Kuwait Oo Gargaar Deg-deg Gaarsiineysa Dadka Ku Waxyeelloobay Fatahaadaha Soomaaliya “Sawirro”

Date:

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo uu horkacayo Danjire; Cabdullahi Maxammed Odowaa ayaa kulan laqaatay Madaxda ugu sarreysa Bisha-Cas ee Dalkaasi.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii ay hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait ugu qeyb qaadan lahayd gurmadka caalamiga ah ee lagu taakuleynayo Dadkii ay waxyeelladu kasoo gaadhay Roobabka iyo fatahaadaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle .

Hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait oo looga bartay caawinta Dadka Soomaaliyeed xilliyada adag ayaa lagu wadaa in ay gargaar gaarsiisao Qoysaska ku waxyeelloobay fatahaadaha gaar ahaan musiibada ka taagan Magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Bisha Cas ee Dalka Kuwait oo ka jawaabeysa codsiga Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaasi ayaa waxay ballan qaadday in ay si deg-deg ah wax ugu qaban doonto Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Dalalka G7 oo walaac xooggan ka muujiyey Rabshadaha ka socda Ethiopia

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa...