Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Wafdi Ka Socda Hayโ€™adda IOM

Date:

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Xafiiskiisa Maanta ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayay Madaxa Hay`adda IOM Bariga iyo Geeska Afrika Mohammed Abdiker oo Baydhabo gaaray.

Kulan ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada ayaa waxa ay uga wadahadleen sidii hayโ€™adda IOM u kordhin lahayd shaqooyinka ay ka wadaan KGS iyo sidii ay uga warqabi lahayd Arrimaha barakacayaasha iyo Caafimaadka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa uga mahad-celiyey Madaxda hayโ€™adda shaqooyinka ay wadaan, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan arrimaha la xiriira barakacayaasha iyo tayeynta Caafimaadka.

Madaxa Hay`adda IOM Bariga iyo Geeska Afrika Mohammed Abdiker ayaa dhankiisa sheegay inay ka goโ€™an tahay kordhinta adeegyada shaqooyinka oo ay ka wadaan Koonfur Galbeed, islamarkaana ay sigaar ah u wajahayaan dadka barakacayaasha ah oo xilligan dareemaya qabowga roobka deyrta.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta KG Axmed Madoobe Nuunoow Agaasimaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Ibraahim Maxamed C/qaadir Baafo iyo madax kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...