Home Blog Page 976

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Casho Sharaf U Sameeyay Golahiisa wasiirradd.

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khare, ayaa xalay xafiiskiisa casho sharaf ugu sameeyay sameeyay golohiisa wasiirrada iyo hawl wadeennada tubaha afarta ah ee lagu saleeyay shaqo maalmeedka dawladda.

Casha sharafta ayaa lagu maamuusayay shirka isla-xisaabtanka afarta tubood oo shalay lasoo gebagebeeyay kaas oo looga hadlayay hawlihii qabsoomay, wixii qaldamay, qorshayaasha hor-tebinta leh labada sano ee soo socota, sidoo kalana la iskula gartay in lagu wada taaganyahay hal waddo oo loo jeexay u jeeddo laga midaysanyahay oo ah horumarinta qarannimada Soomaaliya iyo in laga dhabaynayo himilooyinka lagu doortay madaxwayne Maxamed Cabdullaahi maxamed (Farmaajo)

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa hawlwadeennada madaxtooyada, xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo tubaha uga mahadceliyay tallaabooyinka ay qaadayaan ee qarannimada Soomaaliya horay u dhigaya, waxa uuna abaal marinno ay ku mutaysteen hawl-karnimo guddoonsiiyay xubno kamid ah hawl-wadeennada xafiiska Ra’iisul wasaaraha , tubaha, hormuudyada ololaha is-xilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud iyo Xoogagga wadaniyiinta ah.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa ballan qaaday in hoggaanka dalku ay sii wadayaan ilaalinta amaanada iyo bedelidda dhaqankii hore ee dib u dhigay horumarka iyo qaranimadda ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid allaha u naxariistee xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle, ayaa Allaha naxariis uga baryay, isaga oo sheegay in xildhibaanka ay ka go’nayd horumarinta Soomaaliya, waxa uuna dhanka kale ra’iisul wasaaruhu ka hadlay wax qabadkiisii Allaha u naxariistee uu wariye Cawil Daahir Salaad ku lahaa dib u kabashada Soomaaliya iyo rajada uu ka qabay in dalku gaaro horumar dhan waliba ah.

Xoghayah joogta Wasaradda Qorsheynta oo dalka Ethapia ka furay shir looga hadlayo abaaraha.

0

Shir looga  hadlayo Qorshaha Dib u kabashada Abaaraha iyo  sidii looga gashaaman lahaa abaaraha soo noq noqday #RRF ayaa maata ka furmay Magaalada Addis ababa ee dalka Ethapia waxaana ka qeybgalay xubna ka socday Wasaaradda Qorsheynta DF iyo Dowladd gobaleedyada.

Xoghayaha Joogta Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dalka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan (Cabdul) oo   shir gudoominaya  kulan howleedkan ayaa qeexay ahmiyada qorshahan RRF iyo qorshah dib u kabashada abaaraha uu soo maray.

dhaamaanteen waan la wada socanay qorshahan marxalda kala duwan ee uu soo maray, maanta waxaan joognaa qaabkii fulintiisa aan   u guda gali lahayn, Garowe markii aan isku imaanay dowladda Df  iyo Dowladd gobaledyada arinta si wanagsan ayaan uga wada hadlaynay innagoo wax ajanabi ah nagu dhax jirin marka qorshahan waa mid Soomaali ay gacanteeda ay ku Sameysatay iyadana leehayd waxan noogala baahan yahay in mudnaansiinta howlahan in aan guda galno “ayuu yari Xoghyaha joogtaa.

Qaar ka midah Agaasimyaasha Guud ee Wasaradaha Qorsheynta Dowladd Gobaleedyada  oo ka jeediyay shirka hadalo kooban ayaa bogaadiyay qorshaha iyo sida ay uga shaqeenayso Wasaaradda Qorsheynta Dowladda federaalka Soomaaliya arintan .

Bilowgii Sanadka 2017 markii talada ay la wareegtay Xukuumadda Soomaaliya ee haatan jirta ayaa Wasaaradda qorsheynta dadaal u gashay sidii qorshe looga yeelan lahaa abbaarahaan soo noq noqday iyadoo Wasiirka Qorsheyenata Amp Jamaal  Maxamed Xasan uu warqad u qoray Beesha Caalamka  uu ka dalbnayay in ay dowladda ku  gacan siiyan warbaxin lagu eegayo xajmiga ay reebtay abaarahii dhacay 2016 -2017  iyo wax laga baran karo, waxana daraasadaasi lagu  soo  bandhigay raadadka abarta ay geesata DINA tasoo laga sameeyay gobalada dalka oo dhan.

Ka dib ayaa Wasaaradda wax ay go,aan ku gaartay  in la la guda galo qorshahan dib u kabashada abaaraha  soo noq noqday iyadoo  la tixraacayo daarasada DINA lagu saleenayo ahmiyada kala duwan ee dhinacyada Xoolaha ,Beeraha, Kaluunka , Biyaha Caafimaadka iyo Dhismaha Wadooyinka tasoo fursad u ah sidii looga gaashanto abaaraha soo noq noqday.

Wasiirka Cadaaladda XFS ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

0

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Wasiirka Cadaaladda XFS ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira hormarinta Hay’adaha cadaalada Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo safiirku halkaa u tagay si uu wax badan uga ogaado.

Wasiirka oo ay wehliyaan mas,uuliyiin ka tirsan  wasaaradda ayaa markii uu xafiiska ku soo dhaweeyay safiirka waxaa  uga sheekeeyay maab muujinaya howlaha shaqo ee wasaaradda sidoo kale waxaa ay mas,uuliyiintu kormeereen xafiisyada shaqada ee wasaaradda oo markaas ay ka socdeen howlaha shaqo.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa waxaa ay isla soo qaadeen intii uu socday kulankooda sii xoojinta iskaashiga labada dal iyo sidii dowladda Turkigu   ay uga gacan sii lahayd  sare u  qaadista hormarinta hay’adaha cadaaladda dalka iyo adeega garsoor ee bulshada Soomaaliyeed ee ay u baahan tahay wasaaradda  cadaaladda.

“Waxaan ka wada hadalnay labada dal xiriirka wanaagsan ee ay leeyihiin qaas ahaan waxaan uga wada hadalnay bahda cadaaladda waxaan isku af garanay in la xoojiyo bahda cadaaladda iyaguna waxii ay ka qayb qaadan karaan ay nagu gacan siiyaan waxaan uga warbixinay in bahda cadaaladdu meel wanaagsan mareyso dib u eegista sharuucda badankoodu ay socdaan maxkamadahana lagu sameeyay dib -u eegis  waxaa ay aad iyo aad u daneynayeen in garsoorka Soomaaliya uu meel fiican marayo anaguna waan u sheegnay” ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji.

Mehmet Yilmaz Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa wasiirka u balan qaaday in dowladiisu ay sii xoojin doonto taageerada dhinacyada badan ee ay siiso dhanka garsoorkuna uu noqon doono mid ay muhiimad weyn siiso waxaana kulankoodu uu ku dhamaaday jawi qurxoon.

 

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Axmed Mayow Abdulle

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush) iyo Xildhibaan Kheyre Maxamed Xasan oo ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur galbeed oo shalay ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebooka ayaa sidan ku yiri” INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN,Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qarankaba waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoysaska ay ka baxeen Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Kornayl Ruush) oo ka tirsanaa Golaha Shacabka iyo Xildhibaan Khayre Maxamed Axmed oo ka tirsanaa Barlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho,”

Dhanka kale,Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tacsi u diray Ehalada iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Col Ruush),wuxuuna Alle uga baryay inuu janadiisa ka waraabiyo,ehaladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo.

Mudane Xasan Cali Kheyre,ayaa ku tilmaamay inuu marxuum Axmed Mayow Abdulle uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka,islamarkaana shaqo badan u soo qabtay dalka.

Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle ayaa wuxuu ka mid ahaa Baarlamaanka 10-aad gaar ahaan Golaha Shacabka ,sidoo kale waxa ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya.

Ururka IFJ oo sheegay in tirada dhimashada suxufiyiinta caalamka lagu dilay ay garayan 94 sanadkaan sii dhamaanaya ee 2018-ka.

0

Xiriirka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta (IFJ) ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in Saxaafiyiin   iyo shaqaale Warbaahineed oo gaaraya 94 la dilay sanadkaan sii dhamaanaya ee 2018-ka.

Warbixintaan oo sanadkiiba mar laga sii daayo xarunta xiriirkaasi ee magaalada Brussels dalka Biljam,ayaa lagu xusay in Saxaafiyiin iyo shaqaale Warbaahineed ay u dhinteen dil la bartilmaameedsaday,qaraxyo,xabado la isweydaarsaday iyo shilal dhacay sanadkaan.

Lix ka mid ah dadkaasi dhibanayaasha ah ee la dilay ayaa warbixinta lagu sheegay in ay ahaayeen Haween,halka 3-shaqale lala xiriiriyay shil.

Tirada dhimashada sanadkaan waxa ay ka sareysaa tii sanadkii 2017-dii ee la diiwaangaliyay ,taas oo gaaareysay  82,waxaana dhimashada hadda la tilmaamay in ay tahay 84 suxufi iyo 10 shaqaale warbaahineed.

Madaxa Xiriirka  Caalamiga ah ee Suxufiyiinta Philippe Leruth ayaa ka codsaday Qaramada Midoobay in la ansixiyo ama la dhaqangaliyo cahdi ilaaliya amniga iyo badqabka Saxaafiyiinta.

Tirada dhimashada ee shaqalaha warbaahinta sanadkaan

Afghanistan: 16

Mexico: 11

Yemen: 9

Syria: 8

India: 7

Pakistan: 5

Somalia: 5

United States: 5

Philippines: 3

Ecuador: 3

Brazil: 3

Colombia: 2

Palestine: 2

Guatemala : 2

Eng. Yarisow oo hambalyeey guuleystaysha Abaalmarinta Mogadishu Awards Abaalmarinta

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu bixinayay Abaalmarinta (Mogadishu Awards 2018), taasoo abaalmarin lagu guddoon-siiyanayay shaqsiyaad iyo Hey’addo wax gal u ah bulshada oo loo gartay in ay yihiin shaqsiyaadka sanadka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku ammaanay Mogadishu Awards sida ay isugu xil-qaantay in ay bulshadeeda dhiira-geliso, gaar ahaan hal-doorkii gutay kaalintii kaga aadanayd u adeeggidda bulshada.

Eng. Yarisow ayaa ku dheeraaday kaalintii ay ka qaateen horumarka dalka dadkii guuleystay iyo u adeeggidda bulshada Soomaaliyeed, waxuna kula dar-daarmay in ay sii xoojiyaan dadaalladooda.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Mogadishu Awards abaalmarinta iyo dhiirigelinta Wanaagsan ee ay la garab taagan yihiin dadkii howlaha muhiimka ah u soo qabtay bulshada, waa hubaal in dad badan ay mudan yihiin abaalmarintan, balse tani waa in ay idiin sii noqotaa jidkii aad howshiina ku xoojin lahaydeen”.

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu sii wadi doono dhiirigelinta iyo garab-istaaga cid walba oo dalkeeda horumarkiisa wax ku biirisa.

“Dhiirigalintu waa furaha dhaqaajiya naftaada waxuna sabab u noqdaa inuu qofku qabto hawl heerkeedu aad u sareeyo oo natiijo aad u wayn gaarsiisa waana dhabaha keena guusha. Qofkii hela dhiirigalin joogta ah waxaan shaki ku jirin inuu nolosha guul ka gaarayo.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Marti sharaf aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen, Wasiirro ka tirsan XFS, Xildhibaanno, Saraakiil, masuuliyiinta M/Mulka G/Banaadir iyo marti sharaf kale.

Golaha shacabka oo ansixiyey miisaaniyadda dawladda 2019 iyo sharciyo kale

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa cod geliyay Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2019-ka taasoo cadadeedu ay dhantahay 344,192,685$ oo uu ka muuqdo koror dhan $47.1 Milyan marka loo eego miisaaniyadda sanadkii hore  hase ahaatee waxaa kale oo muuqda in miisaaniyadda sanadkan ay si weyn ugu koobantahay kharashaadka Adeega Maamulka iyo Difaaca taas oo loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah qadar dhan $245,971,212 una dhiganta 71.5% Arrimaha bulshadda oo loo qoondeeyay $23,113,231 una dhiganta 6.7% halka haraaga oo dhan $50,899,036 oo u dhiganta 14.8% qoondada miisaaniyadda 2019-ka loogu talo galay mashaariicda horumarineed ee Dalka.

174 Xildhibaan oo uu ahaa kooramka xildhibaanada guud ahaan soo xaadiray kulanka guud ee golaha shacabka ayaa codka haa ku ansixiyay Miisaaniyadda 2019-ka ma jirin xildhibaan diiday sidoo kalena ma jirin Xildhibaan ka aamusay ,sida uu natiijada ku dhawaaqay shir guddoonka golaha.

Golaha shacabka Jamhuuriyadda FS ayaa ansixiyey heer hoosaadka golaha oo dib u habayn lagu sameeyey, waxaana haa ugu codeeyey 170-Xildhibaan, halka hal mudanena uu diiday.

Sidoo kale golaha shacabka ayaa ansixiyey sharciga, xaqsiinta, hawlgabnimada iyo Hibooyinka ciidamada qalabka sida. 171-mudane ayaa ogolaatay, waxaana diiday 2-Xildhibaan

Saldhigii ugu weynaa ee laga soo abaabuli jiray Qaraxyada Al-shabaab oo la burburiyey

0

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Howlgalka ayaa laga fuliyay Xarun tababar Maleyshiyada Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha Magaalada Jilib ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in ciidamada danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen Xarun tababar oo nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliye Bogmadow waxaa uu sheegay qasaaro dhimasho iyo dhaawac nabadiidka Al-shabaab lagu gaarsiiyay weerarka Howlgalka

Ku dhawaad 30 Maleyshiyaad ah iyo 4 horjooge oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarka sida uu sheegey Taliye Bogmadow

General Bogmadow ayaa Tilmaamay in Horjogayaasha lagu dilay weerarka ay ka mid yihiin labo horjooge oo Ajaanib ah

Magacyada horjogayaasha Ajanibta ah ee lagu dilay howlgalka waxaa kamid ah Aweys Abu Xamza oo heesta dhalashada Dalka Suuriya iyo Hassan Al-Qayaadi (Abu Yaxya) oo isna heysta Dhalashada Dalka Liibiya isagoona ka mid ahaa raga ugu sareeya nabadiidka Al-shabaab

Saldhigga la weeraray ayaa ka mid ahaa xarun lagu tababaro Maleyshiyaadka fuliya isqarxinta, kuwaas oo  Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay sheegeen in saldhigga uu ka mid ahaa Goob ay nabadiidka Al-shabaab ay kasoo abaabulaan weerarada qaraxyada ah

Wasiirka Warfaafinta dalka oo qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya+Sawirro

0

Kulanka oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Warbaahineed ee labada Dal, waxaana madaxda Wasaaradda Warfaafintu ay sheegeen in Warbaahinta Qaranka ay door muuqda ku leedahay baahinta waxqabadka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo Safiirka lagu soo wareejiyey Qeybta TV-ga Qaranka oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyey.

Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya  Mr Mehmet yilmaz ayaa uga mahad celiyay sida diiran ee loo soo dhaweeyay waxaana uu sheegay in ka safaarad ahaan ay kaalin ka qaadan doonaan sidii loo hormarin lahaa warbaahinta Dowladda.

“ aad ayaan ugu faraxsanahay kulanka iyo sidii aad isoo dhaweyseen waxaan halkaan u imid in aan iska xogwareysano xariirka Warbaahinta labada dowladood, xariirka soomaaliya aan la leenahay waa mid taariiqi ah”ayuu yiri.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ahmiyad weyn uu lahaa kulanka uu la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen qodobo xoojinaya xiriirka labada dal.

“waxaan kawada hadalnay kaalinta Warbaahinta dowladda ay ku leedahay hab tabinta xariirka wanaagsan ay Soomaaliya la leedahay Dowladda Turkiga, waxaan kaloo kawada hadalnay xariirka Warbaahinta ee labada dowladood iyo sidii kor loogu qaadi lahaa”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaad 10-kii sano ee ugu dambeysay  Soomaliya ka taageereysay  dhinacyada dhismaha ciidanka Xoogga dalka, dhismayaasha  wadooyinka, xarumaha Caafimaadka iyo gargaarka ay u fidiyaan dadka Baracayaasha ah ee ku nool gudaha Dalka.

Garsoorayaashii uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo la dhaariyey

0

Muqdisho December 29 (SNTV):- Garsoorayaashan ladhaariyey waxaa soo magacaabay dhawaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” waxaana ay kamid noqonayaan Gorsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Dalka.

Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed,Wasiirka Cadaaladda Mudane, Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamdda Racfaanka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ,Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Shaqaalaha kala duwan ee Garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Garsoorayaashan ay qeyb weyn ka qaadanayaan dib u soo celinta dalka Dowlad nimadiisii.

“Waxaan rajeynayaa in aad kaalin weyn ka qaadataan dib u soo celinta dowladnimadii dalkan taas oo in muddo ah maqneyd, hadda waxaan heynaa shaqo aad u adag waxaana rajeynaa in aad isbedel wanaagsan nagu soo kordhisaan.”

Guddoomiye Baashe waxaa uu si weyn uga hadlay arrimaha musuq maasuqa, waxaana uu sheegay inay jiraan qareeno qaata laaluush, kuwaas  oo dagaal lagula jiro sidii banaanka loo soo dhigi lahaa.

“Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka waxaa uu digniin u daray dadka looga guuleystay dacwadaha ay Maxkamadaha dalka qaadaan kuwaas oo u taga Maleeshiyaadka Al Shabaab si ay u cabsiiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“hadda waxaa xiran 3 qof waxaa ay wateen cadeymo been ah waxaana looga guuleystay Maxkmadda, balse waxaa ay u tageen cowga dalka iyaga oo doonaya inay cabsiiyaan qofka kale ee dacwada kala dhaxeyso, sidaas waxaa sheegay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Axmed Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhankiisa waxa uu tilmaamay Garsoorka dalka uu isbedel weyn ka muuqdo taas oo in halkaas laga siiwado ku dhiiri galinayaan Madaxda Maxkamadaha kala duwan ee dalka.