Home Blog Page 980

Google oo Soomaaliya u soo bandhigtay mashruuc internetka lagu gaarsiin karo miyiga iyo goobaha fog

0

San Francisco (SNTV):-Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md. Cabdi Sheekh Axmed, ayaa booqday Xarunta Dhexe ee Shirkadda Loon oo ah mashruuc la mataano ah Google oo xaruntiisu tahay gobolka California ee dalka Mareykanka.

Maareeyaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Loon ayaa la kulmay madaxda ugu sarreysa Loon oo uu hor kacaayay Maamulaha Alastair Westgarth iyo mas’uuliyiinta waaxyaha sharciyada, horumarinta ganacsiga, iyo hawlgallada, waxayna ka wada hadleen sida Soomaaliya uga faa’iideysan karto farsamadan casriga ah ee internetka lagu gaarsiin karo goobaha fog, iyadoo qeybo badan oo dalkeena ka mid ah weli uusan gaarin adeegga internet-ka.

Maareeyaha ayaa intii halkaasi joogay soo booqday qeybaha kala duwan ee shirkadda, gaar ahaan goobaha lagu farsameeyo qalabkan oo ah mid dul sabbeynaya illaa 10-20 km joog ka sarreeya oogada dhulka oo bixinaya internet xawaarihiisu gaarayo 4G.

Mashruuca Loon [loogu dhawaaqo Luun] waa dadaal ay Google ku dooneyso in internetka lagu gaarsiiyo meelaha aysan gaarin isgaarsiinta caadiga ah, waxayna iskaashi la sameeyaan shirkadaha isgaarsiinta ee adduunka si ay gacan uga geystaan fidinta adeegga internetka.

Maareeyaha oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in farsamadan ay muhiim u tahay dalkeena maadaama adeegga internetka uu weli ku kooban yahay magaalooyinka, welina uusan gaarin miyiga fog iyo dhulalka buuraleyda ah ee ku yaalla xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in mashruucani uusan ahayn mid la tartamaya shirkadaha isgaarsiinta, balse uu yahay mid la shaqeynaya shirkadaha oo u fududeynaya inay adeeg internet gaarsiiyaan meel kasta oo aysan gaari karin xilligan anteenooyinkooda.

Mashruuca Loon oo soo socday 5tii sano ee la soo dhaafay ayaa la hirgeliyay dalal badan oo ay ka mid yihiin Kenya, Puerto Rico, iyo Sri Lanka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo magacaabey Wasiiru Dowlayaal.

Muqdisho (SNTV)  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) Ayaa magacaabey Wasiiru Dowlayaal kamid noqanaya Golahiisa Wasiirada.

Akhriso: Liiska magacyada Wasiiru Dowlayaasha

 

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciga Batroolka Dalka

Muqdisho (SNTV):-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Jamuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay sharciga batroolka dalka,kaasi oo ay soo gudbisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ogolaatay meelmarinta sharcigan Batroolka,150 xildhibaan,waxaana diiday,4 mudane,sidaasi ayuuna ansax ku noqday,sida uu ku dhawaaqay Guddoonka Golaha Shacabka.

Wasiirka macdanta iyo Batroolka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo gudoomiyaha guddiga kheyraadka dabiiciga ah iyo bay’ada ee golaha shacabka Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamaadiid ayaa golaha uga mahad celiyay anasixinta sharciga Batroolka.

Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dib u celiyay hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa oo maanta lagu balansanaa in loo codeeyo,ka dib markii qaar ka mid ah xildhibaanada ay aragtiyo ka dhiibteen su’aalana ay ka keeneen qodobo ka mid ah hindise sharciyeedkan sida uu sheegay shir guddoonka Kulanka.

Ugu dambeyn wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa golaha ka hor jeediyay Hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanda golaha shacabka ayaa su’aalo hindise sharciyeedka Arrimaha doorashooyinka la xiriira weydiiyay wasiirka oo isagana ka jawaabay.

Sidoo kale xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta loo qeybiyay wax ka bedelka sharciga iibka Qaranka,waxaana kulanka soo xiray Kusimaha Guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire ayaa Maanta kulan miro dhal ah la qaatay wakiilka Sare ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini oo booqasho ku timid Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Khayre iyo Marwo Federika Mogherini waxa ay ka wadahadaleen horumarka DFS ay ka sameysay howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019.

“Waxa aan Maanta kulan miro dhal ah la qaatay wakiilka Sare ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini oo booqasho ku timid Muqdisho. Waxa aan ka wadahadalnay horumarka aan ka sameynay howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019″ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre

Horjooge isku soo dhiibay Ciidanka Xooga Dalka

Muqdisho (SNTV) Horjoogahan oo ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab ayaa isku dhiibay ciidanka Xoogda Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo ku sugan deegaanka Baar-sanguuni ee oa ktirsan gobolka jubbada Hoose.

Waxaa uu ka soo goostay degmada Jamaame ee Jubada hoose,horjoogahan oo lagu magacaabo Sharma’arke Cabdinaasir Axmed,waxaana uu faah faahiyay sababta uu isku dhiibay.

“Magaceygu sedexaad waa Sharma’arke Cabdinaasir Axmed oo Alshababa u qaabilsananaa qeybta weerada,ilaahay ayaa isoo bad baadiyay jid dheer ayaan soo marey,ciidamada Jubbaland iyo kuwa Federaalka ayaa I soo dhaweeyey,markii aan arkay dhibkooda iyo rafaadkooda iyo in dhib un dadka ku hayaan,ayaan ka soo tagay oo ilaahayna I fahamsiyay,si fiican ayaa la ii soo dhaweeyey,marka umadda muslimiinta ah waxaan ka dalbanayaa cafis,maadaama bil ramadaan lagu jiro”. Ayuu horjooge sharma’arke.

Cabdi Nuur Mooge oo ah afhayeenka wasaaradda Amniga ee Jubbaland ayaa fariin u diray dhalinyarada la marin habaabiyay ee Alshabaab kujirta,isagoo ku ammaanay sharma’arke go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatay in uu ka soo boxo argaggixisada Alshabaab.

Arrin ayaa muujinaysa in dadku ay fahmayaan fikirka qaldan ee Alshabaab,waxaana muddooyinkii ugu dambeeyey sii kordhayay tirade maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya.

Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun ku riday Laba katirsan Maleeshiyada Alshabaab

Go’aan Qoraaleedka ka Soo baxay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa U qornaa Sidan:-

                           “MARKAY ARAGTAY: Rafcaanka ay usooo gudbiyeen   Xukunsaneyaal:-

  1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 21 jir ah ina Faadumo Aadan Cusmaan ku dhashay Sh/dhexe.

 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) 25 ina Xaawo Cawil Mursal ku dhashay Baydhabo.

 

MARKAY ARAGTAY: Aayada 178aad Suartul Baqara iyo aayadaha 33, 45aad suuratul Maa’ida iyo Qodobada 221,222,434/71 XCS. iyo Qodobka  koowaad XCCQS. oo lid ku ah Rafcaanlayaasha.                          

 

MARKAY ARAGTAY: Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida  ee 20.03.2019 kuna xukuntay Dil Toogasho ah Racfanlayaasha.

MAXKAMADDU                                                                         

MARKAY ARAGTAY: Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad)  oo uu ka hor qoray  garsooraha hortiisa kuna cadeeyay  in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo  qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada Hodan lagula beegsaday    gaari Hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruux kuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa,

  sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari Saruf ah oo marayay isgoyska via Roma ee degmmada Xamar-wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday  09/11/2018,   Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka Daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan.

 

MARKAY ARAGTAY: Qiraalka eedeysane 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) uu ka hor bixiyay Garsoorka Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida in uu ka tirsanyahay kooxda Alshabaab gaar ahaan qeybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii ka dhacay Degmada Howl-wadaag 02.09.2018 sidoo kalane  uu ka mid ahaa weerarkii lagu qaaday tiyaatarka qaranka 22.12.2018, waxa ay  ciidanka amnigana  gacanta ku dhigeen kadib markii uu ka dagay gaarigi labaad ee ku qarxay Taalada Daljirka Daahsoon.

MARKAY DHAGEYSATAY: markhaatiyaasha   la horkeenay maxkamadda sare Ciidamada Qalabka Sida  mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamadda ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada Racfaanle ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka Daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteen  intii ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul.   

MARKAY DHAGEYSATAY: doodii dhinacyada Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Qareenaka difaaca Racfaanlayaasha.

MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA QALABKA SIDA  WAXAA U CADAATAY IN:                                        

1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) in ay yihiin dembiilayaal galay dembiyadii lagu soo oogay.  

WAXAYNA KU RAACDAY

 Xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad CQS oo ahaa  DIL TOOGASHO AH, oo ah  qisaasta Marxuumiintii ku geeriyooday qaraxyadii iyo weeraradii ay geysteen.” Sida uu u sheegay Warbaahinta Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxamadd Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

 

Waaberi oo caawa u gudubtay wareegga labaad ee Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa saddex iyo tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Waaberi iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bakool, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Waaberi iyo Xudur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Waaberi

Tartameyaasha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Xudur, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Waaberi ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Xudur

Tartamayaasha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, ma jrin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xudur waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 13aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 14aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona ilaa iyo afar degmo, maadaama ay habeen dambe tahay habeenka ugu dambeysa wareegga koowaad ee tartanka, waxaana qeybta hore saacaddu marka ay tahay 9:30 pm ku tartami doona Degmooyinka Howlwadaag iyo Heliwaa oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, halka qeybta dambe ay ku tartami doonaan degmooyinka Xamar Jajab iyo Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Mudug.

Marwada Qaranka oo deeq raashin ah gaarsiisay dad danyar ah oo ku nool Muqdisho

0

SNTV:-Marwada Koowaad ee Qaranka, Marwo Seynab Macalin Cabdi ayaa deeq raashin ah oo isugu jirta Bur, Bariis, Sokor, Timir, Saliid, Digir iyo Baasto waxa ay gaarsiisay qoysas danyar ah iyo caruur agoon ah oo ku nool Muqdisho.

Qoysaska oo tiro ahaan gaaraya ilaa 400 oo qoys oo danyar ah ayaa si siman u helay deeqdan ka timid Marwada Qaranka, waxa ayna sheegeen qoysasku in ay deeqdan heleen xilli ay aad ugu baahneeyeen oo lagu jiro bishii barakeysneed ee Ramadaan.

Sidoo kale xarumaha Agoonta Muqdisho oo ay ka mid yihiin Xarunta Gabdhaha Agoonta ah ee Boondheere, Xarunta Agoonta Wiilasha Kaaraan, Xarunta Agoonta Muqdisho ee Degmada Cabdicasiis iyo Xarunta Agoonta Al-xaramayn ee degmada Xamarweyne oo gacanta ku haya ardey badan oo agoon ah ayaa ka faa’iideystay raashin qeybintan.

Hay’adda Kheyriga aah ee Saynab Macallim Foundation oo maalmihii ugu dambeeyay ku hawlaneyd qeybinta deeqdan cuntada ah ayaa maalintii shalay ahayd soo gebogabeysay.

Wafdi ka socda Laanta taageerada howlagaladda nabadda ee midowga Africa oo kulan la qaatay Saraakiisha AMISOM

0

SNTV:-Laanta taageerada howlagaladda nabadda ee midowga Africa ee (AU PSOD) ayaa uga mahadcelisay ciidmadda midowga Africa ee ku sugan Somalia geesinimada ay ku muujiyeen goobaha dagaalka iyo in ay naftooda khatar u galiyeen sidii ay xasilooni iyo nabad ugu soo dabaali lahaayeen Soomaaliya iyo qaaradaba

Wafdigan ka socday midowga Africa laantiisa taageerada nabadda ayaa waday booqasho shaqo oo ay ku qiimaynayeen howlagaladda howlgalka midowga Africa ee Somaaliya

Waxaa ay sidookale wafuudani la kulmeen madaxda AMISOM oo uu hogaaminayo, Ambassador Francisco Madeira, wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u fadhiya Soomaaliya, Sareeye guud Tigabu Yilma Wondimhunegn abaanduulaha ciidamada AMISOM iyo siihayaha xilka taliyaha booliska Rex Dundun.

Waftiga ayaa dhanka kale u socdaalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya si ay u booqdaan ciidmadda dhaawaca ah ee lagu baxnaaninayo isbitaalada kala duwan.

Wafdiga oo uu hogaaminyay sareeye Gaas Francis Okello, madaxa laanta howlgaladda iyo qorshaynta ee Laanta taageerada howlagaladda nabadda ee midowga Africa ee (AU PSOD) ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa Dr. Komlan Moreira, sarkaalka qorshaynta caafimaad ee AMISOM iyo Sareeye Gaas Fidza Dludlu, madaxa taageerada howlagalka AMISOM.

Kadib markii uu lakulmay ciidanka, Sareey Gaas Okello ayaa xusay “Bukaanka waxaa ay leeyihiin dareen kacsan, daawayn ku filan Ayayna helayaan.”

Wafdiga ayaa sidoo kale ka  helay khuburada caafimaad warbixino dhamaystiran oo ku saabsan askarta dhaawaca ah.

“Midowga Africa waxaa uu smaynayaa waxkasta oo ku badbaadin karo Africa. Waxaan rabnaa inan uga mahadcelino isbitaalka daaweynta ay u samaynayaan askarteena ka qeyb qaadanaya sidii looga dhigi lahaa Soomaaliya meel nabdoon.”

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo kulan la qaatay Ambassador Francisco Madeira

0

SNTV:-Guddoominaya Gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax iyo ku-xigeenkiisa dhanka Maaliyadda ayaa magaalada Muqdisho Kulan kula qaatay Ambassador Francisco Madeira, wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka Goddoomiye Ibaarim Najax iyo Ambassador Francisco Madeira ayaa looga hadlay xoojinta Howlgallada ka dhanka Argaggixisada Al-shabaab ee kasocda Gobolka shabeellaha Hoos.

“Balantu waa ciidamada xooga dalka,kuuwa AMISOM iyo maamulka gobolka inay xoojiyaan iskaashiga ka dhaxeeya si iftiinka dowliga loo gaarsiiyo meel walba oo ka mid ah gobolka shabeelaha hoose”ayuu yiri Guddoomiye Najax

Guddoominaya Gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax ayaa sheegay in sanadkaan 2019-ka  Kooxda Alshabaab laga xoreynayo qeybaha ay kaga harsanyihiin  Gobolka shabeelaha hoose.