaaliya ka gaartay hagaajinta maaliyada, sidoo kalana u sheegay in ay dowladda Mareykanku sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada iyo xasiloonida Gobolka.

Safaaradda Soomaaliya ee Sudan oo Soomaalida dalkaasi ku nool ugu baaqday inay muujiyaan Taxadar dheeraad ah.

0

Khartoum (SNTV)– Safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay Magaaladda Khartoum ee dalka Sudan  ayaa ugu baaqday Soomaalida ku nool dalkaasi inay muujiyaan Taxadar dheeraad ah, ayna ka foggaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaam.

Halkaan hoose ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay  Safaaradda.

“Iyadoo la tixgalinayo xaaladda ka taagan dalka Suudaan, waxa ay ugu baaqeysaa Safaaradda JFS ee Khartoum guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, ayna ka fogaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan”

 

 

Dhinaca kale Milatariga Dawladda Suudaan ayaa Bayaan ka soo saaray Xaaladda ka taagan dalkaasi,  waxaana Qodobada bayaankaasi ugu muuhiimsanaa:-

1-In lagu dhawaaqay Gole Ciidan oo haynaaya talada dalka muddo kumeel gaar ah oo labo sano ah.

2-In la laalay ku dhaqanka Dastuurka dalka.

3-In bandoow lagu soo rogay dalka muddo bil ah, iyadoona aan la ogalaanayin dhaq-dhaqaa dadka iyo gaadiidka 10:00-ka habeennimo ilaa 04:00 subaxnimo.

4-In xaalad deg deg ah oo 3-bilood ah lagu soo rogay dalka.

5-In la kala diray hannaankii Madaxtooyada, Golaha Xukuumadda, Goleyaasha Dowlad Goboleedyada.

6-In gacan adag lagu qabanaayo cid kasta oo dhibaato ku haysa amni iyo xasilloonida dalka.

7-In la sii daayey dhammaan maxaabiista siyaasadeed.

8-In la xiray dhammaan marrinnada laga soo galo, lagana baxo dalka Suudaan muddo 24 saac ah ilaa amar danbe.

9-Xabad joojin lagu dhawaaqay dhammaan dalka.

Xoogga dalka waa lafdhabarka Qarannimada Soomaaliya

0

12/4/1960kii  oo ku beegnayd 79 casho ka hor xornimadii dalka 1dii Luulyo 1960kii ayaa xukuumadii Daakhiliga ahayd ee dalka ka jirtay ee uu hogaaminayay Allaha u naxariistee mudane C/llaahi Ciise Max’uud  waxay soo saartay wareegtadii lagu dhisay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,  waxaana  Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ugu horeeyay loo magacaabay islamarkaana darajada Sareeye Guuto loo dalacsiiyay Allaha u naxariisto general  Da’uud Cabdule Xirsi.

12-ka Apriil 1960kii ayaa la aasaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waana markii dhidibada loo taagay Ciidan Difaac oo uu Dalku leeyahay, sidaasi darteed aan wax ka xusno taariikhdii aas-aaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Waxaa la aas-aasay 12kii-April 1960kii oo waqtigan laga joogo muddo 59-sanadood.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu ka kooban yahay afar talis oo kala ah: ciidanka dhulka, ciidanka cirka, ciidanka badda difaaca xeebaha iyo ciidanka difaaca cirka. Ugu horayntii markii la yagleelayay Millatariga dalka waxaa lagu aas-aasay 8 horimood,waxaana taliyihii ugu horeeyay ee uu yeesho noqday Allaha u naxariistee Gen. Daauud Cabdulle Xirsi, sidoo kale waxaa Abaanduulaha Xoogga Dalka loo magcaabay Allaha u naxriistee Gen. Maxamed Siyaad Barre, Waxaana ciidamadii ugu horreeyay ee Soomaaliya yeelato laga kala keenay labadii qeybood ee dalka ee ka xoroobay gumeystayaashi Ingriiska iyo Talyaaniga.

Xooga Dalka Soomaaliya wixii waqtigaa ka dambeeyay waa la balaariyey waana la casriyeey isagoo si xad dhaaf ah u kobcaayay, wuxuuna soo maray marxalado kala duwan, Sanadkii 1960-kii ilaa 1969kii waqtigaas oo ay dalka maamulayeen dowladihii rayidka ahaa wuxuu ciidanku ku jiray marxalad dhismo iyo koboc , hadana ayadoo taasi ay jirto ayay guulo taariikhi ka gaareen dagaalkii ay Xoogga dalka soomaaliyeed la galeen ciidamadii Ethopia Sanadkii 1964-kii.

1969kii-ilaa iyo Sanadkii 1990kii oo ahayd Marxaladii labaad ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed dalkana ay ka jirtay dowladii milatariga ahayd ee uu hoggaanka u ahaa S/Gaas Maxamed Siyaad Barre, xilligan ayuu Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed si buuxda u hanaqaaday,Waxaa la balaariyay Dhismihii Ciidanka iyo hoggaamadiisii kala duwanaa sida Ciidanak Dhulka,cirka,Difaaca cirka iyo Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha sidoo kale waxaana kobcay Qeybihii iyoTalisyadii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Dalka kuwaasoo xarumo ku lahaa magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb Garoowe ,Hargeysa, Burco iyo saldhigyadii Kismaayo iyo Baydhabo.

Xilligii dowladdii kacaanka ciidamada Xoogga dalka waxay ka gaareen xagga dhismaha iyo farsamada heer aad u sarreeya iyagoo ka soo qayb qaatay howlgallo nabad ilaalin ah oo ay ka soo fuliyeen dalal ka tirsan qaarada afrika oo ay ka mid tahay Ugandha, taasi oo horseeday in loogu yeero Libaaxyada Africa. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar labaad dagaal la galeen ciidamadii Ethiopia Sanadkii 1977kii, kaasi oo reebay raad taariikhi ah oo lama filan ku noqday dalal badan oo caalamka ka mid ah gaar ahaan quwadihii ugu waa weynaa dunida sida Gashaanbuurtii Nato iyo Waarso oo ay kala hoggaaminayeen dalalka Mareykanka iyo dalkii horay loo oran jiray Midowga Soofiyeeti.

1976 waqtigaas oo ahayd hal sano ka hor dagaalkii 77 waxaa lagu tilmaami karaa xilligii uu ugu itaalka waynaa C.X.D wuxuuna ka koobnaa:-23 Guuto oo ciidanka lugta ah, 2 Guuto oo Komaandooska ah, 9 Guuto ooTaangi ah, 9 Guuto oo madaafiicda Goobta ah, 4 Guuto oo ciidanka Difaaca ah, Ciidanka Cirka dayaaradaha Soomaliya waxay ahaayeen 52 dayaaradood, 24 ka mid ah waxay ahaayeen Miig.Qeybaha ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya sida qeybta 60-aad ee magaalada Baydhabo, qeybta 21-aad ee magaalada Dhusamareeb, iyo qeybta 26-aad ee magaalada Hargeeysa, iyadoo ay Saldhigyadu kala ahaayeen 43-aad ee magaalada Kismayo, iyo 54-aad ee magaalada Garowe, Ciidanka Badda saldhiyadooda waxay ku yaaleen magaalooyinka Muqdisho , Kismayo iyo Berbera.

1991dii oo ahayd markii ay dhacday dowladdii dalka ka jirtay waxaa burburay tiirarkii muhiimka u ahaa qaranimada sida kii ciidamadii Xoogga dalka waxayna taasi horseeday qaran jabkii nagu dhacay,dowlad la,aantii dalku galay waxay keentay in xubnihii ciidanka ay kala daataan kuna milmaan shacbiga. Nasiib wanaag waxaa sanadahan dambe dib u bilawday qorshayaal dib loogu yagleelayo Ciidamadii qaranka ee wehelka u noqon lahaa dalkaan iyo dadkiisa mudada dheer Baylahda ahaa.

Dadaalka ugu xooggan waxaa wada madaxwaynaha J.F.S md. max’ed C/llaahi farmaajo oo shacbigiisu waxyaabaha ay kalsoonida ku siiyeen ay ka mid tahay niyad wanaagga uu u hayo dib u soo noolaynta iyo tayaynta Ciidamadii Xoogga dalka kuwaasi oo ah Tiir dhexaadkii qaranimada ee soo celin lahaa Sharaftii iyo magacii aan dunida ku lahayn.

Munaasabadda 12-ka April ee sanadkan 2019ka oo ah sanadguuradii 59aad ee ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, waxay ku soo beegantay xilli Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uu ku tallaabsaday horumarro dhinacyo badan leh, islamarkaana ay socdaan qorshayaal kor loogu qaadayo Tayada iyo hoggaan wanaagga Ciidanka xoogga dalka. Dadaalada jira waxaa hormuud ka ah Madaxwaynaha J.F.S md. Max’ed C/llaahi Farmaajo oo Xafiiskiisa labaad ee shaqo maalmeedkiisa ka samaystay Xarunta wasaaradda gaashaandhigga, si uu uga mira dhaliyo ballan qaadkiisii ahaa dhismo ciidan qaran oo gudan kara waajibkiisa isla markaana hela xuquuqdooda.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa maanta hambalyo u diray ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo maanta u dabaal dagaya sanadguurada 59 Aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. “Ugu horreyntii Anigoo ku hadlaya Magaca Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  waxaan HAMBALYO, HAMBALYO, leeyahay  dhammaan ciidanka XDS iyo qoysaskooda, waxaan idin kugu hambalyeynayaa Sanadguurada 59aad ee aas-aaskii ciidanka XDS. XDS waxuu leeyahay taariikh soo jireen ah oo ummadda Soomaaliyeed ay ku faani karaan”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay tahay maalin qaali ah oo dalkeennu yeeshay ciidan difaaca jiritaankiisa iyo qaranimadiisa, Munaasabada oo ku beegnayd 12 April ayaa loo soo horumariyay maanta oo khamiis ah 11-April 2019 sababta oo lagu sheegay in ay ku aaday Maalin Jimca ah ,sidaasi darteedna maanta ay ka socoto muqdisho xafladda lagu xusay Sanad-guurada aas-aaska Ciidanka xoogga Dalka taas oo ay ka qeyb-galayaan Madaxda ugu sareysa Dalka.

Munaasabadda lagu xusayo 59-guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee 12 April ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeybgalay Madaxda ugu sarreysa dalka iyo Taliyayaasha Ciidamada, iyadoo dhinaca kalena Madaxda Qaranka ay Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April u direen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxayna sanadkaan ay u dabaal degayaan sanad guuradii 59 aad

W/Qoray: Gobdoon  

Soomaaliya oo dib u soo ceshatay xubinnimadii UPU, lagana qaaday xayiraaddii muddo 30 sano ka dib

0

Bern, Switzerland (SONNA)– Soomaaliya ayaa dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyada oo la inaga qaaday xannibaad inaga saarneyd dhinaca boostada.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Dhexe ee UPU ee dalka Switzerland, ayna goobjoog ka ahaayeen Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur iyo Masuuliyiinta UPU ayaa wasiirka Boostada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo Agaasimaha Guud ee UPU Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen waxa ay ku saxiixeen heshiis u oggolaanaya dalkeena in uu soo ceshto xubinnimo buuxda lagana qaado xayiraadda isla markaana ka faa’ideysan karo adeegyada UPU.

Heshiiskan ayaa u oggolaanaya Boostada dalkeena inay dalka dibeddiisa wax u diri karto, isticmaali karto dhammaan barnaamijyada UPU sidoo kalena heli karto taageerada farsamo ee ay xaqa u leeyihiin dalalka soo koraya.

Deynta Soomaaliya lagu leeyahay oo dhan lacag ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar kaliya iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii iyada oo nasiib darro dalkeenu uusan ka faa’iideysan maadaama aysan jirin boosto si buuxda u shaqeyneysay tan iyo 1991-kii.

Inkasta oo wada-xaajoodka arrintan ku saabsan uu soo jiimamayey muddo ku dhow hal sano, haddana khudbaddii uu wasiirku ka jeediyay kulanka Golaha Maamulka UPU iyo kulamo gooni gooni ah oo isaga iyo wafdigiisu ay la yeesheen madax kala duwan waxa ay soo dadajiyeen in lagu guuleysto soo-celinta xubinnimada, Golaha loo dhan yahay ee midawga UPU ayaa tixgelin doono mid ka mid ah labada qorshe ee ay Soomaaliya la soo shir-tagtay oo kala ah in laga wada cafiyo deynta oo dhamaystiran ama in dulsaarka laga jaro, inta soo hartana lagu bixiyo muddo 10 sano ah oo ka billaabaneysa 2019.

Agaasimaha Guud ee UPU, Bishaar Xuseen oo si gaar ah arrintan uga soo shaqeeyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko Soomaaliya oo ah xubin buuxda “Maanta laga billaabo waxa aad ku soo noqoteen Bahda UPU, waxaadna heli doontaan dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dalalka xubnaha ka ah. Waxaan alle ka baryayaa in Soomaaliya ay soo ceshato cisigii iyo sharaftii ay ku lahayd Afrika iyo adduunkaba” ayuu yiri Danjire Bishaar oo faray dhammaan qeybaha kala duwan ee UPU inay cid walbaba kaalinta kaga aaddan ay gacan ka geysato sidii Boostada Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa.

Wasiir Cabdi Cashuur Xasan ayaa u mahadceliyay madaxda sare ee UPU oo uu ugu horreeyo Agaasimaha guud oo fududeeyay wax badan oo la xiriira deynta iyo habka loo bixin doono.

Wasaaradda ayaa dhamaadkii 2017 ku guuleysatay dib u soo celinta xubinnimada Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) taas oo loo xayiray deymihii qaaraanka ee soo ururayay tan iyo 1983-kii.

Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay Shirka Washington

0

Washinton (SNTV)—Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Abdirahman Dualeh Beyle oo kamid ah wafdiga Ra’iisal- wasaaraha dalka ee ku sugan Mareykanka ayaa wareysi kooban oo dhinacyo badan taabana siiyey Warbaahinta Qaranka.

Wasiirka ayaa tilmaamay waxay Magaalada Washinton DC u joogaan, wuxuuna tilmaamay in Shirarku inta badan ay ku saabsan yihiin arrimo ku saabsan Deyn cafiska iyo waxyaalo kale oo farabadan oo ay ka mid yihiin Daabacaadda Shilinka Soomaaliga, iyadoo inta badan maanta lagu mashquulsanaa la kulanka Madaxda kala duwan ee Bangiga Addunka iyo qeybo kale ee ay khuseyso arrinteynu oo ay ka mid tahay Tan Lacagta Adduunka IMF-ta.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaa xigi doona goor dhow in Raiisul-wasaaruhu la kulmi doonaa Madaxa He’yadda Lacagta Adduunka, iyagoo ka wada hadli doona xaalka Soomaaliya iyo marxaladda ay hadda taagan tahay iyo sidii ay nagala shaqeyn laheyd qaabka aan wax u rabno”.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, uu kulan kula qaatay madaxweynaha cusub ee Bangiga Adduunka, David Malpass, iyagoo ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha dib-u-habeynta hey’adaha dowladda iyo kaalinta uu bangiga adduunku ka geysanayo.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo madaxda bangiga adduunka, hey’adda lacagta dunida ee IMF iyo hey’adaha maaliyadda adduunka ee Washington ku kulansan.