Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Oo Kulan Wadatashi Ah La Yeelatay Culumada Soomaaliyeed

Date:

Shir wadatashi ah oo ku saabsan aragtida iyo talada culumada ee ku aadan dib-u-eegista dastuurka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaar kamid ah culumada waxaana daah-furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Diinta Sheekh Cali Wajiis oo kulanka khudbado ka jeediyay ayaa waxay bogaadiyeen waxqabadka Wasaaradda iyagoo Wasaaraddana ku amaannay sida ay mar waliba u tixgeliso aragtida Culimada Soomaaliyeed.

Dhanka Kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda ay si buuxda u garwaaqsan tahay muhiimadda culimada waxaana uu ballanqaaday in la joogteyn doono kulamada wadatashiga ee u dhaxeeya Wasaaradda iyo culimada.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay shirka ayaa yiri “Culimada sida ay ogtahayba waxaa dalka ka socda dib-u-soo-kabasho oo ay ugu horeyso in la dhammeystiro dastuurka; waxaana dooneynaa culimada in ay aragtiyadooda ku kordhiyaan dhammaan qodabada xasaasiga ah iyo kuwa masiiriga ah ee ku jira dastuurka waxayna taa cadeyneysaa in doorka culimada ee dhammeystirka dastuurka uu yahay mid lagama maarmaan ah”.

Ugu dambayn, shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay halka uu marayo geedi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyo qodobada dib loo eegay iyadoo ay culimada kulanka ka soo qeyb gashay ay aragtidooda si hufan u dhiibteen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...