Home Blog Page 975

Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray Raiisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Ku-meelgaarka aheyd Mudane Cali Maxamed Geeddi uga tacsiyeeyey geeridii ku timid Alle ha u naxariistee hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu u rajeyey walaalkiis Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo dhammaan qoyska ay ka baxday marxuumaddu in uu Alle ka siiyo samir iyo iimaan, iyadana hooygeeda ka yeello Janatul Firdoows.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun, Waxaa na soo gaaray warka murugada leh ee ku saabsan geerida ku timid Alle ha u naxariistee, hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow, Waxaan si guud murugada ula qeybsanayaa qoyskii iyo ehelkii ay ka baxday, gaar ahaan walaalkeey Raiisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi.”

Madaxweynaha ayaa marxuumadda Alle u weydiiyey dambi dhaaf iyo in uu qabrigeeda uga dhigo beer janno, aakhirana kala yeelo safka shuhadada iyo addoomada Alle ee suubban.

Wasiir Beyle oo ka qeyb galay shirka wada tashiga Guddiga maaliyadda Aqalka sare ee ka socda Garoowe.

Shirkii wada tashiga Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Aqalka Sare iyo Dowlad Goboleedyada  uga socday Magaalada Garoowe oo galay Maalintii 5-aad ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

Muhiimadda kulankan ayaa ah in si wadajir ah looga tashto, go’aan mideysanna laga qaato sharciyada maaliyadda Dalka.

Qorshaha maaliyadda Dalka ayaa haatan maraya meel wanaagsan, iyadoo ay Beesha Caalamka iyo hay’adda Lacagta Adduunkuba si weyn u bogaadiyeen habaynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare BFS ayaa Dowlad Goboleedyada kulan la tashi ah kala yeeshay hindiso sharciyeedka mihnadlayaasha caafimaadka.+sawirro.

Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare BFS ayaa Dowlad Goboleedyada Dalka kulan la tashi ah kala yeeshay hindise sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeegga Bulshada ,arimaha Bini,aadannimada warfaafinta dhaqanka ee Golaha Aqalka sare , Sen; Axmed Macallin Cumar Nadiif.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulankan uu yahay la tashi looga hadlayo hindise sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Hindise sharciyeedka mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka ayaa qodob qodob loo aqriyay, iyadoo xubnaha Dowlad Goboleedyada ay iyaguna fikirkooda ka dhiibteen.

Xoghayaha  Guddiga horumarinta  adeegga Bulshada ,arimaha Bini,aadanimada warfaafinta dhaqanka Golaha Aqalka sare, Sen, SamSam Daahir Maxamuud, ayaa gaba gabada kulanka sheegtay in ay muhiim tahay la tashiga qeybaha uu  khuseeyo sharcigan.

Hindise sharciyeedka Mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka waxaa soo diyaariyay wasaarada caafimaadka XFS ,wuxuuna soo maray Golaha Shacabka BFS, iyadoo haatan uu horyaallo Golaha Aqalka sare ee BFS.

Islamic Jihad iyo Israel oo xabad-joojin ku heshiiyey.

Heshiis xabad joojin ah, oo lagu dhameynaayo dagaal socday laba maalmood oo galaftay nolosha 32-ruux,ayaa ka dhaqan-galay waaberigii saaka Marinka Gaza,sida laga soo xigtay ilo laga helay Masar iyo saraakiil ka tirsan Ururka Islamic Jihaad,

Heshiiska Xabad joojinta  ayaa yimid ,ka dib kolkii Ururada Falastiin iyo ciidamada Isra’il ay isweydaarsadeen gantaallo iyo duqeyn xaggga circa ah oo ka dhacay Marinka Gaza iyo konfura Isra’il.

Heshiiska xabad joojinta oo ay  soo qaban qaabiyeen  xukuumadda Masar oo gacab ka helaya sarakiil ka socday Maeykanka,waxaa taageeray qeybaha ururada Falastiin, oo ay ku jirto kooxda Islaamic Jihaad.

Heshiiska ayaa dhigaya in kooxaha Falastiiniyiinta ay waajib ku tahay inay hubiyaan xabad joojinta iyo xasilloonida Qaza, halka Israel laga doonayo inay joojiso cadaawadda ayna hubiso xabbad-joojinta  inta lagu guda-jiro banaanbaxyada Falastiiniyiinta.

Lix xubnood oo ka tirsan qoyska marxuum Abu Malhous ,isla markaana ay ku  jireen  3-caruur ah iyo laba haween ah,ayaa lagu dilay duqeyn laba cisho ka hor ay fuliyeen diyaaradaha Isra’il,kaas  oo ka dhacay deegaanka Deir al-Balah oo dhaca koonfurta Marinka Gaza.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub oo Brussels ku kulmay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane; Xasan Cali Khayre, iyo madaxweyne ku-xigeenka midawga Yurub, Federica Mogherini ayaa Kula kulmay magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub.

Kulanka ayaa looga hadlay xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda.

Federica Mogherini, oo sidoo kale ah wakiilka midawga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga, ayaa adkeysay sida ay midowga Yurub ka go’antahay in Soomaaliya ay ku taageeraan hiigsigeeda dhismaha Soomaaliya ku tillaabsata siyaasad loo dhanyahay, amni, dhaqaale ahaanna horumarsan oo ka faa’iideysata Bulshadeeda hal abuurka leh ee Dhallinyarada u badan iyo kheyraadkeeda dabiiciga ah.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu uu la qaatay Federica Mogherini ayaa qeyb ka ah shirar uu Brussels kula qaadanayo hoggaanka midowga Yurub.

Mashruuc Ay Malaayiin Dolar Ku Kacaya Oo Ay Soomaaliya Ka Faa’iidi Doonto

0

Dowladda Soomaaliya iyo mashruuca horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa maanta bilaabay mashruuca la qabsiga cimilada oo gacan ka geysanaya in bulshada miyiga ku nool ay helaan biya ku filan.

R/Wasaare ku-xigeenka dalka ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Jocelyn Mason ayaa si wadajir ah u saxiixay mashruuca.

Mashruuca cusub oo afar sano ah waxaa hoggaaminaya xafiiska R/Wasaaraha, waxaana dhaqan gelinaya wasaaradda tamarta iyo khayraadka biyaha. Mashruuca waxaa ku baxaya 10 malyuun oo doolar, oo $8.5 milyan oo kamid ah uu bixinayo sanduuqa hey’adda deegaanka adduunka, iyada oo 1.5 Milyan ee soo hartay uu bixinayo mashruuca horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

Laba ama shan sano kasta gudahood, Soomaaliya waxa ay wajahdaa dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada adduunka oo ay kamid yihiin fatahaado, duufaanno iyo abaaro, kuwaas oo qayb ka qaata barakaca bulshada, sarana u qaada tartanka loogu jiro biyaha iyo dhulka

Saameynta ka dhalatay isbedelka cimilada ee sii yareysay kheyraadka biyaha ee makii horaba cariiriga ahaa ayaa sababi kara inuu sii huriyo rabshadaha bulshada dhexdooda ah.

Xoola dhaqatada ayaa ugu nugul isbedelka ku yimaada cilimada sababta oo ah waxa ay xoolahoodu ku tiirsanyihiin oo ay quutaan cagaarka kusoo baxa roobka, badankoodna mana lahan dhul daaqsin ah oo leh biyo xilliga Abaaraha oo gaar ay u leeyihiin iyadoo muran iyo dagaalo ka dhasha wadaagga biyaha uu sababo dagaalo ahli ah oo dhexmara xoolo dhaqatada.

“Waxa aan si xad dhaaf ah ugu faraxsanahay in aan arko billaabashada mashruucaan, in la helo biya nadiif ah waxa ay nolosha u badbaadineysaa si toos ah, sidoo kalana waxa ay si dhaw ula xariirtaa amniga cunnada, dakhliga, yareynta saboolnimada, nabadda iyo amniga.” ayuu yiri Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, Jocelyn Mason.

Mashruuca oo si dhow ula shaqeynaya bulshada ayaa siinaya tababarro la xariira maamulidda daadadka iyo ilaalinta biyaha.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeelatay Culumada Soomaaliyeed

0

Shir wadatashi ah oo ku saabsan aragtida iyo talada culumada ee ku aadan dib-u-eegista dastuurka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar kamid ah culumada waxaana daah-furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Diinta Sheekh Cali Wajiis oo kulanka khudbado ka jeediyay ayaa waxay bogaadiyeen waxqabadka Wasaaradda iyagoo Wasaaraddana ku amaannay sida ay mar waliba u tixgeliso aragtida Culimada Soomaaliyeed.

Dhanka Kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda ay si buuxda u garwaaqsan tahay muhiimadda culimada waxaana uu ballanqaaday in la joogteyn doono kulamada wadatashiga ee u dhaxeeya Wasaaradda iyo culimada.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay shirka ayaa yiri “Culimada sida ay ogtahayba waxaa dalka ka socda dib-u-soo-kabasho oo ay ugu horeyso in la dhammeystiro dastuurka; waxaana dooneynaa culimada in ay aragtiyadooda ku kordhiyaan dhammaan qodabada xasaasiga ah iyo kuwa masiiriga ah ee ku jira dastuurka waxayna taa cadeyneysaa in doorka culimada ee dhammeystirka dastuurka uu yahay mid lagama maarmaan ah”.

Ugu dambayn, shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay halka uu marayo geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo qodobada dib loo eegay iyadoo ay culimada kulanka ka soo qeyb gashay ay aragtidooda si hufan u dhiibteen.

Dowladda  oo dib u dhis ku Sameyneysa Dhismaha Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee Dalka Faransiiska

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday safaarada Soomaaliyeed ee dalka Farasniiska oo ku yaalla xaafadaha ugu

Mudane Xasan Cali Khayre oo afaaradda kula kulmay diplamaasiyiinta ayaa ka dhageystay warbixnta guud iyo baahiyaha ay qabaan, waxuuna ballan qaaday in dowladdu ay dayactir ku sameyneyso xurunta safaaradda iyo hoyga safiirka.

Dowladda ayaa dhawaan waxa ay dhisme safaaradeed ka iibsatay dalka Mareykanka, waxaana qorshuhu yahay in la horumariyo dhismooyinka safaaradaha dalalka caalamka.

Guddiyada shaqada ee Soomaaliya iyo Qadar oo Dooxa ku kulmay

0

Guddiga dib u howl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Dalkaasi ka helaan fursado shaqo ayaa la kulmay Guddiga dhiggooda ah ee Dalka Qadar.

Heshiiska Labada Dal, waxaa la saxiixay Sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo howl-geliyey dabayaaqadii September ee Sanadkan, kaddib markii Wasiirka  Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane; Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey Dalka Qadar, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda hormarinta maamulka, shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Dalka  Qadar ,Mudane Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu.

Wasaaradaha Shaqada ee Labada Dal waxay soo Magacaabeen  Guddi ka kooban Lix xubnood  oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska.

Waxaa Maalmahaan Caasimadda Dooxa shir ku lahaa Guddiga isku xirka iyo dib u howl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee Labada Dal, waxaana xalay Guddigu uu  saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah;

1.    In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo qaadayo.

2.    Waxaa la isla gartay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Dalka Qadar Sannadka 2022-ka.

3.    Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay  in Shaqaalaha Soomaaliyeed uu u furanyahay suuqa shaqada ee Dalka Qadar.

4.    Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran.

5.    Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan Xafiisyo ka mas’uul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha.

a.    Soomaaliya waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada.

b.    Sidoo kale Dowladda  Qadar waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha.

Labada Guddi ayaa hoosta ka wada xarriiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan howsha loo billaabo, si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira Labada Wasaaradood.

R/Wasaare Khayre & Xoghayaha Guud Ee Wariyayaasha Aan Xuduudda Laheyn Oo Kulmay

0

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Paris ee dalka Faransiiska kula kulmay Christophe Deloire oo ah Xoghayaha Guud ee Wariyaasha aan xudduuda laheyn.

Kulanka dhex maray R/Wasaaraha iyo Christophe Deloire ayaa waxaa ka soo qeyb galay Arnaud Froger oo ah agaasimaha Afrika ee Wariyaasha aan xuduudda laheyn iyadoo kulankaasi looga hadlay dardar gelinta dadaallada dowladdu uga hortagayso dhibaatooyinka kooxaha argagaxisadu ay ku hayaan wariyaasha Soomaaliyeed.

Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed cidna aysan ka oggolaaneyn in lagu xad gudbo warfidiyeennada oo ah indhaha bulshada.

Sanadihii la soo dhaafay waxaa hoos u dhacay dhibaatooyinka ay la kulmaan warfidiyeennada, waxaana dowladda Soomaaliyeed ay dadaal xooggan ugu jirtaa sidii loo sii horumarin lahaa iyo sidii howl-wadeennada warbaahinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen amni iyo nabad gelyo buuxda oo qayb ka qaata horumarka iyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.