Home Blog Page 999

R/Wasaare Kuxigeen; Mahdi Oo Furay Shirka Madasha Wadatashiga Soomaaliya & Beesha Caalamka, Muqdisho

0

Wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya  wakiilo ka socday Ururo Caalami ah shirkado iyo sido kale 50 dowladood ayaaa ka qeybgalaya shirkaaan dhinaca Soomaaliya waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ururada bulshada rayidka ah waxaaana diirada lagu saaray dib u habeynta dhaqaalaha, Amniga iyo cadaaladda, Qorshe Horumarinta Qaranka Siyaasad loo dhan yahay , Horumarinta Arimaha Bulshada iyo mabaa dii da iskaashiga.

R/Wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaaa sheeegay in lagu guuleystay dib u habeynta dhaqaalaha nidaamka loo maray bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalahana uu yahay mid guuleystay.

Wakiilka Midowga Africa Francisco Madeira ayaa bogaadiyay dadaalada ciidamada qaranka Soomaaliya ay ka sameeyeen la dagaalanka argagaxisada meelo badan ay ka qabteen kooxaha argagaxisada ah.

Wakiilka Beesha Caalamka ee Soomaaliya James Swan ayaaa madasha ka sheegay in dowlada Soomaaliya ku guuleystay dhinac yo badan isla markaana mudan in lagu bogaadiyo.

Dhinacyada shirka ka qeybgalay ayaaa doodo ka yeeshay dhinacyo badan oo muhiim u ah bulshada Soomaaaaliyeed ayada oo dowlada Soomaaliya ay wado dadaal badan oo lagu dhameynayo arrimaha Siyaasada wadaaga kheyraadka iyo arrimo doorashooyinka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Oo Kormeeray Xabsiga weyn ee Puntland Oo Burcad-badeed Kujiraan ‘Sawirro’

0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir hawlo shaqo Ujooga Garoowe  ayaa Booqday Taliska Ciidamada Asluubta Puntland Iyo Xabsiga wayn ee Garowe, Waxaana  uu ukuurgalay xaalada Maxaabiista Xabsiga kujira’ isagoo warbixino kadhegaystay  Saraakiisha Ciidamada  Asluubta Waxaana loo Sheegay inay xabsiga udhamaystiranyihiin baahiyaha asaasiga ahi  Maxaabiistana labaro aqoonta maadiga ah, mida diiniga ah iyo weliba Xirdaha Farsamada Gacanta.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa booqday 26Maxaabuus oo kuxukuman falal burcad badeednimo  kuwaas oo dawlada soomaaliya ay kasoo wareejisay wadanka siishelis (Seychelles)si ay xukunkooda Dalka ugu dhamaystaan, Waxaana ay ka dalbadeen in dowladu kashaqayso sidii ay markale xoriyadooda dib  ugu heli lahaayeen.

Qaybo kamida Maxaabiista oo kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa Codsaday in loo wareejiyo Xabsiga Wayn ee Xamar si ay eheladoodu usoo booqdaan, Dowladda ayaana  kudedaalaysa sidii ay dib xoriyadooda uheli lahaayeen iyadoon lagu xadgudbayn Shuruucda caalamiga ah ee laxiriirta Eedaysanayaasha lagu xukumay Arimaha burcad badeednimada.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maxaabiista usheegay in sida ugu dhaqsaha badan cidii baxaysa loogu wareejinayo xabsiga muqdisho ayna kashaqaynayaan sidii ay markale xoriyadooda uheli lahaayeen.

Taliyaha Qeybta 21-aad ee CXD oo sheegay in ay Wadaan Howlgallo Ka dhan ah Argagaxisada Al-shabaab ‘Sawirro’

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidammada AMISOM qeybta Hiiraan Oo Dhuusamareeb Kulan ku yeeshay ayaa ka wada hadlay Xoreeynta deegaannada Argagaxisadu uga sugan tahay dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo kulan la yeeshay Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka iyo Taliyaha AMISOM qeybta gobolka Hiiraan ayaa kala hadlay sidii argagaxisada looga xureyn lahaa deegaannada fara ku tiriska ah ee ay kaga suganyihiin maamulka Galmudug.

Taliyeyaasha ayaa wasiirka kaga warbixiyay xaaladda amni ee deegaanada Galmudug,iyagoo sheegay  in ay wadaan howlgallo maleeshiyada Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga dhuumaaleysanayaan dowlad Goboleedka Galmudug.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika oo duqeyn kaga jawaabay weerarkii Balli-doogle

0

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa war ka soo saaray weerarkii shalay Al-Shabaab ku qaadeen Garoonka iyo Saldhigga Balli-doogle, halkaasoo ay xarun u tahay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB iyo Ciidanka Mareykanka.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay jawaab culus ka bixiyeen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab.

Maj. Gen. William Gayler oo ah Agaasimaha Howlgalada ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerar jawaab ah iyo mid is difaacid ah ku qaadeen Al-Shabaab ayna ku dileen 10 dagaalame, kuna burburiyeen hal gaari.

Waxaa uu sheegay labo duqeyn oo cirka ah ay fulliyeen, si ay uga jawaabaan weerarkii shalay lagu soo qaaday Saldhigga Balli-doogle.

Muuqaal kooban oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyay gaari kuwa xamuulka ah oo la rumeysan yahay inay waxyaabaha qarxa saarnaayeen oo gantaal cirka kaga yimid ku dhacay, isla markaana qarxay.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in weerarkan Al-Shabaab soo qaaday ayaa lagu sheegay inay caddeyn u tahay halista kooxdan ee danaha Mareykanka, saaxibadiisa iyo gobolka, isla markaana aysan marna hakin doonin dagaalka lagula jiro argagixisada.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa laga soo xigtay in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay toogteen dhammaan Xubnihii soo weeraray halkaasina ay ku khaarajiyeen qaar badan oo katirsan mintidiinta Argagaxisada ee Al-Shabaab.

Fursado Shaqo-Abuur Ah oo uu Sameeyay Banggiga IPS Oo Haweenka Qoysaska Danyarta ah Ay Ka Faa’iideeysteen “Sawirro”

0

Mashruucan shaqo abuurka ah waxaa ka faa’ideysanaya Qaar kamid ah haween ka soo jeeda qoysaska danyerta ah oo ku nool magaalada Muqdisho,waa maalgelin yeryer (Micro financing) kaasi oo Bangiga (IPS) uu ku caawinayo dadka danyerta ah oo loogu talagalay in shaqo abuur loogu sameeyo,iyadoo qeyb kamid ah ay ka taageerayso Hay”adda Caalamiga ah ee ILO.

Daahfurka barnaamijkan oo ka dhacay Muqdisho waxaa ka qeybgalay wasiirka Shaqada iyo Arrmaha Bulshada Sadiiq Xirsi Warfaa,mas’uuliyiinta ILO iyo Banggiga IPS,kuwaasi oo si isku mid ah u dhiirogeliyay fursadaha shaqo abuurka ah oo feker ahaan uu leeyahay Banggiga IPS,si loo daboolo nolosha qoysaskaasi.

Cabdiwali Maxamuud Cilmi oo ka tirsan Baggiga IPS oo barnaamijkan hal abuurkiisa iyo maalgelintiisu leeyahay ayaa sharaxaya waxa ay ugu talagaleen.

“Ujeedka wuxuu yahay in aan ku soo bandhigno guulihii laga gaaray barnaamijkan micro financeka oo soo socday muddo 4 sano ah,barnaamijkan wuxuu yahay mid (IPS) uu xoogga ku saarayay in uu ku dhiirageliyo haweenka,waxaana ka faa’ideystay haween gaaraya ilaa 5000 kun oo qof”. Ayuu yiri Cabdiwali.

Sumeeyo Nuur Cabdi,Fardowso Yuusuf Ibraahim iyo haweenkiii kale fursadaasi la siiyay,waxaa ay uga mahadceliyeen IPS iyo ILO fursadda dhiirogelinta leh oo ay siinayaan bulshada danyerta ah, gaar ahaan haweenka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa oo ka qeybgalay daahfurka barnaaijkan ayaa bogaadiyay dadaalada fursadaha shaqo abuurista ah oo loo sameynayo haweenka Soomaaliyeed.

Goobta daahfurka shaqo abuurkan waxaa lagu soo bandhigayay habab kaladuwan oo haweenka loo maalgeliyay,qaar ayaa iibinaya qudaarta iyo dalagyada beeraha wax la xiriira,kuwo dharka iibiya,shoping,cilaan.

Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay. “sawirro”

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa si rasmi ah u furay Madasha Iskaashiga Soomaaliya oo markii ugu horreysay lagu qabanayo Muqdisho.
Shirka waxaa ka qeyb galaya wakiillada ib ka badan 50 dal iyo shirkado ganacsi oo caalami ah.
Shirka oo markii hore lagu qaban jiray dalka dibaddiisa, ayaa loo soo raray Soomaaliya oo hadda soo gaartay heer ay marti gelin karto shirarka heerkoodu sarreeyo amni ahaan, dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba.

Shirkan waxaa khudbado ka jeediyay madax sare, safiirro iyo wakiillada qaar ka mid dalalka ka qeyb galaya, waxa ayna isla qireen in Soomaaliya sameysay horumar dhinacyo badan sanadihii u dambeeyay.

Dowladda FS oo Soo Dhoweysay Shirka Caalamiga ah oo Lagu Martigeliyay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhawaysay shirka caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya

Shirka iskaashiga Soomaaliya oo ah mid heer caalami ah ayaa waxaa ka qayb galaya in ka badan 50 dowladood oo ka mid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya, arrimaha looga hadlayo shirkaan waxaa ka mid ah Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda,

Waa markii ugu horeysay ee shirkaan lagu qabanayo magaalada Muqdisho,waxaana horay loogu qaban jiray dalka dibaddiisa.

Akhriso: Warsaxaafadeed.

 

Ciidanka Xoogga Dalka oo Lagu Amaanay Geesinnimada iyo Feejignaanta Ay Kaga Hortageen Weerarkii Argagixisada.

Dowladda Maraykanka waxa ay cambaareynaysaa weerarrada maanta ka dhacay Baledogle iyo Muqdisho.

Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed oo ka hortagay weerarka lagu soo qaaday fariisiin ciidanka Soomaaliyeed uu ku lee yahay Baledogle ee gobolka shabelleeda hoose. Ciidanka oo ahaa mid fajignaan muujinaayo ayaa ku guuleystay in uu ka hortago wareerka fashilmey, oonan u oggolaanin kuwa weerarka soo qaaday inay jebiyaan darbiga difaaca ee saldhigga. Waxaan ku faraxsannahay in aysan jirin qasaara kasoo gaarey labadii weerar ciidanka xoogga dalka.

Weerarkan ayaa mar kale muujiyey in Al-Shabaab ay carqalad ku yihiin horumarka, nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Dowladda Maraykanka waxa ay xaqiijineysaa dadaalka xooggan ay siineyno dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anigo oo gacan ka geysaneyno dadaallada wadajirka ah taaso lagu doonaayo in logu baabi’iyo kooxaha argagixisada iyo dhisida dal xoog leh oo dadkiisa ku horseedo barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan

0

Guddoomiye ku xigeenka degmada Buulo burde Cismaan Geedi Cilmi oo la hadlay Wabaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay wadaan howlgallo maleeshiyada Al-shabaab looga xoraynayo deegaannada ay kaga dhuumaalaysanayaan gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa  beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Hiil walaal ee Jabuuti ay ka baxeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan,isagoo xusay in wararkaas uu yahay dacaayad ay faafinayaan dad kasoo horjeedo dowladnimada.

Ugu dambayntii Guddoomiye ku xigeenka dagmada Buulo Burde Cismaan Geedi Cilmi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Qalabka sida, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyaadka argagaxisada ah Al-shabaab.

Taliska Xoogga oo xaqiijiyay in ciidanku fashiliyeen weerar argagixisadu ku soo qaaday Ballidoogle.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa maanta isku dayay in ay weeraraan saldhig Ciidanka Xoogga Dalku ku leeyihiin Ballidoogle gobolka Shabeellada Hoose.

Inkastoo Alshabaab xoog badan galiyeen weerarkan oo ay gawaari u adeegsadeen, haddana waa la fashiliyay sababtoo ah CXD oo aad u feejignaa in ka yar 10 daqiiqana ku soo afjaray weerarka, iyadoo aanu soo gaarin wax khasaare dhimasho ah.

Rasaas is-weydaarsi dhacay qaraxyada ka dib waxaa lagu dilay dhammaan maleeahiyadii argagixisada ee weerarka soo qaaday.

Alshabaab ayaa weerarradan naf la caariga ah uga gol leh in ay carqaladeeyaan howlgallada Ciidanka Xoogga Dalku dalka uga sifeynayaan argagixisada, kaas oo si weyn loogu wiiqay Alshabaab.

Dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa wadamada walaalaha ah ee ka taageera dhinaca Amniga iyo hawlgalada Ciidammada waxay gacan adag kala hortagaysaa Ficilada noocan oo kale ah ee lagu rajo tirayo shacabka Soomaaliyeed ee u ooman nabad iyo nolol fiican.