Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Lagu Ammaanay Sida Ay Uga Go’antahay Ka Gun-gaaridda Qorshaha Deyn Cafinta “Sawirro”

Date:

R/Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha deymaha looga cafinayo dalka oo ay kasoo qayb galeen wakiillada dalalka deymaha ka cafinaya Soomaaliya, Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta dunida (IMF) ayaa ammaanay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’antahay ka guul gaaridda qorsha deyn cafinta dalka.

Kulanka oo marka hore laysaga xog wareystay heerarkii kala duwan ee uu soo maray qorshaha deyn cafinta oo haatan meel wanaagsan maraya, iyo diyaar-garowga shirka sannadlaha ah ee lagu wado inuu dhaco bishan October.

R/Wasaare Kheyre ayaa sheegay in ajendaha deyn cafinta uu yahay mid iska cad kaasi oo uu udub dhexaad u yahay dhammaan qorshaha dib-u-habeynta socota, dadka Soomaaliyeedna ay ku mideysanyihiin, aadna ugu reja weyn yihiin in dalka deynta laga cafiyo maadaama ay aaminsan yihiin in deyn cafintu ay mawaadin kasta oo Soomaaliyeed dan u tahay, qeybna ay ka qaadaneyso horumarka iyo mustaqbalka dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u sheegay ka qayb galayaasha in Ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyeen canshuurtii ugu badneyd, dakhliga dalkuna uu kordhay arrintaas oo qeyb ka qaadatay horumarka la sameeyay.

Deyn cafintu waxa ay dalka u oggoolaaneysaa maal-gelin horumarineed ee waqtiga fog, waxa ayna sidoo kale sare u qaadeysaa dakhliga gudaha iyo maal-gelinta caafimaadka waxbarashada iyo biyaha dalka, waxa ayna albaabada u furaysaa balaayiinta doolar ee sanaadiiqda horumarinta adduunyadu ay bixiyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...