R/Wasaare Kheyre Oo Qaabilay Safiirka Cusub Ee Sweden

Date:

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Staffan Tillander.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab, iyo sii wadidda taageerada dowladda Sweden ay qaybta uga qaadato dib u kabashada Soomaaliya.

Sweden waxa ay kamid tahay dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya oo waqtiga dheer qaybta ka ahaa dadaallada lagu horumarinayo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa October 16, 2019 warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Staffan Tillander oo bedelay safiirkii hore ee Sweden, Andreas von Uexküll.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...