Dowladda Soomaaliya oo u yeertay safiirka Kenya

Date:

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka dowladda Kenya u jooga dalkeena.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamig ah ayaa maanta oo Khamiis ah u yeertay Safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Axmed Kheyr Cabdi oo safiirka kula kulmay xarunta wasaaradda, ikaraddaas oo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo iyadoo aan oggolaansho ka haysan dowladda Soomaaliya

Soomaaliya si xooggan ayay uga cabaneysaa xad-gudubkaas, marnana ma oggolaaneyso in lagu xadgudbyo xudduudeheeda cirka, badda iyo berrigaba, waxa ayna ugu baaqeysaa in Kenya oo ciiddammadeeda jooga Jubbada hoose ay qeyb ka yihiin ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ay jawaab ka bixiso xad-gudubkaas ay u geysatay hawada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa in ficilkaasi yahay mid ka hor imaanaya mabaadiโ€™da guud ee daris wanaagga iyo in aan la fara gelin arrimaha gudaha ee dowladaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...