Home Blog Page 982

Yaaqshiid oo caawa u soo gudubtay wareegga Labaad ee tartanka

Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Deyniile iyo Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Deyniile

Tartameyaasha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Deyniile ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 10aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Yaaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 11aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Buulaburte iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Baay.

Ciidamada Dowladda soo qabtay laba ka tirsan Argaggixisada Al-shabaab.

Muqdisho (SNTV)–Ciidammada amniga ayaa gacanta ku dhigay eedaysane lagu tuhmayo in uu ka tirsan yahay argagixisada Alshabaab oo walxaha qarxa ku xiray gaari uu lahaa qof shacab ah oo yaallay waddada Makka Almukarrama ee magaalada Muqdisho.

Qabashada eedaysanahaasi ayaa ka danbaysay kadib markii ay dad arkayay markuu gaariga ku xirayay waxlxaha qarxa ku wargaliyeen ciidamada amniga ee ka howgala nawaaxigaas, waxaana suuro gashay in la qabto ruuxii gaariga qaraxa ku xiray.

Warka ayaa intaasi ku daraya in gaariga oo yaallay agagaarka shineemo Soomaaliya uu waqti yar qarxay, mana jirin wax khasaare ah oo qaraxaasi ka dhashay.

Dhanka kale Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-Wadaag ee gobolkan Banaadir waxa ay ku toogteen Nin hubeysnaa oo dhaawacay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda, Falkan ayaa ka dhacay Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay Dhoofinta Dhuxusha

0

Muqdisho (SNTV)–Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta soo saaray War-saxaafadeed ku Saabsan soo Saaridda iyo Dhoofinta Dhuxusha.

War saxaafadeedku waxa uu u qoraa sidan:-
 Soo saaridda iyo dhoofinta dhuxushu waxay saamayn laxaad leh ku leedahay xaalufinta deegaanka, waxayna il wayn oo dhaqaale u tahay argagixisada.

 Dhoofinta dhuxusha waa fal-dambiyeed lagu ciqaabi karo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana lagu mamnuucay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay S/RES/2036 (2012) ee ku saabsan mamnuucidda, dhoofinta iyo soo dejinta dhuxusha Soomaliyeed si dadban ama si toos ah xataa haddii aanay dhuxushaasi Soomaaliya toos uga imaanin.

 Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu baaris ku hayay fal-danbiyeedkaa foosha xun, wuxuuna isagoo la kaashanaya INTERPOL ku dhawyahay in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha.

 Iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa jira xog lagu kalsoon yahay oo sheegaysa inay dib u billaabatay soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha xeebaha Soomaaliya.

 Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa ama dibaaddiisa kuna lug leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah inay joojiyaan faldanbiyeedkaa waxayna wajahayaan ciqaabta ka dhalata fal-danbiyeedkaas sida ku xusan
Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

 Si arrintaa wax looga qabto Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa la kaashanaya Booliska Soomaaliyeed guud ahaan iyo ka Dawlad-Goboleedka Jubaland gaar ahaan.

 Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu ka digayaa in doomaha iyo maraakiibta lagu raro dhuxusha in lala wareegayo iyadoo loo marayosida ay qabaan shuruucda dalka.

Mashaariic horumarineed oo ka socota degmada Buula-burde ee Hiiraan

0

Hiiraan (SNTV)- Kormeerkan oo uu Guddoomiyaha Degmada Bulla-Burde ee Gobolka Hiiraan Cabdi-casiis Daahir Durow  ku tagay Dhismayaasha Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Degmada Bulla Barrde ayaa waxa ay kala yihiin Dhismaha Xarunta Maamulka Degmada, Garoonka Ciyaaraha iyo Suuqa Hilibka iyo khudaarta.

Mashaarciidaan ayaa kamid ah Maashaariicii dhowr ah oo dhawaan Degmadaasi heshay,waxaa hergelinya Maamulka Degmada,iyagoo kaashana Maamul Goboleedka Hir-Shabelle iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Howlaha Mashaariicdaan ayaa intooda badan mara meel gabo-gabo ah,waxaana ay bilowdeen horaantii Sanadkaan.

Guddoomiyaha Degmada Bulla-Burde Cabdi-casiis Duuroow ayaa kormeerka ka dib waxaa uu sheegay in qorshhan uu yahay mid bilow ah,dadka deegaankana looga baahan yahay in ay ilaashadaan.

Qaar kamid ah Howl-wadeena Mashaariicdaan ayaa Maamulka u sheegay in si wanaagsan Bulshada gacan ugu geystaan dhismaha ay wadaan.

Mashaariicdaan laga wada Degmada Bulla-Burde waxaa maal-gelinya San-duuqa Xasilinta Soomaaliya SSF,waxaana fulinaya Maamulka Magaalada.

By Wariye Ibrahim Muxumad Geeddi Beled-weyne Hiiraan

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wakiilka cusub ee Hey’adda UNICEF u qaabilsan Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV)– Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa shalay  qaabilay xafiiskiisa Wakiilka cusub ee Hey’adda Qaramada Midoobey ee Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Werner Schultink.

Wasiiru dowlaha ayaa soo dhoweeyay wakiilka cusub ee UNICEF, waxa uu kala hadlay howlgalkiisa iyo howlaha hey’adda ee dalka, si gaar ah barnaamijyada bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka si loo gaaro horumar lagu yarayn karo dhibaatada la soo gudboonaata caruurta.

Madaxweyne Farmaajo “Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa qabyaaladda ay ka fogaayeen iyo sida ay u aaminsanaayeen midnimada.”

0

Muqdisho (SNTV);- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo lagu maamuusayo dhallinyaradii 13-ka ahaa ee aasaasay ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweynaha ayaa intaas kaddib waxa uu kala qayb galay boqollaal dhallinyaro ah oo ka kala yimid guud ahaan deegaannada dalka munaasabad lagu qabtay Taliska Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo ay ugu dabaal degayeen 76-aad guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madasha ka jeediyey kalmad uu ku dhiirri-gelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoona dib u xasuusiyey doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku lahaayeen xornimo doonkii, qaran-dhiskii iyo horumarintii dalka.

“Dadaalkii ay bixiyeen dhallinyaradeennii SYL ayaa horseeday in dalkeennu uu safka hore ka galo dalalkii xornimada ka qaatay gumeystihii. Dadaalkoodu waxa uu ku hirgalay waa sida ay qabyaaladda uga fogaayeen, una aaminsanaayeen midnimada, waddaniyadda iyo wadajirka dadkeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey naxariis iyo in uu jannadiisa ku abaal mariyo 13-kii dhallinyarada ahaa ee SYL oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Hobollada Kooxaha Qaranka ayaa munaasabadda ka sameeyey bandhig suugaaneed ay ku muujinayeen dadaallada dhallinyaradeennu ay ugu jiraan dib u dhiska dalkooda, rajada lagu qabo iyo caqabadaha ku xeeran ee dhanka fursadaha shaqada, qabyaaladda iyo fikirka gurracan ee argagixisanimada.

Munaasabaddan waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye-Gaas Daahir Aadan Cilmi, Booliska Sarreeye-Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamad Jaamac, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan Urrurada Bulshada Rayidka ah.

Xukuumadda Soomaaliya oo Cambaareysay Weeraro lagu qaaday Labo Goobood oo Sacuudiga ku taalla.

0

Muqdisho (SNTV)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaaraynaysaa weerarka argagaxiso ee loo adeegsaday diyaarado aan duuliya lahayn oo gacan ku samays ah oo waxyaabo qarxa lagu rakibay oo shalay subax oo Talaado ahayd lagu beegsaday labo goobood oo shidaal oo ku kala yaalla deegaannada Al Duwadimi iyo Afif ee bartamaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Soomaaliya waxa ay u aragtaa falalkaasi burburinta leh mid halis ku ah nabadgelyada gobolka, waxa ayna si dhammaystiran u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya hoggaankeeda, xukuumaddeeda iyo shacabkeeda si ay uga hortagaan iskuday waliba oo lagu waxyeeleynayo amniga qarankooda.

Dhammaad

Madaxweyne Farmaajo oo Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.”

Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Marwo Drs. Aamin Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u adeegidda dalka iyo dadka.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo U Hambalyeeyay Dhallinyarada Soomaaliyeed

0

Muqdisho (SNTV) —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dhallinyarada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku astaysan maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhallinyarada ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska dalka, la dagaallanka cadowga iyo kobocinta dhaqaalaha dalka, isaga oo ku ammaanay sida ay hormuud uga yihiin dhammaan hay’adaha dowladda.

“Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed. Maanta waxaan u dabbaal dageynaa maalin taariikh ku leh dalkeenna, waa maalintii ay dhallinyaro Soomaaliyeed aasaaseen ururkii SYL oo horseed u noqday gobannimada aan maanta ku naallooneyno. Maanta dhallinyarada waxaa laga doonayaa halgan lamid ah kii halgamayaashii SYL ee xornimada gaarsiiyay dalkeenna. Maanta waxaa waajib idinka saaran yahay dib-u-dhiska dalka iyo sameynta is bedel dhab ah oo inoo horseeda nabad iyo horumar”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

“Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa dhallinyarada ciidamada ah ee aagagga hore ee dagaalka cadowga kula dagaallamaya iyaga oo sooman, isla markaana guulo waaweyn ka soo hoynaya. Waxa ay hureen dhiiggooda si carruurteena iyo hooyooyinkeena ay nabad ugu seexdaan. Waa halgamayaasha dhabta ah ee dalkuunnu maanta leeyahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Sannadkii 1943-dii ayaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo 13 ah waxa ay aasaaseen ururkii gobannimo doonka ee SYL oo horseed u noqday xornimada uu dalkeennu maanta ku naaloonayo, waxaana maanta loo dabbaal degayaa 76 sano guuradii ka soo wareegatay aasaaskii ururkaas.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Kormeeray Wasaaradda Dekadaha Iyo Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta kormeeray wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda iyo dekadda magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa intii uu kormeerka ku jiray waxa uu kulan la qaatay wasiirka wasaaradda, Maryam Aways, agaasima waaxeedyada, khuburo kale oo ka howl gala wasaaradda iyo maamulka dekadda Muqdisho.

Kormeerka uu dekadda ku tegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku ayuu ku maray qaybaha kala duwan ee dekadda oo ay kamid tahay qaybta canshuurta dekadda halkaas oo uu kula kulmay maamulka canshuuraha oo uga war bixiyay sida ay howshu u socoto.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dhiirri geliyay wasiirka dekadaha, agaasimayaasha iyo maamullada dekadda iyo canshuuraha in ay sii laba jibbaaraan howlaha ay qaranka ugu adeegayaan.