Home Blog Page 997

Guddoonka Golaha Shacabka oo shaaciyay xiliga uu furmayo Kalfadhiga 6aad ee Golaha

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyahah Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu shaaciyay waqtiga uu furmi doona Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka, sida ku cad warqada Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota kuna Taariikheysan 09ka October 2019.

Qoraalkan oo  uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiisay Warbaahinta Qaranka ayaa lagu faray xildhibaannada in ay si deg deg ah dalka ugu soo laabtaan.

Dowladda Soomaaliya oo Bixiyay 317,000 oo Doollar oo dib loogu dhisayo buundada Baardheere

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta bixiyay 317,000 oo doollar oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu socodka Bulshada iyo kocobaca dhaqaalaha dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ka Jawaabaya cabasho ka timid bulshda Baardheere oo dhibaata badan ku qabay burburka buundada, ayaa sheegay in madaxda qaranka ay yihiin adeegayaasha bulsahda, lagama maarmaanna ay tahay in baahiyaha bulsada wax looga qabto sida ay u kala muhiimsanyihiin iyo hadba inta ay la ektahay awoodda dowladda.

Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kusoo booqday xafiiska, ayaa uga mahad celliyay ka jawaabidda baaqa bulsahda iyo bixinta lacagta dib loogu dhisayo Buundada Baardheere oo muhiim u ah dib-u-kabashada dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga, fududeynta isu socodka, amniga iyo deb-qabka dadka iyo gaadiidka safarka ah.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta kobcinta dhaqaalaha dalka, ayaa horay u ballan qaaday soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale oo dalka u horseeda horumarka iyo barwaaqada ay bulshada Soomaaliyeed tiigsanayso.

Soomaaliya oo ka qeybgashey shirweynaha Booliiska Afrika 

Shirkii 3-aad oo ay yeeshaan Booliiska Afrika ee loo yaqaano (Afripol) ayaa ka dhacay dalka Aljeeriya magaalo madaxdiisa Aljeris ,iyadoo shirkaasi ay qeyb ka tahay Soomaaliya.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shirkaasi Booliiska Afrika waxaa uga qeybgalay S/guuto Dr. Axmed Cali Abuukar, shikraasi oo ah shir looga hadlo danaha Afrika, gaar ahaan dhanka Ammaanka.

Ajandaha shirkan Afripol waxaa uu ahaa sidii Boliiska Afrika ay iska kaashan lahaayeen la dagaalanka dembiyada Abaabulan, iyo la dagaalanka xagjirka, Sidoo kale dhammaan dembiyada kale ee ka dhaca Qaaradda Afrika.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeybgashey saraakiil booliis oo ka kala socotay ilaa 33 dal oo ka tirsan Qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya kujirto,kuwaasi oo soo bandhigay aragtiyo kaladuwan eek u aadan habka ugu wanaagsan oo laamaha ammaanka Afrika ay u sameyn karaan iskaashi ballaaran.

Gebagebada shirkaasi ayaa waxaa la isku raacay in Amniga Qaarada Africa muhiimad gaar ah la iska saaro,lagana shaqeeyo iskaashiga iyo Horumarinta Ciidamada Booliska Qaarada Africa
Shirkan wuxuu socdey mudo sadex maalin 02 October ilaa 04 October 2019 wuxuuna ku soo gaba gaboobey Guul iyo is afgarad,iyadoo Soomaaliya uu ahmiyad gaar ah u lahaa,maadaama ay ka mid tahay wadamada ka soo kabanaya colaadaha.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo shir caalami ah uga qayb galaya Geneva.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mundane cabdi maxamed sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba baxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland is ay uga qeyb galaan shir heer caalami ah ee guddiga sare ee fulinta hey’adda qaramada midoobay ee qaxootiga adduunka.

Kulankan oo ah kii 70aad aya waxaa iskugu imaan doono dalalka xubnaha ka ah, iyadoo Wasiirku uu ku matali doona Dowlada Soomaaliya.

kulanka ayaa lagu qaadaa dhigi doonaa arrimaha qaxootiga adduunka, sidoo kalana lagu ansixin doonaa qorshe sanadeedka iyo miisaaniyadda hey’adda UNHCR.

Maxkamadda ICJ oo laga sugayo  jawaabta soo jeedinnada Kenya iyo Somalia

0

Maxamadda Caalamiga ah ee ICJ  oo uwada yeertay waddamada Soomaaliya iyo Kenya oo   u ballansanaa dhageysiga dacwadda labada dal  ee  horay u baaqatay horraantii bishii tagtay ayaa wada gaaray dalka Holand.

Labada dowladood ayaa la wada dhageystay  soo jeedinnadooda, waxa ayna dowladda Kenya Codsatay in la siiyo waqti sanad ah oo ay ugu soo diyaar garoobeyso dacwadda Soomaaiya kala dhaxeysa.

Dhinaca Kale Soomaaliya ayaa Maxkamadda adduunka ICJ   u sheegtay in ay xaggooda diyaar u yihiin garmaqalka Maxkamadda oo ay  aqbaleen dhiggooda Kenya fursado laba ah oo ay horay Maxkamadda usiisay, waxa ayna sheegeen wafdiga  kasocday dowladda Soomaaliya ee uu hogaaminayay Ra’isulwasaare  ku xigeenka dalka in  Soomaaliya aysan aqbali Karin  waqti dheeraad ah.

Kenya ayaa horay isaga ceyrisay dhammaan wakiiladeeda ku difaacayay badda, waxa ayna dhowr jeer codsatay in la siiyo waqti dheeraad ah.

Maxkamadda ICJ  ayaa looga  fadhiya ka  go’aan qaadashada  dalabyada labada dowladood.

 

Wasiirka arrimaha dibedda oo ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xarunta Safaaradda ay Soomaaliya ka iibsatay Maraykanka

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire; Axmed Ciise Cawad , ayaa ka faah-faahin ka bixiyay dib u furista Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay.

Mudane; Cawed ayaa aad u bogaadiyay Guriga Safaaradda Soomaaliyeed ee Maraykanka, kaas oo ay madaxda Dowladdu ka iibiyeen bartamaha Magaalada Washington DC, wuxuuna sheegay in wixii haatan ka dambeeya aysan ka baqayn in la weydiiyo kiro ama laga saaro xarunta Dalka laga matalo.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawed oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa soo hadal qaaday xiriirka soo wanaagsanaanaya eek ala dhexeeya Soomaaliya, isagoo tusaale usoo qaatay qaraarkii cunaqabataynta ahaa ee ay dhowaan golaha ammaanka u gudbisay Kenya in ay difaacday xukuumadda Washington.

Dhinaca kale, wasiir Cawed ayaa muhiimad weyn ku tilmaamay in ay Safaaradda Maraykanka dib uga howl-billowday Muqdisho muddo dheer ka dib, wuxuuna sheegay in ay wixii haatan ka billowda sare u qaadi doonto tallaabadan sumcadda Dowladnimodeenna, iyadoo uu xiriirka Labada Dalna nonon doono mid toos ah oo aan loo dhaxayn.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo dib u habayn lagu samaynayo

0

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas; Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar), ayaa sheegay in ay wadaan qorshe dib u dhis xooggan iyo qalabayn loogu sameynayo Ciidanka.

Taliyaha oo u warramayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in ay qeyb ka noqon doonaan dhismaha Booliska Africa oo  haatan lagu aas-aasayo Dalka Algeria una direen Saraakiil.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay sare u qaadi doonaan, tirada, tayada, Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo qalabka Boliiska, si uu u yeesho awood intaa ka ballaaran.

Taliye Xajaar ayaa sheegay in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed uu ka mid yahay Inter Pol-ka, (International Police),  Xafiisna ay ku leeyihiin Muqdisho.

S/Gaas; Cabdi Xasan Xijaar, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in dhowaan ay Magaalada Nairobi ka furi doonaan Xafiis ay ku mideysan yihiin Boliiska Bariga Afrika, wuxuuna sheegay in ay rajeynayaan in ay Soomaaliya madax ka noqoto hoggaanka Waddamada Gobolka.

Haweenka Gobollada dhexe oo Xusul-duub ugu jira sidii ay uheli lahaayeen Qoondada Haweenka Galmudug+Sawirro

0

Doorka Dumarka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda iyo arrimaha kala duwan ee Bulshada ayaa diiradda lagu saaray shirar maalmahaan usocday Haweenka kunool degaannada Galmudug, si ay xubno ugu helaan dib u yagleelidda maamulkaasi.

Haweenka ayaa bogaadiyay qeybta ay ka heleen maamulladii hore, balse haatan waxay Xusul duub ugu jiraan sidii loogu sii kordhin lahaa Kuraasta ay ku leeyihii maamulka Galmudug, codkooduna ay sare ugu sii qaadi lahaayeen.

Maymuun Cali Nuur , Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka mudug ee Galmudug ayaa sheegtay in ay kuhawlan yihiin xaqiijinta kaalintii ay Haweenku kulahaayeen siyaasadda.,waxanay intaa ku dartay in kulamadii ay yeesheen Haweenka Gobollada dhexe lagu soo bandhigay wax tarka Gabdhaha, iyagoo samaytay guddiyo u gaar ah, si iyaga oo mideysan ay u raadsadaan xuquuqdood.

Xaawo Qaran oo kamid ah Haweenka dedaalka ugu jira xuquuqda Haweenka ee dhanka siyaasadda ayaa ugu baaqday wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka iyo Odayaasha dhaqankuba in ay ka qeyb geliyaan dhismaha maamulka cusub ee loo dhan yahay, si ay Bulshada uga dhex muuqdaan.

Luul Xaashi, ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegtay in Haweenku ay tartamada adag geli karaan haddii fursad lasiiyo , wax bandanna ay ka qaban karaan wax ka beddelka xaaladda Dalka.

Waxanay Culimaa’udiinka iyo wax garadka u sheegtay in wax qabadka Haweenku uu ka mudan yahay kan Ragga, isla maraana uu yahay mid lagu kalsoon yahay, iyagoo xustay in ay Dumarku lafdhabar u yihiin nolosha Aadanaha, kaalin mug lehna kasoo qaadatay samata bixinta Ummadda Soomaaliyeed xilliyadii adkaa ee lasoo maray.

Sida ku cad Cahdiga Qaranka Haweenku waxay leeyihiin Boqolkiiba Soddon qoondada guud, haddana ma ahan kuwo helay Kuraastii ay ku lahaayeen Siyaasadda maamul Goboleedyada iyo guud ahaanba Dalka Soomaaliya.

W/D Maxamed Siciid Soomaali

 

13 Qof oo ku dhimatay shil Gaari oo ka dhacay Dalka Kenya

0

Ugu yaraan 13 Qof ayaa ku geeriyootay 38 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray, markii ay Xalay saqdii dhexe isku dhaceen Gaari Bas ah iyo Baabuur xamuul ah oo marayay inta u dhaxaysa degaanka Pala oo ka tirsan ismaamulka Kisumu iyo Magaalada Kericho ee Dalka Kenya.

Labadii Darawal ee Buska iyo Gaariga xamuulka ah ayaa ka mid ahaa Dadkii ku dhintay shilkan, sida uu Jariiradda Daily Nation u sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska ismaamulka Kisumu, Benson Maweu.

Dhaawacyada ayaa la dhigay isbitaal Ismaamulka Kisumu , iyadoo qaarkoodna ay xaaladdoodu liidato, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Saraakiisha Laanqeyrta Cas ee Dalka Kenya.

Barnaamijka Kulanka todobaadka oo uu marti ku yahay taliyaha ciidanka booliska.{Daawo}

Si aad Wax badan uga ogaato is badalka taliska ciidanka Boolisku ku sameeyay shaqadii ka socotay xarunta baarista dambiyada ee CID daawo barnaamijka kulanka todobaadka oo uu marti ku ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed.