R/Wasaare Kheyre Oo Soo Xiray Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Oo Shalay Iyo Maanta Muqdisho ka Socday

Date:

R/Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Kheyre ayaa soo xiray shirka madasha iskaashiga Soomaaliya oo ay goob joog ka ahaayeen wakiillada beesha caalamka, wakiillo ka socda hey’ado caalami ah iyo in ka badan 50 dowladood.

Shirka oo dhammaadkiisii warmurtiyeed laga soo saaray ayaa intiisa badan looga hadlaya tubta siyaasadda loo dhanyahay, tubta horumarinta dhaqaalaha, tubta horumarinta arrimaha bulshada iyo tubta amniga iyo caddaaladda, horumarka la gaaray iyo ka wada shaqeynta horumarinta mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyada oo taageerada beesha caalamka lagu saleynayo tubaha qaranka.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shirka ka sheegay in wadashaqeynta madaxda dalka ay horseedday in horumar laga gaaro isbedelka, xasiloonida, dowladnimada iyo ajandaha dib-u-qaabeynta ee sida wadajirka ah ay u taageereen shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Soomaaliyeed ee caalamka, kuwaas ee soo celisay rejada ummadda Soomaaliyeeed.

Dhammaan mas’uuliyiintii khudbadaha ka jeediyay kulanka ayaa isku raacay in horumar ballaaran lagu tillaabsaday tan iyo markii la qabtay shirkii shirkaan ka horreeyay ee sannadkii 2018, waxaana la isku raacay in wadajir loo shaqeeyo si horumarka loo joogteeyo.

Saaxiibada caalamku oo qiray guulaha Soomaaliaya ay ku tilaabsatay,ayaa hoggaanka dalka ku ammaanay horumarka ay ka sameeyeen ajandayaasha dib-u-habeynta ee ay kamid yihiin hagaajinta maamulka maaliyadda dowladda, dakhliga, la tashiyada qorshaha cusub ee qaranka, dib-u-habeynta amniga, guulaha laga gaaray howl-galladda argagaxisada ka dhanka ah iyo sare u qaadidda adeegyada bulshada iyo dib-u-heshiisiinta.

R/Wasaaraha waxa uu caddeeyay in Dhallinyada Soomaaliyeed oo ah tirada ugu badan ee bulshadana ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan horumarinta dalka, haweenka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qabana ay diyaar u yihiin ka qayb galka siyaasadda, taas oo meesha ka saareysa dhaqankii hore ee ahaa in siyaasadda dalka ay kooxa yari ay hoggaamiyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...