Islamic Jihad iyo Israel oo xabad-joojin ku heshiiyey.

Date:

Heshiis xabad joojin ah, oo lagu dhameynaayo dagaal socday laba maalmood oo galaftay nolosha 32-ruux,ayaa ka dhaqan-galay waaberigii saaka Marinka Gaza,sida laga soo xigtay ilo laga helay Masar iyo saraakiil ka tirsan Ururka Islamic Jihaad,

Heshiiska Xabad joojinta  ayaa yimid ,ka dib kolkii Ururada Falastiin iyo ciidamada Isra’il ay isweydaarsadeen gantaallo iyo duqeyn xaggga circa ah oo ka dhacay Marinka Gaza iyo konfura Isra’il.

Heshiiska xabad joojinta oo ay  soo qaban qaabiyeen  xukuumadda Masar oo gacab ka helaya sarakiil ka socday Maeykanka,waxaa taageeray qeybaha ururada Falastiin, oo ay ku jirto kooxda Islaamic Jihaad.

Heshiiska ayaa dhigaya in kooxaha Falastiiniyiinta ay waajib ku tahay inay hubiyaan xabad joojinta iyo xasilloonida Qaza, halka Israel laga doonayo inay joojiso cadaawadda ayna hubiso xabbad-joojinta  inta lagu guda-jiro banaanbaxyada Falastiiniyiinta.

Lix xubnood oo ka tirsan qoyska marxuum Abu Malhous ,isla markaana ay ku  jireen  3-caruur ah iyo laba haween ah,ayaa lagu dilay duqeyn laba cisho ka hor ay fuliyeen diyaaradaha Isra’il,kaas  oo ka dhacay deegaanka Deir al-Balah oo dhaca koonfurta Marinka Gaza.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...