Home Blog Page 981

Shirkadda Amal oo gargaar Lacageed ugu deeqday Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha Dalka ka dhacay

0

Shirkadda Amal Group ayaa Dadka ay saameysay fatahaadda ka dhacday qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ugu deeqday Lacag gaareysa $40,000.

Amal Group ayaa deeqdan Lacageed gaarsiisay Dadka ku dhibaateysan Magaalooyinka Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan, Degmada  Berdaale oo ka tirsan Baay iyo meelo ka mid ah Gobolka Gedo.

Shirkadda Amal oo deeqdan ku wareejisay Guddiga gurmadka fatahaadaha ee Culimaa’udiinka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa qorsheynaysa in ay mar kale gargaar u fidiso Dadka ay waxyeellada kasoo gaadhay fatahaadaha ay sameeyeen Webiyada Jubba iyo Shabeelle.

Bulshada iyo maamulka Gaalkacyo oo Maanta sagootiyay Gaadiid gargaar u sida Baladweyne

0

Waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu sagootiyey Maanta 3 Gaari oo nooca Candhameydlaha loo yaqaan ah iyo Guddiga gargaarka deg-degga ee dhanka Caafimaadka oo ka kooban 5 xubnood, si ay ugu gurmadaan Dadka ay waxyeellada kasoo gaartay fatahaadda Webiga Shabeelle ee mara Baladweyne.

Deeqdan oo noocyo kala duwan ah ayaa waxaa soo uruuriyay Shacabka Gobolka Mudug , waxaana sagootinteeda goob joog ka ahaa, Dhalinayaro, aqoonyanno, Culimaa’udiin, Saxafiyiin, Bulshada qeybaheeda kala duwan , maamulka Degmada Gaalkacyo, Guddoomiyaha Gobolka iyo ku Xigeenkiisa .

Sidoo kale waxaa gurmadka loogu jiro u gargaaridda Dadkii ku waxyeelloobay fatahaaddii ka dhacday Magaalada Baladweyne door weyn ka qaatay Shacabka ku dhaqan Gobollada Puntland iyo Galmudug.

  

WHO oo ka hadashay waxyeelladii ka dhalatay fatahaadaha Dalka

0

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa baraha Bulshada ku sheegtay in fatahaadihii dhowaan ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ay ku dhinteen 25 Qof, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen, xilli ay Roobab culus ay ka da’ayaan meelo ka mid ah Dalka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Roobab mahiigaan ah oo ka hooray dhowr qeybood oo ka mid ah Soomaaliya ay barakiciyeen in kabadan 270,000 oo Qof, iyadoo burburiyay hab nololeedkii Dadka iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee Dalka.

Xaaladaha adag ee ka jirta qeybo ka mid ah goobaha ay daadadku saameeyeen ayay sheegtay WHO in ay geeyeen qaddar yar oo Naf badbaadin ah, balse uu jiro dedaallo lagu ballaarinayo howlaha gargaarka.

Xafiiska Qaramada midoobay u qaabbilsan Isuduwidda arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa dhowaan sheegay in kabadan 547,000 oo Qof in ay saameeyeen fatahaada Dalka ka dhacay.

 Isha;Xinhua

Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 3 Mliyan oo Euro

0
Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Saacadihii lasoo dhaafay ku kala saxeexday Magaalada Muqdisho heshiis lagu fulinayo mashaariic kala duwan oo uu ku baxayo dhaqaale gaaraya 3 Milyan oo Euro.

Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya Drs; Fowsiiya Abiikar Nuur oo heshiiskani u matalaysay Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaqaalahan iyo mashaariicda kaleba ay Dowladda Talyaanigu ugu tala gashay in wax loogu qabto Caafimaadka Dadka Soomaaliyeed.

Amb. Alberto Vecchi Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadayaan taageerada Caafimaadka oo ka koobnaan doonta kuwa Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

“Waan sii wadi doonaa taageerada dhinaca Caafimaadka ee Dadka Soomaaliyeed waxaana uga mahad celinayaa Wasaaradda sida ay noola shaqeyneyso” ayuu yiri; Amb. Alberto Vecchi.

Dowladda Talyaaniga ayaa Wasaaradda Caafimaadka ku wareejisay qalab loogu talagalay Hooyada iyo Dhallaanka oo ka mid ah adeegyada uu Isbitaalka Martiini bixiyo.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in qalabkan uu wax badan kusoo kordhin doono Isbitaalka, iyadoo uga mahad celisay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiyaan

Bulshada Soomaaliyeed.

“Soomaaliya iyo Talyaaniga xiriir qoto dheer ayaa ka dhaxeeya waana ku mahadsan yihiin taageerada dhinac walba ah, qalabkan wax badan ayuu ku kor dhin doonaa shaqada Isbitaalka iyo Dadka adeegga u baahan”ayay tiri Wariir; Fowziya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay mamulka iyo Gacan ku haynta Ibitaalka MartiinI billoowgii Febraayo ee Sanadkaan, waxaana haatan adeegyo Caafimaad oo bilaasha ah uu u qabtaa Dad ka badan 40,000.

Maxkamadda Ciidamada Q.S oo bilowday dhageysiga dacwado loo heysto Afar eedeysane oo ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab

Fadhiga Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa waxaa ka bilowday Dhageysiga Dacwad qaadista Shabakad ka tirsan Alshabaab gaar ahaan qeybta fulisa dilalka gaadmada ah oo ka howlgali jiray Galbeedka Caasiamadda.

Eedaysanaha 1-aad Shucayb C/laahi Max’ed  oo magiciisa afgarashadu yahay (Axmed) ,  Maxamed Cismaan Axmed oo magacyadiisa afgarashadu yihiin (C/weli, Atam, Bakistaan) Ismaaciil Max’ed Aweys oo magiciisa afgarashadu yahay  (Yaxye)  ayaa laga soo qabtay bar ay ciidamada amniga ku hubiyaan dadka iyo gaadiidka oo ku taala waaxda Xaawa Taako ee degmada Wadajir 28/02/2019 xilli ay kasoo noqdeen howlgal arga-gaxisanimo oo fashilmay  halka eedeysnaha 4-aad laga qabtay degmada deyniile gaar ahaan Jaamacada Gahayr .

Eedaysanaha 1-aad Shucayb C/laahi Max’ed  oo magiciisa afgarashadu yahay (Axmed) ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex- S/X/le X. Xuseen Macalin Cali Jilacow 28/06/2017, Marxuum Ex- G/le Bol. Yuusuf C/laahi Max’ud 09/12/2017, Marxuum Ex- L/x/le Bol, C/laahi Ibraahim Xasan (Gambar) 05/05/2018, 27/11/2018 Marxuum Cabdi Cali Max’ud oo ahaa nin shacab ah oo ka ganacsanaayay hilibka (Kawaanle) halka   dhaawac xabadeed uu u  gaysatay Dhibane C/raxmaan Max’ed Cali, waxa uu sidoo kale kala  simanyahay Ismaaciil iyo Maxmed in ay qorsheynayeen dilka Baarliin Cabdi Warsame oo aheyd gabar ka ganacsato qaadka.

Eedaysanaha 2-aad Max’ed Cismaan Axmed Cumar (C/weli, Atam, Bakistaan),  Waxa uu ahaa wade Mooto Bajaaj ugu adeega  keenista iyo ka qaadista  Bastooladaha lagu fuliyo Dilalka qorshaysan Alshabaab, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay  in 28/02/2019 uu qeyb  ka ahaa dilkii fashilmay ee lala damacsanaa Dhibane Baarliin Cabdi Warsame.

Eedeysanaha 3–aad Ismaaciil Max’ed Aweys (Yaxye) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu qeyb ka ahaa fashilka dil ay la damacsanaayeen Dhibane Baarliin Cabdi Warsame.

Seddexda eedeysane ayey ciidamada amniga ku qabteen bar ay ciidamada amniga ku leeyihiin waaxda xaawo taako ee degmada Wadajir halkaas oo ay isku dayeen in ay ka baxsadaan balse mid kamid ah ciidamada amniga ayaa fashiliyay isku daygooda.

Eedaysanaha 4-aad Saadaq C/jabaar Cumar Xuseen, waxaa si gaar ah loogu eedeeyay kamid ahaanshiyaha Alshabaab  gaar ahaan Qeybta fulisa dilalka qorshaysan, waxaa si gaar ah loogu qabtay fulinta dilka  Marxuum Ex D/le X. Max’ud Xasan Ibraahim 31/03/2019.

Xafiiska Xeer Ilaalinta CQS aya fursad loo siiyay in ay Maxkamadda la yimaadaan cadeymaha kiiskan ay eedeysanaha kawada yihiin 4-ta eedeysane ee Maxkamadda hortaagan.

6- markaati uu ku jiro dhibane ayaa Maxkamaddu dhageystay, waxa ay dhinacyada dacwadda weydiiyeen su’aalaha habraaca sharciga o ogolaanayo,  markaatiyaasha ayaa  ka sheekeyey sida ay u dhaceen ficillada qaar oo ay eedeysanayaasha geysteen, halka sidoo kale si gaar ah loo dhageystay ciidamadii barta ku qornaa.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa weydiistay Maxkamadda in la siiyo fursad dheerad ah oo ay maxkamadda ku horkeenaan agab iyo markaatiyaasha qaarkooda oo safar kaga maqan magaalada…

Qareenada ayaa  kala sinnaa soo jeedinta Xeer Ilaalinta.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee CQS  ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxaana sii socon doonta dhageysiga dacwooyinka loo heysto eedeysanayaashaan.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Xarunta Dhexe Ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda

0

Dhismahan uu maanta dhagax dhigay Wasiirka Amniga Gudaha oo ku yaalla agagaaarka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa noqonaya xarrunta dhexe ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS wuxuuna dhismaha Xaruunta socon doonaa ilaa 2021 iyadoo ay ku baxeyso lacag dhan $5Million oo Dollar oo ay maalgalinayaan dalalka Britain,Norway, Finland iyo Denmark.

Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ahna kusimaha Agaasimaha Cabdullaahi Xaaji Bashiir (Shiine) oo ka hadlay goobta dhagax dhigga ayaa xusay in muddo saddex sano ah ay soo socotay howshan ayna u mahadcelinyaan madaxda Qaranka iyo Dowladaha maalgalinaya.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa talaabo hore loo qaaday ku tilmaamay dhismaha xarruntan oo ah mid balaaran isagoona bogaadiyay Howlaha Hay’adda Socdallka iyo Jinsiyadda ay u ehyso bulshada.

”Waxaa farxad noo ah in shirkado badan oo Soomaali iyo Ajaanib ah usoo tartameen dhismahan balse Shirkad Soomaaliyeed ay ku guuleysatay mashruucaan ,madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  iyo shaqaalahoodaba waa ku amaanayaa dadaalkooda waxaana filayaa in 15-ka Janaury 2021, dhismahan oo la dhameeyay furayaashooda lagu wareejiyo” ayuu yiri Wasiir Ducaale

In Hay’dda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay yeelato xarrun dhexe oo u gaar ah ayaa la rumeysan yahay inay sii xoojineysa isku xirka howlaha iyo adeegyada hay’ada ay u qabato bulshada Soomaaliyeed ee kunool Caasimadda Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Kuwait oo gargaar deg-deg gaarsiineysa Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha Soomaaliya

0

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo uu horkacayo Danjire; Cabdullahi Maxammed Odowaa ayaa kulan laqaatay Madaxda ugu sarreysa Bisha-Cas ee Dalkaasi.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii ay hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait ugu qeyb qaadan lahayd gurmadka caalamiga ah ee lagu taakuleynayo Dadkii ay waxyeelladu kasoo gaadhay Roobabka iyo fatahaadaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle .

Hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait oo looga bartay caawinta Dadka Soomaaliyeed xilliyada adag ayaa lagu wadaa in ay gargaar gaarsiisao Qoysaska ku waxyeelloobay fatahaadaha gaar ahaan musiibada ka taagan Magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Bisha Cas ee Dalka Kuwait oo ka jawaabeysa codsiga Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaasi ayaa waxay ballan qaadday in ay si deg-deg ah wax ugu qaban doonto Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Denmark

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre  iyo wasiirka arrimaha dibadda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod oo maanta booqasho ku yimid dalka ayaa yeeshay kulan looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Denmark ee dib-u-kabashada dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Denmark oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa sheegay in iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda xagjirnimada, argagixisada, adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta galinaya dhallinyarada inay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho.

Jeppe Sebastian Kofod oo bogaadiyay horumarka ay dowladdu ka gaartay dhismaha hey’adaha dowladeed iyo qorshaha dib-u-qaabeynta iyo dadaalkeeda la dagaallanka argagaxisada, iyo dhismaha mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, ayaa caddeeyay in Dowladda Denmark ay ka go’antahy in Soomaaliya ay kusii garab taagnaato taageerada dhinacyada xasilinta, soo celinta amniga, ganacsiga iyo dhisidda mustaqbalka dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo dowladda Denmark uga mahad celiyay taageereeda joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta dowladnimada Soomaaliya, ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay ka go’antay xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xariira qotada dheer ee labada dowladood.

Bishii October ee sannadkaan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, waxa ay magaalada Washington ku yeesheen looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.

Kuwait Oo Gargaar Deg-deg Gaarsiineysa Dadka Ku Waxyeelloobay Fatahaadaha Soomaaliya “Sawirro”

0

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo uu horkacayo Danjire; Cabdullahi Maxammed Odowaa ayaa kulan laqaatay Madaxda ugu sarreysa Bisha-Cas ee Dalkaasi.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii ay hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait ugu qeyb qaadan lahayd gurmadka caalamiga ah ee lagu taakuleynayo Dadkii ay waxyeelladu kasoo gaadhay Roobabka iyo fatahaadaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle .

Hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait oo looga bartay caawinta Dadka Soomaaliyeed xilliyada adag ayaa lagu wadaa in ay gargaar gaarsiisao Qoysaska ku waxyeelloobay fatahaadaha gaar ahaan musiibada ka taagan Magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Bisha Cas ee Dalka Kuwait oo ka jawaabeysa codsiga Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaasi ayaa waxay ballan qaadday in ay si deg-deg ah wax ugu qaban doonto Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Wasaaradda Gargaarka Oo Soo saartay Digniin Ku Aaddan Fatahaado Hor Leh

0

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka  Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah soo saartay digniin ku saabsan fatahaado kale oo ka dhaca Dalka.

Digniintan ayay Wasaaraddu shaacisay markii ay soo baxday halis ah in ay dhici karaan fatahaado iyo daadad, iyadoo ay isa soo tarayaan khatar ah in degaannada koofurta Dalka ka mid ah ay ka da’ayaan Roobab uu cabbirkoodu ka sarreeyo 40  Mile mitir maanta iyo maalmaha xigaba.

Halkan hoose ka aqriso digniinta oo dhammaystiran:-